Qurba joog ka soo jeeda gobolka Shiniile ee deegaanka Soomaalida, oo cabasho ka muujiyey sida loola dhaqmay, kadib markay Jigjiga gaadheen
Radio Jigjiga (Jigjiga) 12-26-2011, E-mail dacwo, iyo cabasho iskugu jira oo ay nasoo gaadhsiiyeen qurba joog ka tagey dibadaha, kana soo jeeda gobolka Shiniile, ayaa si weyn uga eed sheegtay soo dhaweyn la'aanta loo fidiyey, kadib markay tageen caasimada dhulkooda ee magaalada Jigjiga. Qurba joogayaashan ayaa hadalkooda ku bilaabay "waxaanu iskugu jirnay qurbo joogayaal badan oo in mudo ah dibadaha dalka uga maqnaa, sidaa awgeed ayaanu ku tashanay inaanu booqasho gaaban ku tagno ciidii dhulkayaga, kadibna markaanu abaabul gaaban dibadaha ka kala samaynay, baanu ugu dambeyn sidaa dhulkii ku gaadhanay".
 Balse sidey qurba joogayaashani nasoo gaadhsiiyeen, ayey aad uga eed sheegteen, inaan haba yaraatee, wax soo dhaweyn ah looga samayn magaalada, iyagoo waliba ku eedeeyey maamulka jaaliyadaha u qaabilsan arimaha safarada qurba joogta, ineysan noqonin, ama ula dhaqmin sidey markii hore ka filayeen, taasoo bey yidhaahdeen, iyaga si gooni ah loogu sheegay inaan meel looba haynin, maadaama uu gurigii martida jaaliyada loogu talagalay ee Jigjiga uu buux dhaafay. Arintan ayey sheegeen iney ka dacwoodeen, balse aan cidina la soo hadlin, intaa kadibna bey yidhaahdeen ay sidaas ku kala tageen, iyagoo qaarkood u sii gudbey dhinaca gobolka Shiniile, balse intoodii ku hadhay magaalada Jigjiga, ay aad uga xumaadeen kala qaybsanaan dhinaca jaaliyadaha ah ee ay ku kacaan shaqsiyaadka loo xilsaaray soo dhaweynta qurba joogta, masuuliyiinta qaabila markay qurba joogtu tagaan dhulkooda ayey ku eedeeyeen iney yihiin, kuwo dadka kala saara, isla markaana si foolxun u adeegsada qabiilka, iyo beelaysiga.
Ugu dambeyn ayey sheegeen qurba joogayaashani, in intoodii hadhay kadib markay cabasho badan, iyo buuqa badiyeen sidaas madaxweynaha deegaanka si haleel ah ay ula kulmeen, balse nasiib daro aysan qaybtoodii kale, fursad u helin iney cabashadooda cidna u gudbiyaan, maadama aysan xataa iyaga u suuragalin iney wakhti u helaan iney arintan helaan cid waxka qabata. Inta badan, qurba joogta aan dhinaca dawlada deegaanka laga so dalban, ayaa dhibaato, niyadjab, iyo farxad la'aan kala soo noqda markay Jigjiga tagaan, badankooduna, markay dib ugu soo noqdaan dalalkii qurbaha ee ay horey uga tageen, cidna kulama taliyaan iney dhulkoodii deegaanka gaadhaan, ilaa isbadal wanaagsan, oo dhamaan qurba joogayaasha si siman loola dhaqmo ay meesha imanayso.
Waxaa fariintan nasoo gaadhsiiyey:
realname: Qurba Joogta Shiniile email: shiniile111@yahoo.com Subject: Complain / Dacwo Qabid
Qurba joogta deegaanka ka soo laabata, bal nasoo gaadhsiiya, waxaad sheeko haysaan!
|