Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News

Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.


Tooshka radio jigjiga
Bilawgii kacdoonka lagala horjeedo Cabdi Iley, iyo siduu ku bilawday (this is a must read article)

Dawlada deegaanka oo cuna-qabatayn dhaqaale, iyo bulshaba ku haysa magaalada Qabri Bayax, iyo deegaanada hoos yimaada

Radio Jigjiga (Qabri Bayax) January-11-2012, Magaalada labaad ee deegaanka Soomaalida ugu weyn, uguna dadka badan, ayey dhibaatooyin badani la soo darseen, dhibaatooyinkaas oo ay ugu horeyso biyo la'aan haysata dadkii, iyo xoolihii ay dhaqanayeenba, sidoo kale, ayey magaaladan ka jirtaa dhaqaalo xumo, iyo iyadoo aysan wax hurumar ahi ka soconin, sanad, iyo badhkii la soo dhaafay, waxaana dhibaatooyinkan loo aaneynayaa cuna-qabatayn, iyo cadaadis aad u daran oo ugu yimid dhinaca dawlada deegaanka.Magaalada qabri Bayax
Dawlada deegaanka ee uu madaxweynaha ka yahay Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa gabi ahaanba dayacday degmada Qabri Bayax, iyo caasimadeeda, dadweynaha reer Qabri Bayax, ayaa cabasho, iyo qaylo dhaan meel kasta u dirsaday, balse nasiib daro cidiba dhag jalaq uma siiso, sidase runta ah, cidi ma maqli waayin ee waxaa jirta in dawlada deegaanka oo uu ugu horeeyo madaxweyne Cabdi Iley, ay colaad, iyo cuna-qabatayn aan la garaneyn meel ay ku jeedo, amaba ka socoto lagu hayo deegaanka Qabri Bayax.

Biyo la'aanta, iyo oonka xun ee ka jira deegaankan ayaa taniyo sanadkii la soo dhaafay ahaa waxa ugu weyn ee u baahnaa in wax laga qabto. Sida la ogyahay waxaa magaalada dhan ka qodnaa hal ceel, oo wakhti hore la qoday, inkasta oo uu celkani aad u biyo badnaa, in mudo ahna magaaadu si fiican uga cabaysay, ayuuse ceelkii jabay, ama motorkii biyaha soo tuurayey cilad farsamo ku timid, taasoo keentay in magaaadii gabai ahaanba biyo la'aan darani ku timaado, sida aan warka ku haynana wali cidi xaga dawlada deegaanka ugama imanin.
Inkasta oo aynu lawada socono iney dawlada deegaanku soo iibsatay qalabka ceelasha lagu qodo ee riigga loo yaqaan, ayeyse reer Qabri Bayax, si xun uga ooman yihiin, sidoo kale, waxaa la sheegaa inuu madaxweynuhu bixiyo amarka lagu qodo ceelasha, iyo degmada, ama magaalada loo qodayo, baase maalin walba magaalada dhexdeeda lasii mariyaa riigag badan oo misana la sheegayo in ceeelal dad loogu qodayo, taasoo kaba sii darane aad moodo in reer Qabri Bayax lagu walaaciyo, iyadoo si ku xumayn, ama ku ciiqaabid ah qalabka ceelasha lagu qodo loo sii dhaafito xaga gobolada kale.
tooshka lix qaadka ah
Sida ay noosoo sheegeen, dadka deegaankaas waxaa dhacday laba bilood ka hor in magaalada lasoo mariyey laba riig, kadibna markii shacabkii oomanaa ku soo xoomeen riigagi uu injineerkii watay isagoo qoslaya ku yidhi "riigagan, idinka laydiin ma wado, oo madaxweynaha ayaa amar ku bixiyey in degmooyin kale ceelal loogu qodo".
Dhacdan oo kaliya maahine, Cabdi Iley, oo ka hor ku dhaartay inuu dadna ciqaabi doono, kuwa kale biyaha ka haqab tiri doono, ayey u egtahay in reer Qabri Bayax, lala doonay in biyo la'aan, iyo haraad lagu dilo. Runtiina lama garanayo waxa shacabka reer Qabri Bayax, loogu diidey in loo qodo ceelashii ay xaqa u lahaayeen sida gobolada, iyo degmooyinka kale ee deegaanka.
Shacabka reer Qabri Bayax, oo aan waligood nasiib u helin iney helaan madax wadaniyiin ah oo iyaga si fiican ugu matala dawlada deegaanka, ama tan dhexe, sida lala wada socdana kuwa la sheegoo iney deegaankan ka soo jeedaan ee labada dawladoodba ku kala jira, ayaa kala noqday kuwo danta gaar ahaaneed uga weyn tahay tan guud, oo sidaas ku danaystay, iyo kuwo aan naftoodaba ku kalsooneyn, sidaana dadkooda haraadka ugu dilay, si ay shaqsi kale u raali galiyaan.

Waxaase hada iska cad in Cabdi Iley, uu cuqdadii, iyo hagardaamadii uu ku hayey beesha Ogaadeen, gaar ahaan reer Dhagaxbuur, uu hada u soo wareejiyey dhinaca reer Qabri Bayax, taasoo uuba ku faanayo siduu haraadka ugu dilay reer Qabri Bayax, uuba u arko darajo, runtiise waa dambi, khiyaano, iyo maamul xumo dhiniciisa ka timid, waayo isagu beel, ama gobol kaliya masuul kama ahan ee sida sharcigu yahay shacabweynaha deegaanku wey u siman yihiin, beel kasta, ama gobol kasta oo ay ka soo jeedaan, sidoo kalena waxqabadkiisa wey u wada siman yihiin dhamaan degmooyinka deegaanku, waxaanan ugu baaqeynaa isaga, iyo kuwa wax la wadaba iney joojiyaan kala saarida ummada deegaanka ay ku hayaan.
Ugu dambeyn, hadiii uusan Cabdi Iley, dadkuu xukumo si cadaalad, iyo sinaan ah wax ugu wada qabaneyn, waxaa haboon inuu xilka u baneeyo madax kale oo bulshada deegaanka xaqooda kala siin, isla markaana u kala saareyn kanaa ila beel ah, ama kan buu walaalkiis kursiga hoostiisa ku aasan yahay, dhamaan shacabka dad badan baa kawada aasan.


Tooshka lix-qaadka ahi, ma xaquu ka hadlaa, mise waxbuu xumeeyaa?




 

 
radio on Facebook
Hotel Plaza
Shaqsiga sida dhabta ah u leh, ama dhisanaya Hotel Plaza ee magaalada Jigjiga, oo su'aalo, iyo shaki weyni ka yimid


video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.