Radio Jigjiga Home     Ogeysiis
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News

Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

WDr. Axmed Sheekhareysigii uu warsidaha afdheer.com la yeeshay madaxii hore ee xafiiska deegaanka u qaabilsan cilmi baadhista, mudane Dr. Axmed Sheekh, oo loo arkay inuu iftiin ku shiday guud ahaan sida ay dawlada deegaanku u shaqayso
SFree Pressaxaafada xorta ahi saaxiib joogto ah ma leh

al)
Doorashadii Cabdi IleySanad guuradii Koowaad ee madaxweyne-nimada Cabdi Maxamuud Cumar, maxaa khaldamay, maxaase la qabtay (faalo)

Shacabka degmada Feerfeer ee gobolka Goday oo lagu soo waramayo inuu gudoomiyaha cusubi dhibaato weyn ku hayo

Radio Jigjiga (Jigjiga) Shacab weynaha degmada Feerfeer ayaa markale cabasho ka soo gudbiyey gudoomiyaha cusub ee degmadan dhawaanta loo soo gudbiyey, gudoomiyahan ayaa la soo sheegayaa inuu daweynaha kula kacay, waxyaalo aan horey loogu arag gudoomiyaashii hore.
feerfeer
Gudoomiyahan ayaa badi dadkii magaalada Feerfeer xabsiga dhigay, iyadoo la sheegayo inuusan dadweynahan sida sharci darada ah loo xidhay haba yaraatee wax dambi ah aan lagu hayn.
Sida ay warbaahinta Radio Jigjiga soo gaadhsiiyeen, qurbajoog ka soo jeeda degmadan. iyo hogaamiye dhaqameedyo jooga magaalada Jigjiga, gudoomiyahan ayaa dadka ka ganacsada magaalada Feerfeer, iyo Soomaaliya, markay dib ugu soo laabtaan xaga Feerfeer weydiya iney Muqdisho tageen, iyo iney iyana magaalada Baladweyn mudo joogeen, waxyaabaha kale ee dadweynahan yaabka galiyey ayaa waxaa ka mid ah in; gudoomiyuhu daku soo xidho weydiiyo iney dalka Sacuudiga wax qaraabo ah ku leeyihiin, iyo inkale, wali makala cada sababta uu ninkan gudoomiyaha ahi uu ciqaabta intaa le'eeg u marinayo dadkan horeba dhibaatada abaaruhu u waxyeeleeyeen.

Sidoo kale gudoomiyaasha cusub ee ku yimid isku shaandhayntii dhawaanta la sameyey ayaa lagu sheegaa iney sidoo kale degmooyinka loo badalay badan kooda dhibaatooyin ku hayaan.
Dadka badankiisa ayaa isku raacay iney ahayd maamul-xumadii ugu darayd ee madaxweyne deegaanka ahi sameeyo, taniyo markii dawlada deegaanka dhidibada loo taagay sanadkii 1993dii.



Warbixintan waxaa soo tabiyey;

name:            hamse

email:           hamse500@hotmail.com













 

  
Jigjiga FM
Warbaahintii dawlada deegaanku lahayd ee magaalada Jigjiga oo lagu soo waramo inuu madaxweyne Cabdi Iley u adeegsanayo danihiisa gaarka ah

Wakhtiga U Dhiman Cabdi Iley

Waraaqaha Dadweynaha

Misgistu, iyo Cabdi Iley
Maxaad kala socotaa, labada nin ee deegaanka Soomaalida, soo xukumay, misana loogu necbaanshaha badan yahay?


Radio Jigjiga (Jigjiga) 7-29-2011, Dadweynaha ku nool deegaanka Soomaalida, gaar ahaan, kuwooda degan caasimada Jigjiga, ayaa isku wada raacay, in intii madax, iyo masuuliyiin ka soo noqotay dhulkeena loogu necbaansho badnaa laba nin. Warkii oo Dhan
taalada Sayidka
W
aa maxay sababta guriga shirarka ee magaalada Jigjiga loogu magac daray Sayid Maxamed Cabdulle Xasan?


Radio Jigjiga (Jigjiga) 8-5-2011, Waxaa maalmihii la soo dhaafay ay dood weyni ka taagneyd sababta aqalka shirarka ee magaalada Jigjiga loogu magac daray Sayidka. Warkii oo Dhan
 
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2000-2011 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.