
 Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.
 Bilawgii kacdoonka lagala horjeedo Cabdi Iley, iyo siduu ku bilawday (this is a must read article)
| Bilawgii kacdoonka lagala horjeedo Cabdi Iley, iyo siduu ku bilawday
Radio Jigjiga (Faalada RJ) Boggii bilaabay, website-yada deegaanka, gaar ahaan kuwa nabada jecel, isla markaana daneeya in dhulkooda horumar, iyo nabadi ka dhacdo, ee RJ, ayaa noqday bogga loogu galida badan yahay, Radio Jigjiga site, ayaa noqday bogga qof walba oo deegaanka Soomaalida u dhashay muxaafad, iyo mucaaradba uu yaqaano, ama soo galo. Radio Jigjiga waa meesha laga bilaabay fikradaha wanaagsan, fikradaha ka turjumaya nabad, iyo walaalnimo kuwada noolaanshaha, Radio Jigjiga uma aanaan dhisin in beelo lagu caayo, madax aan waxba qabanin amaan been ah loogu sameeyo, ama dad gooni ah lagu bahdilo, RJ, waa simaha, iyo midnimo ka dhex dhaliyaha dhamaan beelaha Soomaaliyeed ee deegaanka. Rj, iyo qoraheedu waa bilawgii warbaahinta sida dhabta ah nabada u taageeray, sida boggag kalena, aan lacagta, iyo sideed wax ku heshaa warbaahinta u soo galin, sidaa darteed hawsha, iyo halganka RJ, "waa xalaali ma lunto"
 Hadaba boggan ayaa noqday hoyga ay ku soo hirtaan, dhamaan dadka rumaysan in Cabdi Iley, iyo kooxdiisa bah wax walba boobe, ay cadaalad daro, iyo kala faquuq kula kaceen shacabkii kale ee deegaanka.
Waxyar oo cadayn ah aan idiin soo gudbiyo, markii lagu jiray riwaayadii uu ina Iley actor-ka, ka ahaa, ama safirkiisii uu USA, noogu yimid, ayna lahaayeen nabad buu ka shaqeynayaa, balse hada la ogaaday ineysan wax nabad la yidhaahdo shaqaba ku lahayn ee ay ahayd, olole qabiil, iyo u qiil bixinta dhaca hantida deegaanka, iyo bahdilida beelaha qaarkood, ayaa waxaa dhacday, inuu ina Iley, dadweynihii Soomaalida Itoobiya kala saarid, iyo qabiil qaawan kula kacay, waxaa dhacday in shaqsiyaadkii ina Iley la beesha hoose ahaa oo kaliya Tikidho, iyo lacago bilaasha ah la siiyey, halkii dadkii kale ee aan ina Iley, la beesha ahayn albaabka laga soo xidhay, xataa xubnihii jaaliyada laguma qiimeyn waxqabadkiisa, iyo siduu wadani daacad ah u ahaa, ee waxaa lagu qiimeyey, intuu abtirsiinta u jiraa Cabdi Iley, reer hebelna ma yahay!.
Waxaa kaloo jiraty dhalinyaro badan oo isaga ina Iley ah ku soo dhaweysay Minnesota, wali ma aragteen sawirdiisa shirkii Minneapolis, waxa dabataagan badankoodu waa beelaha kale, waxa laga ilaalinayeyna waxay ahaayeen mucaaradka isla beeshiisa ah, kuwaas oo damacsanaa iney Minneapolis isaga ku gawracaan, balse nasiib daro, ina Iley, khiyaamadiisii uu caanka ku ahaa buu ka raacay, isagoon fiirin yaa abaal ii galay, ee u fiiiryey yaa ila qabiil ah. Arintani waa wax aad u baahsan oo laga wada dharagsan yahay, weydiiya kaliya dadkii goob jooga ka ahaa.
 Halkan kuma lihin, tikidho, ama lacag iwm, oo dadkii kale loo diiday, buu kacdoonku ka kacay, balse idinkuba fiiriya waxa ka dambeeya, xaqiraada, waxba jiraan ka soo qaadida beelihii kale, oo walibana xataa dadka uu ina Iley ka kor booday Ogaadeen badani ku jiro, taasoo uu dadkii ku kala soocay yaa ila jilib hoose ah, kadib markay dadweyne aad u badani arintooda na soo gaadhsiiyeen, baanu go'aan sanay, in markale, tooshkii cadaalada dib loo shido, waayo qofka cadaalada jeceli, wuxuu farxaa marka cadaaladu faraxdo ee ugu yaraan sinaanta la dareemi karo. iftiinka tooshkana waataa maanta lawada arko ee uu bah Iley, ishii kaliya ee u fayoobeyd ka cawiray (Cakaaranews)
Dabadeedna sidaas buu ku bilawday, kacdoonka lagala horjeedo, ninka qabiilka sida xun ugu dhaqma ee deegaanka ka taliya, Radio Jigjiga, waa abaan duulaha kacdoonkan, sidoo kale, waxaa xaqooda u dagaalamay, bogga Kilil5, sida dhabta ahna, qoraagani wuuba ka argagaxay sida kooxda ina Iley, ula dhaqmaan bogga K5, iyo wadaniyiinta soo qora, inkasta oo ay kooxda kabtanku beer laxawsi qabiil, ama habeenka uu qoraha boggani Soomaali ka xigno isku dayeen iney u isticmaalaan laaluushida Radio jigjiga, hadana soor quureed lama qaadan karo, waana ceeb, xushmo dari, iyo lumid aanu luminay waxaanu 7da sanadood soo wadnay. Qoraaga boggani, wuxuu dhiiri galiyaa iney qoraayaasha kale, ka hadlaan xaqdarada, xatooyada hantida shacabka, iyo karti xumada ay madaxdu la timaado, taasina waa calaamada hogaamiyaha daacada ah.
Si kastaba ha ahaatee, Cabdi Iley, iyo kooxdiisu haday dawlada Itoobiya been ugu sheekeeyaan in K5, iyo RJ, yihiin mucaardka dawlada dhexe waa been, iyo waxkama jiraan, kacdoonkayagu wuxuu ku jeeda xaqdarada ina Iley uu deegaanka ka wado (for the record) sida nala soo gaadhsiiyeyna baadhis buuxda baa ku socota beenta reer bililiqo, waxayna u badan tahay iney iyaga la go'do.
Ugu dambeyn, gari Ilaahay bey taqaanaaye, inta qoraha boggani khadka wax qorida ku jiro waa inaanu cadaalada ka hadalno, sidoo kale hadii aynaan cadaalad, iyo wanaag isku maamuli karina, miyeysan qumanayn iney xadhkaha kala furano, oo beel walbana degmadeeda xukunto. Soomaali meel kasta oo ay joogtaba cadaalad daro ayaa loogu dawgalay, taasaana keentay, iney kala yaacaan, wada jirna wax u wada qabsan waayaan, cadaalad daradaana waxaa saldhig u ah cudur fool xun, laguna magacaabo "qabiil".
Digniin: fadlan Kursiga si fiican u xajiso, markaad akhriyeysid maqaalkan: Bililiqadii ugu weynayd abad, ee ku dhacda Jidwaaq Absame, oo bah bililiqo dabaal-dageeda ku qabanayaan magaalada Jigjiga; halkan riix
| | 
 Shaqsiga sida dhabta ah u leh, ama dhisanaya Hotel Plaza ee magaalada Jigjiga, oo su'aalo, iyo shaki weyni ka yimid
 Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
 |