Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News
Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

Nabad galyo la'aan aad u daran oo la soo daristay magaalada jigjiga, iyo nawaaxigeeda

Radio Jigjiga (Jigjiga) Magaalada Jigjiga ee caasimada u ah deegaanka Soomaalida, ayaa lagu soo waramayaa iney nabad galyo aad u xumi la soo daristay, nabada galyo xumadan ayaa maalibna, maalinta ka sii dambaysa cirka isku sii shareeraysa.
Magaalada Jigjiga oo waligeedba ku caan baxday, nabad galyo, xasilooni, iyo nabad ku wada noolaanshaha dadweynaha Soomaaliyeed ee deegaanka, ayaa ay dadkii magaalada degenaa, walaac weyni ka haaystaa nabad la'aanta ku soo badanaysa.
Ilaalada Cabdi Iley
Sida hadaba warku sheegayo, waxaa jirta in habeenkii magaalada dhexdeeda laga maqlo dhawaaqa rasaasta, xabadahan habeenkii la maqlo, bey dad badani su'aalo badan iska weydiiyaan, dadka qaar ayaa rumaysan iney rasaastan habeenkii la maqlo ay ridaan, ilaalada gaarka ah ee Cabdi Iley, oo iyaga sida la sheego u dhaqma, sidii iney joogaan, dhul shisheeye, ama meel colaad gooni ah looga qabo, inta badana waxaa aad ugu adag, dhexgalka dadweynaha caadiga ah.
Ilaaladan, ayaa jidgooyo dhigta jidadka agmara, guriga Cabdi Iley, labada duhunimo kadibna looma ogola iney xataa waxari meesha soo marto, iskaba daa shacabka ka soo caraaba dhinaca magaalada hoosee.
Sidoo kale, ayaa ilaaladan dadweynaha suuqyada ganacsiga yaryar ku haystaa cabasho badan ka dhiibtaan, balse cidina dhagey jalaq uma siiso, cabashadooda.

Qayb kale, oo dadweynaha Jigjiga ku nool ka mid ah, baa aaminsan, in xiliga habeenkii ay magaalada soo galaan, maleeshiyo ka tirsan garabka nabada diiday ee onlf. Todobaad ka hor ayuun bey ahayd markii laba nin laga qafaashay xaafad ka mid ah, xaafadaha Jigjiga.
Dadka arintan, la socda ayaa laga soo sheegayaa, in xaafada Sheekh Cali Guure, ay dhacday, goor casar gaabad ah, in laba nin laga qafaashay, labadan nin ayaa ka tirsanaa dadka deegaan ahaan ka soo jeeda degmada Jigjiga, walina lama garanayo meesha labadan nin ay ku dambeeyeen.

Dhinaca kale, dad kale, ayaaba rumaysan in nimanka habeenkii xabadaha ka rida gudaha magaaladu ay yihiin, dabley, qorhse gooni ah ku socota, qorshahaas oo la sheego, in loogu tala galay, in lagu cabsi galiyo, shacabka reer Jigjiga, oo iyagu baryahan uu aad u taabtay maamul xumada Cabdi Iley.
Si kastaba ha noqotee, dableydan, ayey u badan tahay, in laga soo abaabulo xafiiska Cabdi Iley, si loo xalaalysto dhicida waalan ee ku socota deegaanka jigjiga.
Mudo hada laga joogo wakhti yar, ayuun bey ahayd, markii deegaanka Garsaalay, laga soo qabtay in ka badan 140 qof oo lagu eedeeyey iney gacansaar la lahaayeen garabka nabada diiday ee onlf, sida la ogyahayna, shacabkan, sida sharci darada ah, lagu soo xidhay, misana lagu tilmaamay waan kaa adkahayda ah, ayaa xabsiyada Jigjiga ku jira.
Shacabkan xaqdarada loo geystay, ayaa xaalkoodu yahay, cidina uma maqna, ceelna uma qodna.








 

 
radio on Facebook

beesha xasan Cismaan
Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar

video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.