
 Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.
| Shirkii qiimaynta gobolada Federalka oo dhacay, iyo dawlada deegaanka Soomaalida oo qiimayntaas ku dhacday
Radio Jigjiga (Addis Ababa) Shirkii sanadlaha ahaa ee qiimaynta dhamaan gobolada federalka ee ay dawlada Itoobiya ka kooban tahay ayaa ka dhacay xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, hadaba shirkan oo ay dhinaca dawlada deegaanka Soomaalida uga qayb galeen, wakftigii horeyba tababarka siyaasadu ugu socday, ee ay kala hogaaminayeen madaxweynaha deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar, iyo gudoomiyaha xisbiga deegaanka Maxamed Rashid Isaaq, ayaa sida warku sheegayo gabi ahaanba si buuxda ugu dhacay qiimayntaas lagu sameyey.
 Shirkan oo aan loo ogolayn hayadaha warbaahinta dibad, iyo gudaba, balse Radio Jigjiga, nasiib u helay, inaan wax ka ogaano sida shirkaasi u dhacay. Gabagabadii shirka ayaa lagu eedeeyey madaxweynaha deegaanka, inuu dawlada deegaanka intuu xukunkeeda hayey dib u dhacyo badan ku yimid, waxaa kaloo Cabdi Iley loo sheegay in haba yaraatee aysan dawlada deegaanku sinaba diyaar ugu ahayn qorshaha shanta sano ee loogu tala dhamaan dalweynaha dalka Itoobiya, sidoo kale ayuu madaxweynaha deegaanku dhinaciisa ka sheegtay inuu waxyaabo kala duwan u qabtay deegaanka Soomaalida intuu talada hayey, isagoo si gooni u sheegay inuu shan, iyo toban degmo oo cusub deegaanka ku soo kordhiyey, balse sida warku sheegayo, arintan looma arag, mid wax ku soo korshisay horumarkii laga filayey inuu deegaanku gaadho, waxaabase madaxweynaha si gooni ah loogu eedeeyey inuu maamil xumo weyn u keenay dawlada, iyo deegaanka Soomaalida.
Sida warku sheegayo, ayaa waxaa kaloo lagu eedeyey madaxweynaha deegaanka inuu aqoonyahanadii deegaanka uusan haba yaraatee cidna ugu soo darin golihiisa wasiirada, marka laga reebo Suldaan Wali, iyo Adan Faarax, iyadoo waliba lagu sii eedeeyey inuu xubnaha uu golaha wasiirada ka dhigtay ay u badan yihiin, dhalinyaro aad u da' yar, isla markaana aan lahayn aqoon, iyo waayo aragnimo dhinaca maamulka, iyo hogaaminta ah, ee ay yahiin shaqsiyaad uu si gooni ah u soo xushay, sida kuwo uu qaraabo ahaan meesha u keensaday, iyo kuwo siyaabo kale ku yimid.
Walina ma kala cada, waxa laga yeelayo madaxda hada dawlada deegaanka ugu saraysa, iyo halka ay ku dambeyn doonto arintoodu, maadaama ay qiimayntii loo qabtay si buuxda ugu dhaceen, badanaana haday dhacdo in madax sare ay qiimaynta loo qabto ku dhacaan, waxa kaliya ee ay sugaan, amaba xigaa waa iyadoo dhabarka laga taabto.
Ugu dambayn shirkan baan haba yaraatee lagu soo qorin website-ka cakaaranews, balse waxaa jirta in si kale loo dhigey taasoo lagu sheegay in madaxweynaha, iyo gudoomiyaha xisbigu ay shirkii gudiga fulinta ee eprdf, ka qayb galeen, sidase dhabta ah, waxay ka qayb galeen shirkii qiimaynta ee gobolada federalka.
ha moogaaan wararka dambe!
| | 
 Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar
 Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
 |