Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News
Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

Shirkii dawlada dhexe ee Itoobiya, iyo qurba joogta reer Minnesota oo maanta furmaya

Radio Jigjiga (Minneapolis) Shirkii horumarka, iyo taageerada mashruuca biyo xidheenka Renaissance Dam ee laga dhisayo Wabiga Niil ee waqooyi galbeedka Itoobiya, ayaa maanta ka furmaya magaalada ugu weyn Minnesota ee Minneapolis.
Shirkan oo la filayo iney ka soo qayb galaan xubno muhiim ah oo dawlada dhexe ka socda, uuna hor kacayo safiirka Itoobiya u fadhiya dalkan Maraykanka mudane, Girma Birru, sidoo kale waxaa ku jira xubno muhiim ah oo ka socda dawlada Federal-ka.
Ethiopian flagAmbassador Girma Birru
Dhinaca qurba joogta qawmiyadaha kala duwan ee Itoobiya, iyo kuwa deegaanka (Somali region's diaspora community), ayaa iyana la filayaa iney si fiican uga soo qayb galaan.
Ujeedooyinka ugu mihiimsan ee shirkan ayaa waxaa ka mid ah, sidii jaaliyadaha deegaanka looga dhaadhicin lahaa guud ahaan biyo xidheenka ay dawlada dhexe dhisidiisa wado, iyo sidii loo taageeri lahaa, gaar ahaan waxaa lagu rajo weyn yahay, in warbixin buuxda la siin doono qurba joogta.

Qurba joogta kala duwan ee dhamaan qowmiyadaha Itoobiya ayaa la filayaa iney si buuxda u maal galin doonaan mashruucan biyo xidhka.

Waxaa kaloo jirta in fursado badan oo ay qurba joogta dalweynaha Itoobiya dalkooda ku maal gashan lahaayeen aan sidii la rabay looga faaideysan, siiba waxaa carabka lagu dhuftaa in qurba joogta deegaanka Soomaalida, uu Cabdi Iley, fursado aan xad lahayn ka lumiyey, sida la xusuustana waxaa la tilmaamaa, inuu Cabdi Iley kala jajab, iyo kala fuquuqid u keenay qurba joogta deegaanka Soomaalida, inta badana waxaa isaga, iyo kooxo gacan wadaag la leh, lagu eedeeyaa, iney qabiilaysi, iyo gobolaysi kula kaceen qurba joogtaas.

Ugu dambeyn, waxaa laysa dhexmarayaa inuu Cabdi Iley, soo magacaabay laba qunsul oo loo soo kala dirayo dhinaca safaarada Itoobiya ee Washington, iyo qunsulka dawlada ku leedahay magaalada Los Angles ee gobolka California.
Hadaba labadan qunsul, ayey dad badani rumaysan yihiin, iney dhibaato culus kala kulmi doonaan guud ahaan jaaliyada deegaanka ee dalka Maraykanka, taaasoo ay ugu wacan tahay, Cabdi Iley, iyo kooxdiisa oo aan laga jeclayn dalka Maraykanka, ka dib markuu safar guul daro ku dhamaaday ku yimid dalkan sanadkan bilawgiisii.
Dad kale oo badana waxayba rumaysan yihiin in labadan qunsul uu ninka cadaalada darani qaab qabiil oo kale ku soo magacaabay, sidaa darteedna ay qurba joogta deegaanka, gaar ahaan intooda badan ku adag tahay la shaqeynta qunsulo uu Cabdi Iley wato, ama isaguba soo magacawday, maadaama uu yahay, shaqsi aan sharaf, iyo qadarin haba yaraatee ku dhex lahayn, qurba joogta deegaanka ee wadankan Maraykanka, marka laga reebo koox aad u tiro yar, oo qabiil ku raacay maahine.
Sidaa awgeed baa lagu wargalinayaa in ninkii uu Cabdi Iley, si musuq-maasuq, ama eexasho qabiil  ah, u soo magacaabo, uusan wax weyn ka filanin qurba joogta awooda badan ee USA, Somali region's diaspora.

-la soco wararka aanu goobta shirka idiinkaga soo gudbin doono-


 

 
radio on Facebook

beesha xasan Cismaan
Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar

video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.