Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News

Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.


Tooshka radio jigjiga
Bilawgii kacdoonka lagala horjeedo Cabdi Iley, iyo siduu ku bilawday (this is a must read article)

Sheeko yaab leh, oo gobolka Minnesota ku dhex martay laba nin oo Soomaali ah, iyo nin Maraykan ah

Radio Jigjiga (Minneapolis) January-03-2012, Arin aad loola yaabay oo dhinaca ganacsiga ah ayaa waxay gobolka Minnesota ku dhex martay nin Maraykan ah, iyo laba nin oo Soomaali ah.
Sida warka lagu sheegayo, labadan nin ee Soomaaliga ah ayaa in mudo ah u shaqeynayey ninkan Maraykanka ah, oo awowgii asal ahaan, ka soo jeedo dhinaca dalka Suuriya.
Ninkan Maraykanka ah, ayaa gobolka Minnesota ku haystay, ganacsiyo badan, ganacsiyadaas uu leeyahay ayaa waxaa ka mid ah, isagoo leh shirkad Hilibka u u qaybisa, kawaanlayda iibiya hilibka sida shareecada islaamka waafaqsan loo qalay, amaba sida Maraykanka looga yaqaano, lagu magacaabo,  "halal meat".

Hadaba waxaa dhacday in shaqaalahiisa ay ka mid ahaayeen laba nin oo Soomaali ah, labadan nin ee Soomaaliga ah, ayaa ninkan u qaabilsanaa iney hilibkiisa intay isaga ka qaadaan, dabadeedna Soomaalid goobaha ganacsiga leh, ka iibiyaan, sida makhaayadaha, iyo dukaamada lagu iibiyo hilibka xalaasha ah, dabadeedna lacagtiisa u keenaan.
Waa sidaase, waxaa dhacday in markii ay labadii nin ee Soomaaliga ahaa, muddo dheer ninkii hilibkiisa u gadayeen, ay ninkii ganacsiga u kala kiciyeen, isaguna uu aad ugu farxay, si weyna u kala badbatay, ilaa ugu dambeyn uu intuu is garan waayo, sirtii ganacsiga u sheegay labadii Soomaaliga ahaa. Sirtaas ganacsiga ee ninkan Carab-Marakanka ahi mudada qarin jirey ayaa ahayd, inuu dalka Australia ku lahaa meel hilibka loogu soo qalo si qiimo jaban ah, kadibna uu isagu si qiimo sareeye ah uu u keeni jiray gobolo badan oo ka tirsan dalkan Maraykanka.
Halaal meat
Waatii horey loo yidhi "musuq maasuq, waa Soomaali meheradeediiye" labadii Soomaaliga ahaa ayaa ninkii sida wacan shaqada u siiyey, u quudhi waayey, ganacsigii uu haystay, taasoo keentay ineyba ku fikiraan, habeen habeenada ka mid ah, ineyba ganacsigiisa ka qaadaan, isla markaana ka taqalusaan!.
Kadibna waxay samaysteen shirkad hilibka ka keenta wadanka Australia, dabadeedna sidii soo kale, qiimo sare kaga iibiya Soomaalida Maraykanka, waxaana dhacday iney khadkii ganacsiga si fiican u soo xidheen, iyagoo adeegsanaya Soomaalida tirada badan ee ku nool Australia. Sidaas beyna hawshii inqilaabka ku galeen.
Laba bilood kadib markii ay si qarsoodi ah, ganacsigii u wadeen, ayaa ninkii ay horey ugu shaqeyn jireen oo yaabani, iyagii u yeedhay, isagoo weydiinaya waxa ku dhacay hilibkii uu u dhiibi jiray, oo aan cidiba u bixin baryahan, deedna iyagoon wax cabsi ahi ku jirin, bey ninkii ku yidhaahdeen "ninyahow, waanu kaa talo baxnay adiga, waayo hilibkaaga waxa iibsada waa Soomaalida, anaguna Soomaali baanu nahay, markaa saaxiib sidaa ku raali ahow".

Ninkii Carab-Marakanka ahaa, ayaa aad uga xumaaday, kana cartamay, khiyaamada, iyo daacad darada ay kula kaceen, labadaas nin.
Dabadeedna, wuxuu isku dayey bal inuu yara sasabto, maadaama uu horey ugu roonaan jirey iyaga, balse si xun bey ugu gacan saydheen. Markaa kadib ayuu go'aan ku gaadhay, inuu si xun uga aargoosto, qiimo kasta ha ugu kacdee.
Markaas ayuu soo maray dhamaan, meelihii ay labadaa nin hilibka ka iibin jireen, sida makhaaydaha, iyo meelaha kale, wuxuu ninkii soo ogaaday iney labadaas nin hilibka ku gadi jireen, qiimo aad u sareeya kiilihiiba, ama pond sida galbeedka looga cabiro.

Kadibna, intuu goobihii ganacsiga, iyo guryo badanba mid mid u booqday, ayuu ugu bishaareeyey, inuu labada bilood ee soo socota, uu hilbka si bilaasha (no charge at all, or free) ugu keeni doono, isagoo waliba isku sheegaya inuu yahay, ninkii u soo dhiibi jirey hilibka, labada nin ee Soomaaliga ah, warkaas oo si weyn uga farxiyey, goobiihii ganacsiga, iyo dadkii ibsan jireyba, ayey su'aal la'aan aqbaleen, iyagoo walibana duco u raacinaya, maadaama uu lacag tiro badan u baajiyey.

Ugu dambeyn, labadii nin oo lacag ku dhow rubuc Malyuun Doolari ka gashay shirkadaa hilbka ee ay sida khiyaamada ah ku dhiseen, ayaa sidaas khadka uga baxay, markay ninkii dib ugu noqdeen, kana codsadeen inuu shaqadoodii dib ugu celiyo, ayuu isagoo xanaagsan ku yidhi "sideed idinkoo miyiga ka yimid, ganacsina waxba ka aqoonin ku fikirtaan, inaad aniga khadka iga saartaan", wuxuuna ugu hanjabey in hadayna hortiisa ka dhaqaaqin, uu qorigiisa ula soo bixi doono, sidaaseyna labadii khiyaamalow, suuqa uga baxeen.


 
 

 
radio on Facebook
Hotel Plaza
Shaqsiga sida dhabta ah u leh, ama dhisanaya Hotel Plaza ee magaalada Jigjiga, oo su'aalo, iyo shaki weyni ka yimid


video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.