
 Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.
| Shirka qiimaynta, iyo aragtida ay dadka deegaanku ka qabaan
Radio Jigjiga (Jigjiga) Shirka qiimaynta shaqaalaha ee ka socda Magaalada jigjiga, ayey dadweynaha deegaanku fikrado kala duwan ka kala bixiyeen.
Shirka qiimaynta shaqaalaha ayey dadka madaweynaha deegaanka la siyaasada ahi ku sheegeen, mid lagu kala baadhayo, shaqaalaha daacada u ah dawlada deegaanka, iyo kuwa aan u ahayn. Laakiin dadka badankiisa ayaa isku wada raacay, inuusan shirkani qiimynba ahayn ee uu yahay, olole uu Cabdi Iley wato kaasoo la doonayo, in dad badan oo misaakiin ah, shaqaalaha dawlada degaankana ka tirsan la doonayo in shaqadii yareyd ee ay haysteen lagaga qaado, Arintan shaqo ka qaadista ayaa la filayaa iney timaado shirku markuu xidhmo ka dib, waxaana la aaminsan yahay in; dadka shaqada laga qaadayo ay u badan yahiin, shaqaalaha aan madaxweynaha la qabiilka ahayn, amaba beelaha kale uu neceb yahay ka soo jeeda. Cabdi Iley, ayaa lagu tilmaamaa nin aan qarsan, dadku neceb yahay, ee uu isla markiba talaabo culus ka qaado, taasoo uu isna ku mutaystay, in dadweynaha deegaanku ugu yeedhaan magacyo badan sida; ficil dumarle, ina gabdho dhaqanle iwm.
 Sidoo kale ayey, waxgarad badan oo deegaanka joogaa ku tilmaameen, shirka qiimaynta shaqaalaha; wax aan macno weyn samayneyn, waayo bey leeyihiin, lagama yaabo in nin shaqaale ah, misana Jigjiga jooga inuusan wax dhagaha Cabdi Iley dhibsado marnaba laga maqleyn, sababtoo ah, madaxweynaha oo ay ka dhamaatay, amaba aysan jirin wax kale oo dadweynaha deegaanka lagu eedeeyo, sababtaas oo isaga loo arkay nin cartamaya, isla mrakaana raadinaya dad uu iska xidhxidho, dadka qaarna waxay iskula kaftamaan, maadaama uu baryahn jeelkii caanka ahaa, ee jeel Ogaadeen uu faaruqa yahay, in la doonayo sidii dib loogu buuxin dad cusub, oo aan wax dambi ah galin, kadibna Cabdi Iley u sheegto inuu dad kale cafiyey.
Dadwene badan oo ka soo jeeda gobolada xadka u dhaw ayaaba iyagu ku eedaynaya madaxweynaha naftiisa inuu doonayo; ama wato olole uu dadkan uga qaadayo dhalshada Soomaalida Etoobiya, taasoo ay daliil u soo qaateen, in shaqaalaha goboladan ka yimaada inta badan dadka xafiiska madaxweynaha ka socdaa ku tilmaamaan dad aan wadiyiin ahayn.
| | 
 Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar
 Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
 |