
 Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.
| Musuqmaasuq dhinaca waxbarashada ah oo ka bilawday deegaanka Soomaalida
 Radio Jigjiga (Jigjiga) February-18-2012, Musuqmaasuq, iyo wax isdamarin aan horey looga arag deegaanka ayaa ka dhex bilaabatay wasaarada waxbarashada ee dawlada deegaanka. Hadaba musuqmaasuqan cusub ayaa lagu soo waramayaa inuu ku saabsan yahay dhinaca wasaarada waxbarashada ee deegaanka, taasoo arday badan oo aan deegaanka u dhalin inta laga keeno dhinaca wadanka Soomaaliya, dabadeedna laga qaato lacag dhan shan boqon oo doolarka maraykanka ah (500 US Dollars) lagu soo daro liistada ardayda deegaanka ee waxbarashada dibada hesha, ama u socota Jaamacadaha ku yaala wadamada dibada.
Sida aanu warka ku hayno, waxaa deeq waxbarasho ah ay ardayda deegaanku ka heshay dalka Koonfur Afrika, deeqdan waxbarasho ayaa loogu tala galay ardayda deegaanka ee ka soo baxa Kuliyadaha waxbarasho ee deegaanka iney waxbarashadooda kasii wataan dalka Koonfur Afrika, Balse waxa la sheegayaa ineysan ardaydii loogu talagalay deeqdan aysan badankoodu helin, ee si musuqmaasuq ah, inta arday kale lacag laaluusha ah looga qaato, kadibna sida meesha looga saaro kuwii xaqa u lahaa deeqdan waxbarashao.
Arintan ayaa naloo xaqiijiyey iney tahay wax si weyn u baahsan, sidoo kalena lagu soo waramayo in xafiiska Cabdi Iley, xataa uu ka warqabo musuqan foosha xun ee cadaalad darada ah. Dhinaca kale ayaa iyana waxaa jirta in inbadan oo ka mid ah aradyda isla Cabdi Iley la beesha hoose ah, si ana iigu dar ah oo kale loogu qoro liistada aradayda waxbarshada loo wado, taasoo xataa aan laysweydiin meesha, ama heerka ay tacliinta ka joogaan, lamana soo mariyo imtixaanada ay ardayda kale soo maraan, si loo qiimeeyo heerka uu gaadhsiisan yahay waxbarshada ay horey u soo qaateen.
Si kastaba ha ahaatee waxaa muhiim ah in arintan wax laga qabto, musuqmaasuqana laga dhex saaro ardayda soo koreysa ee arday walba lagu qiimeeyo heerka aqoontiisa, ee aan lagu qiimeyn lacag, ama madaxweynaha deegaanka ayaa adeer u ah ee liistada iigu dar, waxan oo kale waa wixii soo baabi'yey dawladii dalkaas Soomaaliya, taasoo cadaalad daradan oo kale ay ahayd wax aad u baahsan.
" Warkan oo maqal ah hoos ka dhageyso"
| | 
 Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar
 Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
 |