
 Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.
| Magaalada Qabridahare oo caafimaad xumi weyni ka jirto
Radio jigjiga (Qabridahare) magaalada Qabridahare ee caasimada u ah gobolka Qoraxay, ayaa lagu soo waramayaa iney caafimaad daro weyni ka jirto.
Sida Warku sheegayo, magaalada ayaa waxaa ka dilaacay, cudruka shubanka, cudurkan ayaa caruur tiro badan ku dilay, halka ay ay badana la ildaran yahiin.
Dhamaan goobaha caafimaadka ayey dad badani soo buux dhaafiyeen, waxaana wali socda daaweynta dadweyanahaas dhibaatada cudurkani hayso. Waxaa kaloo jirta in daawooyinka lagula dagaalamo cudurka shubanku ay aad ugu yar tahay magaalada, mana jiraan farmashiyayaal si gaar loo leeyahay oo laga heli karo daawooyinkan.
Sida warku nagu soo gaadhay wasaarada caafimaadka ee heer deegaan ayaa haba yaraatee aan wax daawo deg deg ah u soo dirin dadkan cudurku faraha kulul ku hayo.
| | 
 Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar
 Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
 |