Qurbajoog badan oo ka soo kala jeeda gobolo dhawr ah oo markale Madaxweynaha deegaanka ugu baaqay inuu is casilo
Radio Jigjiga (Minneapolis) Baaq degdeg ah oo markale, maanta na soo gaadhay ayaa lagu soo qoray fariin gaar ah, kuna socota madaxweynaha deegaanka, Cabdi Maxamuud Cumar. Baaqan ayaa lagu sheegay codsi loo soo jeediyey madaxweynaha deegaanka, taasoo ah inuu sida ugu dhaqsaha badan isku casilo. Qurba joogtan oo ka soo kala jeeda gobolada Fiiq, Jigjiga, Dhagaxbuur Shiniile, iyo Afdheer, ayaa ku eedeeye madaxweynaha deegaanka inuu ka soo bixi waayey xilkii uu ku dhaartay inuu shacabka deegaanka si siman,iyo cadaalad ah ugu maamulo, Cabdi Maxamuud Cumar, ayey qurba joogtani ku eedeeyeen inuu dadweynaha deegaanka kula kacay, eexasho, kala saarid xaga beelaha ah, sidoo kale ayey baaqooda ku sheegeen inuu madaxweynuhu lunsaday hanti aad u fara badan, iyo qaraabo-kiil aad u fool xun (corruption, and nephotism) .
Hadaba qurba joogta oo qoraalkooda sii wata ayaa, ka codsaday in booliiska dawlada dhexe (Ethiopian Federal Police) ay si deg deg ah u bilaabaan baadhis xaga danbiyada ah oo lagu qaado madaxweynaha deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar, iyagoo qurba joogtani ku eedeeyey inuu madaxwweynuhu dhac, iyo boob kula kacay lacago aad u badan oo loogu tala galay in wax loogu qabto dadka abaaruhu aafeeyeen, sidoo kale waxay madaxweynaha ku eedeeyeen inuu iyana lunsaday lacag dhan toban Milyan oo Doolar ($10,000,000) oo dawlada dhexe ugu tala gashay ololaha nabada guud ahaan, gaar ahaan hawlaha qurba joogta, iyo isku xidhka dawlada deegaanka.
Muwaadiniintan qurbaha ku nool ayaa is weydiiyey meesha ay lacagtaas faraha badani martay, iyo sida dadka deegaanku uga ooman yihiin, hantidaa dhaca madaxweynuhu kula kacay, waxay kaloo ay farta ku fiiqeen inaan lacagtaa tobanka Milyan ee Doolar ah, aan la ogeyn siduu ka yeelay, iyo sida loo kharashgareeyey, marka bey yidhaahdeen, laga reebo kontomeeyo qofood oo isaga la beel ah, oo tigidhada laga bixiyey, tigidhadan ayey qurba joogtu ku sheegeen, ineyba bixisay shirkada diyaaradaha ee Ethiopian Airline.
Ugu dambeyn ayey qurba joogtani sheegeen, iney warqadan u gudbiyeen safaaradaha dawlada Ethiopia ku kala leedahay, dalalka USA, UK, iyo Sweden. Waxay kaloo qurba joogtani is weydiiyeen, halka uu madaxweyne Cabdi Maxamuud ku danbeyn doono, maadaama aan sidaa looga daba hadhi doonin ee la xisaabtan, iyo maxkamadeyn lala daba joogi doono gudaha, iyo dibadaba, wax alla wuxuu hanti leeyahayna si hubaanti ah loo baadhi doono, hantidaas oo iskugu jira guryo, lacag, iyo wuxuu meel dhigtayba, waxaa kaloo la baadhi doonaa guryaha dabaqyada ah ee uu Jigjiga ka dhistay, halkuu lacagtaa ka keenay, maadaama uu mushahaarkiisu ahaa mid la wada ogyahay intuu dhan yahay.