Qurba joog badan oo ka tirsan jaaliyadaha ka soo jeeda deegaanka Soomaalida oo hambalyo, iyo bogaadin u soo diraya Cabdifataax Sh. Cabdulaahi Radio Jigjiga (Minneapolis) Qurba joog aad u tiro badan, ayaa hambalyo, iyo bogaadin u soo diraya gudoomiyahii hore ee xisbiga, mudane Cabdifataax Sh. Cabdulaahi.
Dadweynahan qurba joogta ah, kana soo kala jeeda gobolo badan, oo ka kala tirsan deegaanka Sooaalida Itoobiya, ayaa hambalyo, iyo taageero farxadeed, u soo dirayey gudoomiyihii hore ee xisbiga talada deegaanka haya, mudane Cabdifataax, hadaba taniyo markii uu Cabdifataax ka tanaasulay jagadii xisbiga, ayey na soo gaadhayeen, hambalyadaas ay dadkani ku tilmaameen, iney ahayd go'aan, iyo arin wanaagsan oo uu Cabdifataax ku dhaqaaqay, kadib markuu wax buuq, ama, rabsho ah ka keenin isbadalkii ku yimid xilkii xisbiga.
Sidoo kale ayey, qurba joogtani, soo tabiyeen, iney aad ugu farxeen, sida sharafta leh, ee Cabdifataax u taageeray gudoomiyaha cusub ee xisbiga mudane Maxamed Rashiid Isaaq, waxaa kale oo ay ku amaaneen Cabdifataax, siduu tusaale wanaagsan ugu noqday madaxda kale ee deegaanka, taasoo bey leeyihiin, ay iyana waajib ku tahay, iney ku dayasho, muujiyaan, oo marka shaqsi walba wakhtigiisu yimaado, uu jidkan Cabdifataax oo kale qaado, ee uusan la imanin, wax buuq, ama hagar daamo ku ah, shacabka deegaanka ee abaaraha la tamarta daran, dhibaato kalena ku sii kordhin.
Ugu dambeyn, ayey qurba joogta deegaanku, ku tilmaameen, inuu Cabdifataax Sh. Cabdulaahi, yahay shaqsi ay kalsooni weyn ku qabaan, siduu wax u maamulana ay si weyn u taageersan yihiin, maadaama uu aqoonteedana leeyahay.
Cabdi fataax, ayey qurba joogtu ugu yeedhaan, aabihii nabada ee deegaanka, waayo wuxuu ahaa, shaqsigii gadh wadeenka ka ahaa, markii ururka UWSLF, ay nabada la qaateen dawlada dhexe, sidoo kale wuxuu ahaa horseedihii, ay la soo xidhiidheen, garabka nabada qaatay ee ururka ONLF, uuna hogaaminayeye Salaaxudiin C/Raxmaan X. Macow, waxaa kaloo lagu tilmaamaa in qof kasta oo ka tirsan ururada mucaaradka, misana doonaya inuu dawladiisa Itoobiya la heshiiyo, uu Cabdifataax yahay, jidka loo maro doonista nabada, waana siyaasiga haysta kalsoonida ugu badan ee dhamaan beelaha deegaanka. Cabdifataax Sheekh, wakhtigan hada ah, waa wasiirka shaqada, iyo arimaha bulshada ee dawlada dhexe.
Radio Jigjiga (Jigjiga) 8-5-2011, Waxaa maalmihii la soo dhaafay ay dood weyni ka taagneyd sababta aqalka shirarka ee magaalada Jigjiga loogu magac daray Sayidka. Warkii oo Dhan