Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News
Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

Tooshka radio jigjiga
Bilawgii kacdoonka lagala horjeedo Cabdi Iley, iyo siduu ku bilawday (this is a must read article)

Qiimeynta, iyo soo bandhigida suxufinimada Yusuf Garaad Cumar
(the propaganda in chief, and BBC-Somali news manipulator is back, with vengeance!)


Radio Jigjiga (Faalada RJ) January-17-2012, Taniyo intii ay dawlada Kenya soo faragalisey sadexda gobol ee koonfurta Soomaaliya ku yaala, goboladan oo sida laga warqabo ay beelaha Soomaaliyeed ee dega ay u samaysteen maamul goboleed lagu magacaabo Azania, ayaa waxaa soo baxayey mucaaradnimo aad u xoogan, oo ka imanayey dhinaca saxaafadaha, gaar ahaan laanta af-Soomaaliga ee idaacada sida weyn loo dhageysto ee BBC-da.
Hadaba madaxa laanta af-Soomaaliga ee idaacada BBC-da Yusuf Garaad Cumar, ayaa ugu horeeya suxufiyiinta aadka loo yaqaano, ee sidoo kale muccaradnimo, iyo diidmo la odhan karo dano gaar ah buu Yusuf ka leeyahay ku haya maamulka Azania, iyo guud ahaan ololaha nabadgalyo ku soo dabaalka ee ay dawlada Kenya ka wado gobolada koonfureed ee Soomaaliya.
Yusuf garaad
Yusuf Garaad, oo ah nin si fiican u yaqaana cilmiga saxaafada, ayaase waa nasiib daro weyne u adeegsadey aqoontaas saxaafadeed ee u leeyahay inuu dano qabiil, ama waxyaabo aan munaasab ku ahayn inuu ku dhaqmo shaqsi jooga meesha uu hada Yusuf joogo (BBC-da) ku dhaqmo, Yusuf, wax weyn buu shaqsiyan ka tari karaa in Soomaalidu nabadgalyo buuxda hesho, ama ugu yaraan soo ceshato haybadeedii dawladnimo, waayo isagu waa madaxa idaacada dadka afka Soomaaliga ku hadlaa sida ba'an u dhageystaan.
Hadaba Yusuf Garaad, ayaa aad moodaa inuu nacayb gaar ah u qabo maamulka Azania, waayo wali lagama hayo, wax wanaagsan oo ka soo yeedha idaacada uu xukumo ee BBc-da Somali service, inkasta oo idaacadan ay leedahay boqortooyada dawlada UK, hadana Geel irmaan ah hadba ninka ciidanka u ah ee raaca ayuun baa maala, isna waa caynkaas, oo hadba siduu damco ayuu idaacada u maamulaa, koleyna dano shaqsiyadeed, beeleed, ama qabiil kama maqna, maadaama Soomaali cudurkan xun ee qabiilka lagu ibtileeyey.

Dawlad goboleedka Azania, iyo suxufi Yusuf Garaad
 
Maamulka Azania waxba ugama duwana maamul goboleedyada kale ee laga dhisey koonfurta Soomaaliya, markaa waxaa is weydiin leh, waa maxay waxa ku xanbaaraya inuu Yusuf Garaad, u adeegsado magaca idaacada BBC-da, iyo shaqaalaheedaba inuu kula dagaalamo iney nabadi ka dhalato gobolada Azania, ama iney dawlada Kenya nabadaas ka qeyb qaadato, iwm?.Azania flag
Waan ognahay Yusuf ma taageero ururka al Shabaab, shaqana kuma laha hawlaha ururkaas, laakiin mala odhan karaa dano qabiil ayaa Yusuf, ku qasbaya inuu maamulka Azania ula dhaqmo sidii maamul dal kale laga keenay?, xageyse ka timid cabsida uu suxufi Yusuf ka qabo dawlad goboleedka Azania?.

Maamulka Azania waa maamul goboleedka kaliya ee ay ku dhan yihiin dhamaan beelaha Soomaaliyeed, iyo habka wax wada qaybsiga siyaasadeed (4.5 political system) Azania waxaa wada dega beelaha Hawiye, Dir, Absame, Harti, Mareexaan, iyo Raxan-Weyn. Dhinac kasta oo laga eego Yusuf Garaad, qiil uma haysto uu ku hor istaago ololaha nabada, iyo dawlad goboleedka Azania, waxa kaliya ee la odhan karo wuu uga soo hor jeedaa, waa naceyb uu Yusuf u qabo beesha ugu badan beelaha ku midobey Azania, ama beesha Absame, Yusuf Garaad.
Sida la ogyahay waxaa shaqada BBC keenay nin beesha Ogaadeen u dhashay lana odhan jirey Maxamed Cabdulaahi, ninkaasi Yusuf shaqada umuu keenin inuu beelaha Soomaaliyeed kala qaadqaado, ama kala qoqobo, ee wuxuu Maxamed u keenay inuu tacliinta fiican ee uu Yusuf u leeyahay xaga saxaafada uga faaideeyo shacabka nabadgalyo darida, abaaraha, iyo dawlad la'aantu dilootey sanadaha badan.

Wareysigii ugu dambeeyey ee Yusuf la yeeshay ninkii miskiinka ahaa (on of the real victims of Somalia's civil war) ee sida khaladka ah ay diyaaradaha dawlada Kenya ugu dileen caruurtiisii. ayuu iyana waa nasiib daro kalee, Yusuf Garaad u adeegsaday inuu shilkaas sida kamka ah u dhacay uu siyaasad ahaan u adeegsado (he politicize that tragic air raid accident) taasoo uu halkaas ka helay fursad uu ku cambaareeyo hawlgaalada dawlada kenya, iyo inu Soomaalida idaacada dhageysata u tuso in maamulka Azania uu yahay cadaw Soomaalida xasuuqaya, ama ugu yaraan dawlad cadaw ahi wadato, sida iska cadna waa been, iyo dacaayad raqiis ah oo Yusuf, iyo taageerayaashiisu wataan.
Haduu Yusuf Garaad, yahay nin ka naxaya dhiiga Soomaalida, Hawiye, ama beesha Sheekhaash (ninka dhibaatadu ku dhacday ayaa u dhasashay beesha Yusuf Garaad ee Habar Gidir) muxuu hal maalina uga hadli waayey xasuuqa ay Sheekh Shariif, iyo ciidamada Uganda ku hayaan maatada beesha Hawiye, ee sidii la ogaa suuqa Bakaaraha xamar loogu xasuuqay?. Mise xasuuqa shacabkaas Yusuf wuu taageersanaa, waayo idaacado, iyo ganacsi kale ayuu Yusuf ku leeyahay Muqdisho, iyo Kampala (Uganda).
Wixii jiraba waxaan leenahay Yusuf Garaad ha ogaado iney gari Ilaaheeda taqaano, aysana habooneyn in dhiiga sida bilaa macnaha u daadanaya ee shacabka Soomaaliyeed, qaarna la qariyo, kuwo kalena loo adeegsado dano siyaasadeed, iyo nacayb beeleed.
Yusuf marnaba kama hadlo, wareysina kama sameeyo xasuuqyada ay Al Shabaab ku hayso shacabka Soomaaliyeed, aaway ardaydii xamar lagu xasuuqay?.

Yusuf Garaad, ha ogaado in taariikhdu xusi doonto, ninkii Soomaali idaacad ku waxyeelay, iyo kii qori ku dileyba, Soomaali uma baahna suxufiyiin wax isku dira, ama dadka iska hor keena ee waxay maanta u baahan yihiin suxufiyiin suluxa, nabada, iyo wanaaga ka shaqeeya, waana waxa laga filayo nin kasta oo suxufi ahi inuu la yimaado.


Dhageyso wareysigii uu ku cambaareynayey dawlada Kenya, isla markaana ku qaloocida, iyo ku digashada  ahaa, ee uu Yusuf Garaad la yeeshay ninkii dhibtu soo gaadhay, ninkaas oo aanu leenahay eebe samar haka siiyo dhibtii soo gaadhay, wax khayr qabana ha ugu badalo.




 

 
radio on Facebook
Hotel Plaza
Shaqsiga sida dhabta ah u leh, ama dhisanaya Hotel Plaza ee magaalada Jigjiga, oo su'aalo, iyo shaki weyni ka yimid


video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.