Radio Jigjiga Home     Ogeysiis
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News

Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

WDr. Axmed Sheekhareysigii uu warsidaha afdheer.com la yeeshay madaxii hore ee xafiiska deegaanka u qaabilsan cilmi baadhista, mudane Dr. Axmed Sheekh, oo loo arkay inuu iftiin ku shiday guud ahaan sida ay dawlada deegaanku u shaqayso
SFree Pressaxaafada xorta ahi saaxiib joogto ah ma leh

al)
Doorashadii Cabdi IleySanad guuradii Koowaad ee madaxweyne-nimada Cabdi Maxamuud Cumar, maxaa khaldamay, maxaase la qabtay (faalo)

 

Shirkii wadaada oo wali ka socda magaalada Jigjiga



Radio jigjiga (Jigjiga) Shirweynihii ay wadaada ka tirsan ururka UWSLF, ayaa wali uga socda magaalada Jigjiga,

ShirkaWadaadan oo intooda badan ka kala yimid wadamada ay ka mid yihiin; Sacuudiga, Kuwayd, iyo Imaaraadka Carabta, sidoo kale waxaa jira kuwo aan badnayn oo ka kala yimid dalalka waqooyiga America, iyo Yurub.
Inkasta oo aan la garaneyn ujeedada shirkan loogu yeedhay nabada, ee wadaadani Jigjiga ku leeyihiin wakhtigan hada ah, oo colaadihii deegaanka ka jiri jirey markale dib u soo cusboonaadeen, ayaa hadana wali socda, dadka qaarna waxay ku eedeeyaan kooxdan wadaada ah oo inta badan lagu sheego in danta gaarka ah, ay aad uga weyn tahay danta guud, ineysan nabad la taaban karo soo gaadhsiin guud ahaan deegaanka.

Dhanka kale wadaadan oo lagu tilmaamo in sababta ugu weyn ee ay dawlada Etoobiya ula heshiiyeen ay tahay oo kaliya sidey u heli lahaayeen saldhig, iyo xaruun ay kala socdaan ganacsiga culus ee ay ku kala leeyihiin meelo badan oo ka tirsan geeska Afrika, maadaama ay xaruuntoodii hore ee Muqdisho, koox kale haysato, ugana sii darane kooxdan ayey inta badan dawladaha dunidu ugu yeedhaan argagixiso, markaa si aan iyagana (UWSLF) loogu xidhiidhin ururka dadka xasuuqa ee Alshabaab, ayey ugu dambeyn dani ku qasab tahay iney nabada qaataan, kani waa fikirka dad badani ka qabo ururka UWSLF. Ururkan, iyo wadaadka hogaamiya ee Sheekh Ibrahim Dheere, ayaa lagu sheegaa iney ku guul dareysteen dhisida xidhiidhka dadweynaha ee deegaanka, maadaama had, iyo jeer dadku shaki ku qaabilo wax walba oo lagala kulmo, ama ku soo kordha ururkan, lamana garanayo sababta ugu wacan arintan.

Si kastaba ha ahaatee shirkan nabada ee wadaadani Jigjiga ku leeyihiin ayaa lagu tilmaamay inuu yahay mid ay wadaadadu dhexdooda ku heshiinayaan, ee aan la odhan karin waa shirweyne nabadeed, waayo baa la leeyahay cid, amaba xubno kale oo bulsho weynta deegaanka ka tirsan sida hooyooyinka, wax garadka, cuqaasha, iyo ururada bulshada, oo ka qayb galayaa ama looga yeedhay shirka haba yaraatee ma jiraan, marka malaha wadaadani meesha waxaa uga socda shir gaar ah oo ay dhexdooda khilaafka ka jira uga xalinayaan, ee maahan shirweyne nabada oo guud.


  

Hashii garawo
R
adio Jigjiga oo ugu danbeyn soo helay xogta, iyo shaqsiga ka danbeeyey in hasha lagu daro calanka xisbiga, iyo calanka dawlada deegaanka


Radio Jigjiga (Jigjiga)  8-8-2011, Radio Jigjiga oo ugu danbeyn soo helay xogta, iyo shaqsiga ka danbeeyey in hasha lagu daro calanka xisbiga ee deegaan. Warkii oo Dhan
Wakhtiga U Dhiman Cabdi Iley

Waraaqaha Dadweynaha
Sadexdan madaxweyne
A
wood qaybsiga madaxweyne Cabdi Iley, iyo sadexda madaxweyne ku xigeeno oo la shaaciyey


Radio Jigjiga (Jigjiga) Awood qaybsiga, iyo wada maamulka hayadaha dawlada ee madaxweynaha, iyo sadexda madaxweyne ku xigeeno, ayaa markii ugu horeysay la shaciyey. Warkii oo Dhan
 
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2000-2011 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.