Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News
Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

Shir taariikhi ah, isla markana wada tashi, iyo aayo ka hadal ah ayey beesha Dhulbahante ku qabteen magaalada Taleex
taleex
Radio Jigjiga (Taleex) January-06-2011, Shir si weyn loo soo abaabulay ayey beesha Dhulbahante ku qabsadeen magaalada Taleex, shirkan oo kale, ayeysan beeshani qabsan, taniyo markii Garaad Cali lagu dilay agagaarka degmada Buuhoodle, sanadkii 1901dii, waa, wakhtigii Sayaid Maxamed Cabdulle Xasan.
Shirkan ayey ka soo qayb galeen, Garaadada, waxgaradka, iyo siyaasiyiinta beesha Dhulbahante, Waana markii ugu horeysay ee waxgaradka beeshani si loo dhanyahay u kulmaan, iyadoo ayna cid kale u kala dab qaadeyn.

Beesha Dhulbahante, ayey labaantankii sanadood ee dalka Somalia dawlad la'aanta ahaa, ay kala qaybsanaan, iyo tafraaruq weyni ku kala dhex jirey, taasoo keentay, iney beeshani noqoto kalabaydhka  ay ku kala leexdaan labada maamul ee Puntland, iyo Somaliland, labadan maamul oo tacadiyo, iyo ixtiraam xumi ku hayey beesha Dhulbahante.
Shirkan ayaa la filayaa inuu wax weyn ka badali doono, jiho la'aantii ay beeshani ku socotay sanadaha badan, aakhirkana u horseedi doonto, iney dhexdooda ka dhalato is aaminid, iyo wada shaqeyn buuxda. Bahda RJ-na waanu u hambalyeyneynaa talabadaa ay Dhulbahante maanta ku dhaqaaqeen, ilaahayna midnimadoodii ha u soo celiyo, shirkana haku guuleeyo.

Shirkii Dhulbahante






 

 
radio on Facebook

beesha xasan Cismaan
Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar

video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.