
 Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.
| Shirweynihii Taleex oo guul ku dhamaaday, iyo maamul goboleed la dhisey
Radio Jigjiga (Taleex) January-21-2012, Shirkii barayahanba beelaha SSC, uga uga socday magaalada taariikhda leh ee Taleex ayaa soo gabagaboobey, dhamaadkii shirka ayey beelahani ku dhisteen maamul goboleed markii ugu horeysay aan hoos tagi doonin, labada maamul ee Somaland, iyo Puntland. Beelaha SSC, ayaa shirkoodii taariikhiga ahaa soo af jaray, shirkan oo in mudo ah socday, ayey beelahani ku samaysteen maamul u gaar ah.
 Shirkan oo ay aad uga biya diidsanaayeen, labada maamul ee Somaliland, iyo Puntland, ayaa dawlad, iyo madaxdii kala hogaamineysay la soo dhisey. Sida laga warqabo dawlada Somaliland baan iyadu wax sir ah ka dhigin, sidey u diidan tahay in beelaha SSC-du samaystaan maamul u gaar ah, ama ay ka hoos baxaan maamulka Somaliland, taasoo ay todobaad ka hor duulaan ku qaaday magaalada Buuhoodle, iyo deegaanada hoos taga. Dhimaca maamulka Puntland, ayaa wali wada sheegashada ay sheeganayaan, in gabi ahaanba ay beelaha SSC-du hoos tagaan maamulka Puntland, balse wax rabshad ah ma aysan samayn.
Dowlad goboleedka ay beelaha SSC samaysteen oo loogu magac daray "dawlad goboleedka Khaatumo" ayaa haduu helo aqoonsi caalami ah dhabar jab siyaasadeed ku noqon doona, sheegashadii, iyo ku doodidii ay labada maamul ee Somaliland, iyo Puntland sheeganayeen gobolada SSC, inuu mid waliba goonidiisa u xukumo.
Halkan hoose ka akhri dawlada SSC, iyo madaxda kala hogaamin doonta.
Saddex madaxweyne ayaa midba markiis mudo bilooyin ah qaban doonaa xilka Madaxweynaha waxayna magacyadoodu kala yihiin
1: Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) 2: Maxamed Yuusuf Jaamac (Indhosheel) 3: Cabdibuur Cilmi Qaaji (Biindhe)- (Dib baa laga dhaarinayaa)
Golaha Wasiirada ayaa iyagana loo doortay
1: Xuseen Saleebaan Xaaji Axmed (Dabay)- Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Caalimiga iyo Jaaliyadaha 2: Maxamed Ducaale Cabdi- Wasiirka Amniga Qaranka 3: Cismaan Axmed Jeex- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda 4: Cabdikariim Faarax Dhaaye- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta iyo Khayraadka Dabiiciga 5: Maxamuud Diiriye Cabdi Joof- Wasiirka Wasaaraada Adeega Arrimaha Bulshada 6: Yasiin Axmed Sulub- Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha.
| | 
 Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar
 Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
 |