Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News
Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

Ugaasyadii reer Qabri Dahare oo si dhaqanka, iyo sharafta ka baxsan uu madaxweynaha deegaanku ula dhaqmay

Radio Jigjiga (Jigjiga) February-08-2012, Ugaasyo uu ka mid yahay Ugaas Maxamed Duulane oo la xidhay iyo kuwa kale oo la la'yahay, arintan ayaa walaac badan ku haysa dad badan oo ka mid ah shacabka deegaanka. Wararka ka imanaya gudaha Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa xaqiijinaya in Ugaas Maxamed Duulane iyo Ugaas Cabdiqaadir Yusuf Cismaan Dhagay oo ah laba ugaas oo caan ka ah gobalka Qoraxay loo dhaadhicay jeel ku yaala magaalada Dhagaxbuur, isla markaana ay mudo ku dhaw asbuuc halkaas ku xiran yahiin.

 Warku waxuu intaas ku darayaa in ugu yaraan laba ugaas oo kale oo mid magaciisa lagu sheegay Ugaas Cabdimaalik Ugaas Maxamuud Haybe iyana la la'yaha meel ay jaan iyo cirib dhigeen, iyadoo ay warar kala duwan kasoo baxay xaaladooda.Breaking

 Waxaa jira warar sheegaya in iyana ay xiran yahayiin, sidoo kale waxaa la isla dhex marayaa in Ugaasyadu ka carareen deegaanka kadib markii ay ogaadeen in iyana la xidhi rabo.

Sababta rasmiga ah ee ugaasyada loo xiray, ayaa ilo xog ogaal ahi ku sheegeen inay la xidhiidhiyo xafladii caleemo saarka Garaad Maxamed Garaad Dool Garaad Xirsi oo dhawaan ka dhacday magaalada Birqod, taasoo la sheegay inay saluugeen qaabka loo maareeyay.

Ugaasyada xiran ayaa la sheegay inay dood ka keeneen magacaabida ugaasyo kale oo sida la xaqiijiyay ay dowladu magacowday, kuna sheegtay inay matalayaan beelaha iyo deegaanka ay kasoo jeedaan ugaasyada xirani. Qaar ka mid ah ugaasyada dowladu magacowday ayaa la sheegay inay goob joog ka ahaayeen shirka lagu caleemo saaray Garaad Maxemuud Garaad Dool.

 Labada Ugaas ee xiran ayaa tan iyo intii la xiray ayna jirin cid war fiican ka haysa, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in qorshahu yahay in Jigjiga loo dhaadhiciyo dhawaan. Wararku waxay intaas ku darayaan in ay jiraan ugaasyo iyo salaadiin kale oo iyana ka biyo diiday habka loo maareeyay caleemo saarka Garaad Maxamed, kuwaas oo ka gaabsaday imaanshaha madasha.

 Saxaafada ku hadasha afka Dowlada ee Cakaaranews ayaa sababta xadhiga qaar ka mid ah ugaasyada ku sheegeen inay dhaceen dhul dowladu lahayd, doodan oo dad badan ka gadmi wayday.

 '' Dhaqanka Soomaalida waxaa ka xaaraan ahaan jiray in Ugaas la xidho iyo in la jaa'ifeeyo toona, tanina waa mid ugub ku ah gayiga Soomaalidu ka dagto Bariga Afrika'' ayuu yiri oday ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo, isagoo intaa ku daray in ugaasnimada lagu abtirsado ee aan dowladi bixin. Dooda Dowlada ee ah dhul ayay dhaceenta ayuu iyana ku sheegay jaa'ifo iyo bah dilaadxadhigooda ka daran.

Dadka dhaliila siyaasada DDS iyo waliba xoogaga nabad diidka ayaa labaduba ku doodaya in dowlada ka xishoon wayday Salaadiin ee jeelka u taxaabtay ayna cidna xushmo iyo karaamo u hayan, taas ay hubaal tahay inay waji gabax ku tahay dowlada Madaxwayne Cabdi Iley, oo hada ku bilaabey magaalada Qabri Dahare, wixii ay reer Jigjiga isku dileen oo ahayd dhulka Dawlada ayaa iska leh, anigaana sidan doono u maamuli, kadibna sida dhacda uu saaxiibadii, iyo dadkuu wato si sharci daro ah ugu wareejiyo.

 

 
radio on Facebook

beesha xasan Cismaan
Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar

video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.