Radio Jigjiga Home     Ogeysiis
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News

Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

WDr. Axmed Sheekhareysigii uu warsidaha afdheer.com la yeeshay madaxii hore ee xafiiska deegaanka u qaabilsan cilmi baadhista, mudane Dr. Axmed Sheekh, oo loo arkay inuu iftiin ku shiday guud ahaan sida ay dawlada deegaanku u shaqayso
SFree Pressaxaafada xorta ahi saaxiib joogto ah ma leh

al)
Doorashadii Cabdi IleySanad guuradii Koowaad ee madaxweyne-nimada Cabdi Maxamuud Cumar, maxaa khaldamay, maxaase la qabtay (faalo)

Soomaalida oo dhibaato ka haysato u hogaansanka sharciga wadamad ay ku nool yihiin

Radio Jigjiga (Minneapolis) 10-7-2011,Dadka Soomaalida ee ku kala nool wadamada ku dhaqma sharciyada qoran, ee galbeedka Yurub, iyo wayooyiga Amerika ayaa ay dhibaato adagi ka haysataa u hogaasanka sharciyada dalalkaas.

Soomaalida ku nool daalka dibada ka, ayaa Marakanku yahay meesha ay ugu badan yihiin, marka laga reebo, dalaka ay ka kala yimaadeen, sida Soomaaliya, Itoobiya, Kenya, iyo jaboouti, hadaba dadkan Soomaalida ah ayey dhibaato ka haysataa la qabsiga, iyo raacida shuruucda u taala dalalkan horey u maray.

Tusaale ahaan gobolka Minnesota oo ah gobolka ay soomaalidu sida weyn u joogto, ayaa laakiin marka la barbar dhigo qawmiyadaha kale ee qaxooti ahaanta ku yimid, sida dadka indhayart loo yaqaan ee qaarada Asiya ka yimid, ayey Soomaalidu noqdeen kuwa ugu sharci jabinta badan, taasina ay keentay  in dhalinyaro Soomaali ah oo kor u dhaafay todoba kun (7,000)  ay ku jiraan xabsiyada ku kala yaala degmooyinka gobolka Minnesota. Arintani waxay,iyo yaab ku noqoqtay dadka u dhuun daloola arimaha sharciyada, iyagoo inta badan is weydiiya, sidey ku dhacday in dad aad uga tiro yar, qawmiyadaa ee Maraykanka ah, ay tirada intaa le'eeg xabsiyada ugu jiraan.

Laakiin cilmi baadhis ay samaysay jaamaca Minnesota, ayaa lagu ogaadey in dadka Soomaalida ay dhib ku tahay, sidey sharciga, iyo kala dambeynta ugu hogaansami lahaayeen, hadaba markay arintan aad u sii dabagaleen, ayey markii dambe u soo baxday iney saaamayn ku leedahay dawladaha ka kala jira wadamada ay Soomaalidu markii hore ka kala yimaadeen, taasoo lagu ogaaday cilmi baadhistan, in xad gudubyada ay dawladahaasi ku sameeyaan dadka Soomaalida, ay aakhirkii dadkan ka dhigtay, kuwo cuqdad, iyo shaki had, iyo jeer ka qaba dawlad kasta oo ay dalkeeda tagaan.

Markaa dawladahan xadgudubka (abusive government) ay dadka Soomaalida ku hayaan, ayaa la sheegay iney masuul ka tahay sharci jabinta ay ku kacaan Soomaalida ku nool dalalka qurbaha.
Ugu dambeyn dalakan ayey inbadan oo Soomaalida ka mid ahi, sheegaan ineyba u dhaamaan dalalkoodi hooyo ee ay markii hore ka kala yimaadeen, dawlada dadka dhiba awgood, dawladahan oo aan shacabkooda marna barin, qiimaha ay leedahay ku barbaaarinta sharciga oo lagu dhaqo.



 

  
Jigjiga FM
Warbaahintii dawlada deegaanku lahayd ee magaalada Jigjiga oo lagu soo waramo inuu madaxweyne Cabdi Iley u adeegsanayo danihiisa gaarka ah

Wakhtiga U Dhiman Cabdi Iley

Waraaqaha Dadweynaha

Misgistu, iyo Cabdi Iley
Maxaad kala socotaa, labada nin ee deegaanka Soomaalida, soo xukumay, misana loogu necbaanshaha badan yahay?


Radio Jigjiga (Jigjiga) 7-29-2011, Dadweynaha ku nool deegaanka Soomaalida, gaar ahaan, kuwooda degan caasimada Jigjiga, ayaa isku wada raacay, in intii madax, iyo masuuliyiin ka soo noqotay dhulkeena loogu necbaansho badnaa laba nin. Warkii oo Dhan
taalada Sayidka
W
aa maxay sababta guriga shirarka ee magaalada Jigjiga loogu magac daray Sayid Maxamed Cabdulle Xasan?


Radio Jigjiga (Jigjiga) 8-5-2011, Waxaa maalmihii la soo dhaafay ay dood weyni ka taagneyd sababta aqalka shirarka ee magaalada Jigjiga loogu magac daray Sayidka. Warkii oo Dhan
 
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2000-2011 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.