Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News
Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

Shacabkii deegaanka Garsaalay, oo si been abuur ah loo soo xidh-xidhay

Radio Jigjiga (Jigjiga) Sida aan war ku hayno, ninkii walaalaa ee gabalkiisii sii dhacayo, ayaa 132 nin oo u dhashay beesha Bartire, ka soo xidhay meel magaalada Jigjiga u jirta 15 KM, laguna magacaabo Garsaalay.
Sida warku sheegayo shacabkan, ayaa si been abuur ah loogu eedeeyey iney xidhiidh hoose la lahaayeen ururka onlf, hase yeeshee, iyadoon haba yaraatee wax cadayn ah lagu haynin ayaa si sharci daro ah, layskaga reer jigjigasoo xidhay.

Shacankan oo ku noolaa deegaanka Garsaalay, ayey in muda ahba uu Cabdi Iley, iyo ganacsato ka tirsan beeshiisu daba socdeen.
Hadaba inkasta oo aysan wali kala cadayn sababta runta ah ee keentay, in shacabkan lagu soo eedeeyo, eedayntaas la wada ogyahay ineysan waxba ka jirrin, ee ay tahay wax la soo dhoodhoobay, ayey hadana dadweynuhu aad u cambaareeyeen.

Sidoo kale, ayuu warku sheegayaa, in gacan-yarayaasha ina Iley, ay hub, iyo saanad kaloo aad u farabadan, ka qaateen, dhawr tuulo oo ay beesha Bartire leedahay, tuulooyinkaas ayaa mid ka mid ah, beesha Sheekhaash ay degenaayeen.

Mudo hada laga joogo laba biloodna, waxaa dhacday in daanyeer Iley, uu shaqaale badan, oo beesha jidwaaq ka tirsan uu shaqooyinkoodii magaalada Jigjiga, ka cadhiyey, si sabab la'aan ah.

Ugu dambeyn, iyana wali ma kala cada in duqa magaalada Jigjiga, waa ninka lagu magacaabo Cabdi Dahir Qasim, oo isna beesha Cabdi Iley ka tirsani uu arintan lug ku leeyahay, iyo inkale, balse iska soo xidhidan ayaa lagu xidhiidhiyey, hanjabaad, iyo caga juglayn uu maalmihii u dambeysay Cabdi Iley, u soo dirayey shacabweynaha deegaanka gaar ahaan reer Jigjiga.

-la soco wararka dambe-

 

 
radio on Facebook

beesha xasan Cismaan
Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar

video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.