
 Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.
| Dhul boobka uu Cabdi Iley ku jiro oo lagu xidhiidhiyey arimaha Saliida (oil) iyo Shiidaal ka qodida deegaanka Soomaalida
Radio Jigjiga (Jigjiga) February-10-2012, Dhul boobka uu Cabdi Iley ku jiro oo lagu xidhiidhiyey arimaha Saliida (oil) iyo Shiidaal ka qodida deegaanka Soomaalida, sida lala wada socdo waxaa shiidaal baadhis weyn deegaanka ka wada shirkada lagu magacaabo "SouthWest Energy" shirkadan ayey gabai ahanba leeadahay dawlada Ethiopia, waxaa kaloo la rumaysan yahay iney jiraan ganacsato maalgashi ku leh isla shirkadan. Waxaa la xasuusta in todobaadyadii ina soo dhaafey uu madaxweynaha deegaanku iska xidhxidhey Ugaasyo, cuqaal, iyo ganacsato aad u badan, oo dhamaantood loo haystay dacwo been abuur ah taaso ah iney dhul ay dawlada deegaanku leedahay ay diideen in gacanta Cabdi Iley, iyo kuwa isaga xukuma lasoo galiyo balse arintan baanu baadhis dheer ku samaynay, anagoo dad badan oo arimahan xogogaal u ahna wax ka soo weydiiney. Marka ma jirto wax la yidhaahdo dhulka dawlada deegaanka, ama dhulkii ina Iley ee dhulka waxaa iska leh hadba beesha Soomaaliyeed ee dhulkaas degenayd boqolaalka sanadood, dawlada deegaanka sida la wada ogyahay waxaa dhidibada loo aasaasay 19 sanano ka hor, intii ka horeysana waxaa dhulka sheegan jirey dawladii dhargiga, laakiin hada waxaad moodaa in la cilmiyeye hadalkii Mingistu ee ahaa dhulka waxaa iska leh Axmaaro iwm, taasoo hada lagu badalay meeshii Axmaarada "dawlada deegaanka", sida runta ahna waanu wada ognahay in Cabdi Iley, iyo kuwa kale ee madax ku sheega dadkeena looga dhigey in aysan lahayn awood ay ku yidhaahdaan "dhulka waxaa iska leh qawmiyada Soomaalida ee malaha shirkad laga keenay meel kale" shirkadan oo ay sheerkeeda, amaba saamiga ugu badan leeyihiin ganacsato Tigre ah.
Hadaba sida xogta nalugu soo siiyey dhulka uu Cabdi iley leeyahay waxaa iska leh dd, isla markaana uu Cuqaashi soo maamulayey boqolaalka sanadood u xidhxidhey, runtii waxaa loo wadaa shirkadan shiidalka dhulkeena ka qoda ee lagu magacaabo "SouthWest Energy". Waxaa jirta iney shirkadani mudo badan arimaha siyaasada deegaanka lug weyn ku lahayd, waxaa shrikadan jeebkeeda ku jira saraakiil, iyo jeneraalo ka tirsan ciidamada dawlada dhexe, sida la sheegana shirkadani lug weyn bey ku leedahay isku badalka madaxweynayaasha deegaanka siiba keenidii Cabdi Iley ee xukunka Kililka.
 laga soo bilaabo banka Jigjiga, ilaa iyo banka Qoraxay, waxaa la rumaysan yahay iney ku jirto kayd ka mid ah kaydadka Saaliida ee qaarada Afrika ugu waaweyn, Degmooyinka Jigjiga, Dhagaxbuur, iyo Qabri Dahare, waxaad ku arkaysaa in dhul cidla ah oo inta silig lagu wareejiyey, dadka degana loo sheegayo iney dawlada deegaanku leedahay, balse sida xaqiiqdu tahay waa dhul loo sii hayo shrikadan dhiig miiradka ku haysa dhulkii shacabka reer guuraaga ahi ku noolaa, sidoo kale, ayaa iyana shaki weyn laga muujiyey waxa loogu yeedho dib u dajinta shacabka deegaanka, sida laga warqabana meelaha dadka laga rarayaa waa meelaha la rumaysan yahay iney Oil, iyo Shiidaal kale ku jiro.
Si kastaba ha noqotee, waa in arimahan dhulka fiiro gaar ah loo yeesho, oo dadka lagu wacyi galiyo khatarta ka soo socota dhulkooda la dhacayo, isla markaana laga yaabo ineyba qaxooti ka noqdaan hantidii dabiiciga ahayd ee Ilaahay iyaga ku manaystay, taasoo ay madax ku sheega dadkeena xukumaa horseedka ka yihiin, si laba bari meelahaas looga sacab tumo, ileyn sharaf kale ma lahane, kadinba jeelka sidaa loo dhigo
| | 
 Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar
 Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
 |