Radio Jigjiga Home     Ogeysiis
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News

Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

WDr. Axmed Sheekhareysigii uu warsidaha afdheer.com la yeeshay madaxii hore ee xafiiska deegaanka u qaabilsan cilmi baadhista, mudane Dr. Axmed Sheekh, oo loo arkay inuu iftiin ku shiday guud ahaan sida ay dawlada deegaanku u shaqayso
SFree Pressaxaafada xorta ahi saaxiib joogto ah ma leh

al)
Doorashadii Cabdi IleySanad guuradii Koowaad ee madaxweyne-nimada Cabdi Maxamuud Cumar, maxaa khaldamay, maxaase la qabtay (faalo)

 

Nin qurba joogta deegaanka ka mid ah oo magaalada Jigjiga lagu xidhay



RJ (Jigjiga) 03-6-2011 Magaalada Jigjiga ayaa lagu soo waramayaa in lagu xidhay nin ka mid ah qurbajoogta deegaanka oo la sheegay inuu ka tagay qaarada Yurub.

Sida hadaba warku sheegayo ninkan oo magaciisa lagu soo gaabiyeye Xuseen, ayaa naloo sheegay in markuu tagay magaalada jigjiga ka dib uu tagay guriga qurbajoogta ee dhawaan laga furay magaalada, dabadeed markii ninkii gudaha u galay gudaha aqalka martida ayaa waxaa qaabilay madaxa martisoorka ee guriga.
Aqalka martida
Qaabilaadaas ka dib ayuu ninkaa la xidhay ka soo baxay gudaha aqalka martida isagoo ka dacwoonaya in loola dhaqmay si ka duwan, sdia loola dhaqmo qurbajoogta kale, ninkan ayaa ku dacwooday in si sarbeeb ah qabiilkiisa loo weydiiyey, kadibna markay u cadaatay in aqalka martida loogu tala galay dad gooni ah uu isna si xun uga cadhooday, dabadeedna rabsho, iyo buuq meeshii ka dhashay ugu dambayna ninkii loogu yeedhay Booliska si ay uga kaxeeyaan hotelka, ama aqalka martida.

Wali wax war ah lagama hayo meesha ninkan laga kaxeeyey guriga martida uu jaan, iyo cidhib dhigay.
Maahan markii koowaad, ama labaad ee qurbajoogta deeganku markay dhulkoodii tagaan ay ka cawdaan falxumo, lagula kaco, sida xadhig aan sabab lahayn oo kale, dadkan dibadaha ka tagaaana inta badan waxaa dhacda iney xanaaq, iyo qoomamo kala soo noqdaan, safarkoodii ay wadankooda ku tageen, balse ay maamulka hada deegaanka ka jira ku eedeeyaan ineysan haba yaraatee wax masuuliyad ah iska saarin qurbajoogta.

Dhinaca kale ninkan ayaa ka soo jeeda gobloka liibaan, isagoo la sheegay inuu u socday dhanka gobolka Liibaan markii horeyba, balse uu damcay inuu guriga aadka loo buunbuuniyo soo booqdo, taasina u horseedo ninkan qurbo-joogaha ah in dhanka jeelka loo kaxeeyo.


 
  

Hashii garawo
R
adio Jigjiga oo ugu danbeyn soo helay xogta, iyo shaqsiga ka danbeeyey in hasha lagu daro calanka xisbiga, iyo calanka dawlada deegaanka


Radio Jigjiga (Jigjiga)  8-8-2011, Radio Jigjiga oo ugu danbeyn soo helay xogta, iyo shaqsiga ka danbeeyey in hasha lagu daro calanka xisbiga ee deegaan. Warkii oo Dhan
Wakhtiga U Dhiman Cabdi Iley

Waraaqaha Dadweynaha
Sadexdan madaxweyne
A
wood qaybsiga madaxweyne Cabdi Iley, iyo sadexda madaxweyne ku xigeeno oo la shaaciyey


Radio Jigjiga (Jigjiga) Awood qaybsiga, iyo wada maamulka hayadaha dawlada ee madaxweynaha, iyo sadexda madaxweyne ku xigeeno, ayaa markii ugu horeysay la shaciyey. Warkii oo Dhan
 
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2000-2011 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.