Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News
Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

Ra'iisul Wasaare Melese Zenewai, oo si weyn loogu mudaharaaday dalka Norway

Ra'iisul wasaaraha dalkan Itoobiya ayaa si weyn loogu banaan baxay magaalada Oslo ee dalka Norway, waxaase jirta inuu madax ku eedeeyey iney isaga been uga sheegeen arimaha dadka isaga ku mudaharaadaya.
Ra'iisul Wasaare Melese Zenewai oo ka qayb galaya shirweyne looga hadlayo cimilada aduunka, iyo sidii wax looga qaban lahaa kulaylka la rumaysan yahay, iney adunyadu soo kululaanayso (global warming) ayaa ay lama filaan ku noqotay in dadweyne aad u fara badan ay ku mudahaardaan hoteelkii uu daganaa hortiisa, dadkan oo ka soo jeeda gobolka Soomaalida, inta badana luuqadaha ajanabiga loogu yeedho (Ogaden region) ayaa si buuxda oo ficiltan adagi ku jiro ugu banaan baxay Ra'iisul Wasaare Melese Zenewai.
Ra'iisul Wasaare Melese Zenewai,
Hadaba Ra'iisul wasaaraha ayaa ay fajac ku noqotay in jaaliyad tiradaas leh, misana isaga ka soo horjeeda ayba jirto, waayo tobankii bilood ee la soo dhaafay waxaa jirtay, in madaxweynaha deegaanka, iyo saaxiibadii ay Melese Zenawi ugu sheekayn jireen in haba yaraatee aysan jirin wax jaaliyadaha dibada ka tirsan oo isaga, iyo dawlada Itoobiyaba mucaarad ku ah, isla markaana ay xubnihii horay uga tirsanaa taageerayaasha onlf, ay si buuxda nabada u qaateen, isla mar ahaantaana ay magaalada Jigjiga joogaan, iyagoo nabada qaatay, balse banaan baxan lagala hor yimid Ra'iisul wasaaraha, ayaa noqday "beenay waa run". Fiiri kartuunkii aanu horay uga samaynay, sida Cabdi Iley muraayada indha sarcaadka ah ugu galiyey Melse Zenawi.

Dhinaca kale, ayey warar xogogaal ahi, nagu soo gaadhayaan in Melse Zenawi, banaan baxa lagu sameyey ka dib, uu aad u cartamay, sida warku sheegayana wuxuu telefoon kula hadlay madaxweynaha deegaanka Cabdi Iley, isagoo si weyn ugu canaantay, uguna cambaareeyey siduu beenta iyo khiyaamada ugu sheegay, isla markaana uga dhigay, inuu dhulkii oo dhan nabad ka dhaliyey, sidoo kale ayey madaxdii arimaha dibada ee dawlada dhexe eeda, iyo filanwaaga dhacay dusha uga tuureen Cabdi Iley.

Ugu dambayn madaxweynaha deegaanka ayaa laga yaabaa iney dhacdadan Yurub ka dhacday ugu darsanto, ama ay sii xumayso xidhiidhka horayba u sii xumaanayey ee u dhaxeeya isaga, iyo dawlada dhexe, waxaa kaloo suuragal ah in xisaabtan hor leh, loogu yeedho Cabdi Iley, isagoo la weydiinayo sidii ay ku dhacday in la waayo lacag ka badan toban milyan oo doolaar (10 million dollars) iyadoon haba yaraatee wax nabad galyada laga qabtay jirin ee wax walba ka sii daray dibad, iyo gudaba.










 

 
radio on Facebook

beesha xasan Cismaan
Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar

video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.