
 Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.
 Bilawgii kacdoonka lagala horjeedo Cabdi Iley, iyo siduu ku bilawday (this is a must read article)
| Sarkaalkiii onlf ee ciidamada LB, soo qabteen, oo su'aalo badan ka dhasheen sida lagu soo qabtay
Radio Jigjiga (Jigjiga) January-24-2012, Taliye ka mid ah, taliyaasha ururka onlf, oo la sheegay iney ciidamada LB, soo qabteen ayaa lagu soo waramayaa in su'aalo badan layska weydiinayo sida dhibka yar ee ninkan lagu soo qabtay, iyo guud ahaan, waxa wakhtigan hada ah keenay. Ninkan oo lagu caabo Dhoonbe Xirsi Allaale, ayaa sida bogga Cabdi Iley, lagu soo qorey lagu sheegay in dagaal lagu soo qabtay, isagoo ilaaladiisii gaarka ahaydna midna la dhaawacay, kan kalena nolol lagu soo qabtay, (there is something fishy about this story, so let us get into it, and Allah's willing, expose the damned lies of captain Iley!) markuu hadaba warkani soo baxay baanu news bulletin u dirnay dadka inta badan arinmahan oo kale aadka ula socda, balse warkii nalagu soo celiyey ayaaba kasii yaab badnaa, kii hore.
Sida lawada ogyahay boggan RJ, ayaa noqday meesha lagu fashilo, waxyaabo madaxweynaha deegaanka in badan u qarsoonaa, amaba sir, iyo qarsoodi u ahaa, hadaba waxaa nala soo gaadhsiiyey, in sarkaalkan onlf ee lagu magacaabo Dhoonbe Xirsi, uuba wada hadalo gooni ah kula jirey madaxweynaha deegaanka Cabdi Iley, in muddo ah, iyagoo labadoodu ku wada kulmay tuulo u dhaxaysa degmada Marsin, iyo Wardheer, taasoo ku beegnayd safarkii uu Cabdi Iley deegaanadaas ku marayey todobaadyo ka hor. Sidoo kale, ayaa la sheegayaa inuu kulankaas goob joog ka ahaa la taliyahii arimaha nabadgalyada ee Cabdi Iley, ee hada xidhan, waa Cabdi Badee, taasoo sadexdan nin ay isku raaceen in Dhoonbe Xirsi, iyo koox ciidamo onlf oo uu madax ka ahaa ay isa soo dhiibaan, dabadeedna sadexdii nin ayaa sidaa ku kala tageen.
Laakiin waxaa dhacday in xadhigii uu Cabdi Iley, xidhey Cabdi Bade, ay wax walba badashey, taasoo keentay in, isla Dhoonbe Xirsina balantii ka baxo, isagoo sida muuqata ka shakiyey xadhiga Cabdi Bade, una arkay inuu isna sidaas oo kale ku dambeyn, sidoo wuxuu Cabdi Iley, waxaan suuragal u noqonin inuu helo koox ciidamada onlf, ka tirsan oo inaty isa soo dhiibaan, kadibna Cabdi Iley u soo galbiyo xaga Jigjiga, dhamaadka safarkiisa, dad badan ayaa rumaysan in guuldarada ku timid arintan ay lug ku leedahay xadhiga Cabdi Bade. Warkan oo aanu ka helnay ilo aad u qarsoon, balse sida muuqata arintan xogogaal u ah, ayaa waxay kale oo ay noo sheegeen, in sidii qaab shirqool oo kale ah, Dhoonbe Xirsi, lagu soo xero galiey, dabadeedna sidaas lagu soo qabtay. Sadex todobaad ayuunbaa laga joogaa, kadib markii uu nin ganacsade ah oo madaxweynaha deegaankana reer ahaan aad iskugu dhow yihiin uu intuu magaalada Burco fadhisstey afar dhalinyaro ahna lacag badan u soo dhiibey una sheegay iney degmada Gaashaamo xoolo uga soo iibiyaan, dabadeedna waatii sidaas iyana lagu soo qabtay, iyadoo laga dhigayo iney ahaayeen afar nin oo Al Shabaab ah, dabadeedna waa kii uu madaxweynuhu safarka deg dega ah ku tagey Addis Ababa, si uu dhacdadan dawlada dhexe ugu wargeliyo!.
Waxaa kaloo suuragal ah, maadaama uu Cabdi Iley, markale u kicitimey dhinaca Addis lana kulmayo Khamiista soo socota raysul wasaaraha Itoobiya Melees Zenawi, uu sidii caadada u ahayd u baahan yahay, sheeko fiican oo uu la shir tago, misana laga dhageysto, bilo kalena kursiga uu ku sii joogo. Cabdi Iley oo aad loogu yaqaano inuu hawlgal kasta oo ay ciidamada LB sameeyaan u adeegsada faaiido siyaasadeed, ayey arintana u egtahay sidii kuwii ka horeyey oo kale.
Keep reading, Radio Jigjiga, and increase your IQ level!!!. thank you rjers.
| | 
 Shaqsiga sida dhabta ah u leh, ama dhisanaya Hotel Plaza ee magaalada Jigjiga, oo su'aalo, iyo shaki weyni ka yimid
 Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
 |