
 Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.
| Q arax lala damacsanaa xafiiska madaxweynaha oo la fashiliyey, iyo nabadgalyo xumo ka jirta magaalada Jigjiga
Radio Jigjiga (Jigjiga) February-02-2012, war deg deg ah oo naga soo gaadhay dhinaca magaalada Jigjiga ayaa ku waramaya in ciidamada nabadgalyada ee deegaanka Soomaalidu ay fashiliyeen qarax lala damacsanaa xafiiska madaxweynaha deegaanka Cabdi Iley. qaraxan ayaa la sheegayaa in lagu dhex aasay gudaha xaruunta deegaanka laga xukumo. Waxaa kaloo jirta in isla xaruunta dawlada deegaanka gudaheeda laga helay telefoonka gacanta oo la rumaysan yahay inuu ahaa kii la rabey in lo isticmaalo qaraxaas.
Runtii waa wax aad u adag in la ogaado cida sida dhabta ah uga dambeysay qaraxaas lala damacsanaa in laga dhex rido xaruunta dawlada deegaanka. Waxaa suuragal ah inuu isla madaxweynaha deegaanku ka dambeyey arintan si uu taageero siyaasadeed oo buuxda uga helo dhinaca dawlada dhexe, waayo inta badan cidina ma baadho, ama kama daba tagto marka waxan oo kale ay ciidamada nabadgalyada deegaanku qabtan, ama fashiliyaan ee halkaas baa looga hadhaa. Sidoo kale waxaa iyana suuragal ah in arintani ahayd, weerar aragagixiso dhab ah.
Shacabka magaalada Jigjiga ayaa dhexdooda ku kaftama malaha Axmed Godane ayaa Cabdi Iley soo weeraray, si uu uga aargoosto taagerada ciidan ee uu Cabdi iley u fadiyey maamul goboleedka Golkhatumo, halka ay kuwo kalena ku sheekastaan, Cabdi Iley ayaa doonaya inuu shacabka magaalada Jigjiga ciqaabo, maadaama ay si weyn uga soo hor jeedaan hawlaha Graadnimada ah ee uu isagu wato. Ugu dambeyn nabadgalyo daro aad u baahsan ayaa la soo daristey magalaada taasoo keentay in casar dheer ay shacabku kala xaroodaan, isla markaana goobaha ganacsiga la xidho.
| | 
 Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar
 Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
 |