Radio Jigjiga Home       Live radio Jigjiga
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library Send News Search Site Map About Radio Jigjiga
Radio Jigjiga; English News
timir
Maxaad ka taqaanaa anfaca, iyo faaiidada ku jirta cunista timirta


Sharaabka la cabo ee "Soda" loo yaqaano oo caafimaad xumo lagu xidhiidhiyey
RJ Health
Radio Jigjiga (Cleveland) May-13-2012, Sida ku qeexan warbaxin caafimaad oo ay soo saartay Jaamacada "Harvard", iyo macad ku yaala magaalada Cleveland ee gobolka Ohio, ayaa lagu sheegay in cabitaanka la cabo ee qasacadaysan, ama caagadaha ku jira loona yaqaano "soda" iney dadka sida ba'an u caba ay u keenaan caafimaad daro halis ku ah fayoobida jidhkooda.
Sida lagu helay warbaxintaas caafimaad, soda-da ayaa lagu ogaaday iney keento cuduro ku dhaca wadnaha, sidoo kalena ay dadka aadka u caba u keento cudurada ay ka midka yihiin, wadno xanuunka, macaanka, iyo dhiig karka, halista ugu weyna waxay ku hayaan caruurta soo koreysa, taasoo ay cayil saa'id ah u keenaan.
no soda
Waxaa kaloo warbaxintan caafimaad lagu ogaaday, iney cabitaankani jidhka ka dhameeyaan macdanta jidhku aadka ugu baahan yahay ee loo yaqaano "calcium" macdantan oo muhiimad weyn u leh lafaha, iyo ilkaha, sidoo kale ayaa lagu ogaaday in dadka da'doodu ka weyn tahay afartan sano iney u soo dadajiso saamaynta ay cuduradani ku yeeshaan jidhka, siiba cudurka macaanka.

Cabitaanka lagu macaaneeyo sonkorta aan dabiiciga ahayn, ayaa iyana lagu helay caafimaad daro, walibana waxaa si gaar ah loo baadhay sharaabka xunbada leh "carbonated drinks" oo si xun saamayn weyn ugu leh caafimaadka dadka caba.

Dunida horay u martay sida dalkan Maraykanka oo kale ayey dhibaatada sharaabkani ku badan yihiin.
Dhinac kasta oo loo raaco, sharaabkan ayaa lagu sheegaa iney yihiin sun, iyo cudur aynu jidhkeena ku shubayno, iyadoo ay walibana u sii dheer tahay iney jidhka ka sifeeyaan macdantii, iyo nafaqadii horey jidhka ugu jirtay, waxaana haboon in ugu yaraan layska yareeyo cabida soda-da, muhiimada ugu weyna waa in caruurta ka yar shan, iyo toban sano si weyn looga ilaaliyo cabida sharaabkan.

Ugu dambeyn sharaabkan lagu helay iney caafimaadka dad wax u dhimaan ayaa waxaa ka mid ah: Coca cola, Pepsi cola, Sprite, Fanta, Mountain do, iyo kuwo kale oo la mid ah.
Cabitaanka dadka anfaca caafimaad u leh ayaa waxaa ugu horeeya biyaha cad ee aan waxba lagu darin, sidoo kale ayey muhiim tahay in la cabo liinta "Orange drink", liin xaalida, cinabka aan xumbada lahayn "non carbonated grape" tufaaxa, iyo khudaarta oo sideeda loo cuno, amaba biyo laga dhigo.


audio"halkan hoose ka dhageyso dhibaatooyinka dhaqaale, iyo
caafimaad ee qaadku ku hayo deegaanka Soomaalida"




 

  
radio on Facebook
Sharaabka la cabo
Sharaabka la cabo ee "Soda" loo yaqaano oo caafimaad xumo lagu xidhiidhiyey


Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.