Radio Jigjiga Home     Ogeysiis
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News

Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

WDr. Axmed Sheekhareysigii uu warsidaha afdheer.com la yeeshay madaxii hore ee xafiiska deegaanka u qaabilsan cilmi baadhista, mudane Dr. Axmed Sheekh, oo loo arkay inuu iftiin ku shiday guud ahaan sida ay dawlada deegaanku u shaqayso
SFree Pressaxaafada xorta ahi saaxiib joogto ah ma leh

al)
Doorashadii Cabdi IleySanad guuradii Koowaad ee madaxweyne-nimada Cabdi Maxamuud Cumar, maxaa khaldamay, maxaase la qabtay (faalo)

Waa maxay sababta shirka bahdilka ah, loogu qabtay beesha Sheekhaash, wakhtigan hada ah?

Radio Jigjiga (Jigjiga) Waxaa hotel ka mid ah, hotel-lada magaalada Jigjiga, lagu qabtay shir lagu tilmaamay, inuu ahaa bahdil, iyo kaa adki, shirkan ayaa lagu soo ururriyey waxgaradka, iyo odayaasha beesha Sheekhaash.
Radio Jigjiga, oo baryahan noqday, meesha uu ninkii xaqdaro, kula kaco Cabdi Iley, ku soo gudbisto ka hadalka xuquuqdiisa, ayaa waxaa nala soo xidhiidhay shaqsi ka mid ah, dadkii goobta shirka sida qasabka ah, lagu keenay, shaqsigan ayaa na xusuusiyey, ujeedada, iyo macnaha ka dambeeya shirkaas sidaan doonaan kaa yeelida ahaa.
Waa maxay sababta shirka bahdilka ah, loogu qabtay beesha Sheekhaash, wakhtigan hada ah?
Sida cakaaranews lagu soo qoray, ujeeadada shirka ayaa lagu sheegay iney ahayd; in dastuurka loo akhriyo beesha Sheekhaash, hadaba waa yaabe, beeshani miyeysan beel Soomaalida Itoobiya ka tirsan ahayn? ma beel Zimbabwe ka soo guurtaa? waligiinse ma maqasheen, beel ka mid ah, beelaha deegaanka oo inta maqsin lagu soo xareeyey, misana loo akhriyayo dastuurka dalka?.
Mise arintu dastuurba maahine, ee waa dastuurka kaligii taliyaha?
Ma waan ku haystaabaa macnaha odayaashan Ilaahay dartii iyagoo u sooman, hadana sidaas loola dhaqmay.
Sida qoraalkan, nagu soo gaadhay, ayaa waxaa ka mid ah, inuu Madaxweyne
Cabdi Iley, Addis Ababa, uga soo duulay, si uu goobjoog uga noqdo, bahdilka ku socda beesha Sheekhaash, sida goob joogahani noo soo sheegayna, Cabdi Iley, sidii caadada u ahayd, shirka xaga dambe ayuu u fadhiyey, waxaa kaloo jirta, in odayaasha telefoonadii gacanta laga uruuriyey (mobile phones) markay madasha shirka soo galayeen, si aysan wax cod ah uga duubin, markuu ninka waalani cartanka ku jiro, nacdashana shubayo. Waxaa kaloo uu qoraagani noo soo sheegay, inuu Madaxweyne Cabdi Iley, odaaysha kuwooda hormoodka u ahaa uu shirka ka hor, ugu hanjabay in hadii habaarkay, horay beeshu u habaartay isaga ku soo baxo, uu beeshan isna habaari doono, taasoo odayaashu u fahmeen, inuu qorshaynayo, siduu xasuuq, ama xad gudub hor leh, ugula kici lahaa beeshan, odayaasha ayaa cadayn arintan ugu qaatay, ciidamada maleeshiyada ah, ee uu madaxweynuhu doonayo inuu degmada raaso u diro.

Beesha Sheekhaasha, ayaa safka ugu horeeya kaga jirta, beelaha sida weyn ugu dulman xukunka cawiran ee Cabdi Iley, tusaale ahaan, beeshan oo ka mid ah, beelaha tiro ahaan ugu badan beelaha deegaanka, dhul weynba haku kala baahsanaadaane, hadana qaybtii ay dawlada ku lahaayeen, aad loogu yareeyey, walibana kaba sii darane, waxaa beeshan u dheer, in muwaadin-nimadiiba, iyo xuquuqdii wadaninimo, xataa laga qaaday, inta badana madaxweynaha naftigiisu uu kula hadlo erayo ay ka mid yihiin, orda oo Soomaaliya aada, iyo al shabaab baad tihiin, iwm.
Ugu dambeyn, waxaa maalinba maalinta ka dambeysa soo baxaysa in Cabdi Iley, uusan ahayn madaxweyneha deegaanka, balse uu yahay dagaal ooge qabqable ah, qabqablena waan lawada soconaa, meeshuu ku danbeeyo.



Mas'uuliyiin sarsare Deegaanka Raaso oo Addis Ababa lagu Xiray iyo Beesha Sheekhaal oo Kacsan







 

  
Jigjiga FM
Warbaahintii dawlada deegaanku lahayd ee magaalada Jigjiga oo lagu soo waramo inuu madaxweyne Cabdi Iley u adeegsanayo danihiisa gaarka ah

Wakhtiga U Dhiman Cabdi Iley

Waraaqaha Dadweynaha

Misgistu, iyo Cabdi Iley
Maxaad kala socotaa, labada nin ee deegaanka Soomaalida, soo xukumay, misana loogu necbaanshaha badan yahay?


Radio Jigjiga (Jigjiga) 7-29-2011, Dadweynaha ku nool deegaanka Soomaalida, gaar ahaan, kuwooda degan caasimada Jigjiga, ayaa isku wada raacay, in intii madax, iyo masuuliyiin ka soo noqotay dhulkeena loogu necbaansho badnaa laba nin. Warkii oo Dhan
taalada Sayidka
W
aa maxay sababta guriga shirarka ee magaalada Jigjiga loogu magac daray Sayid Maxamed Cabdulle Xasan?


Radio Jigjiga (Jigjiga) 8-5-2011, Waxaa maalmihii la soo dhaafay ay dood weyni ka taagneyd sababta aqalka shirarka ee magaalada Jigjiga loogu magac daray Sayidka. Warkii oo Dhan
 
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2000-2011 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.