Radio Jigjiga Home     Ogeysiis
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News

Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

WDr. Axmed Sheekhareysigii uu warsidaha afdheer.com la yeeshay madaxii hore ee xafiiska deegaanka u qaabilsan cilmi baadhista, mudane Dr. Axmed Sheekh, oo loo arkay inuu iftiin ku shiday guud ahaan sida ay dawlada deegaanku u shaqayso
SFree Pressaxaafada xorta ahi saaxiib joogto ah ma leh

al)
Doorashadii Cabdi IleySanad guuradii Koowaad ee madaxweyne-nimada Cabdi Maxamuud Cumar, maxaa khaldamay, maxaase la qabtay (faalo)

Maxaad kala socotaa, labada nin ee deegaanka Soomaalida, soo xukumay, misana loogu necbaanshaha badan yahay?

Radio Jigjiga (Jigjiga) Dadweynaha ku nool deegaanka Soomaalida, gaar ahaan, kuwooda degan caasimada Jigjiga, ayaa isku wada raacay, in intii madax, iyo masuuliyiin ka soo noqotay dhulkeena loogu necbaansho badnaa laba nin.
Shacabku, sideedaba madaxda xukunta iskama nacaan, meel cidla ahna, kalama dagaalaan, ee waa madaxda inta badan kuwa, marka hore, dhibaatada, iyo hagar daamada shacabka kula kaca, dabadeedna taasi waxay keentaa in dadweynhuna kala horyimaadaan, mucaaradnimo, iyo iney iska ilaaliyaan, naftoodana ka daafacaan, dhibaatooyinka uga iman karta, xukun xumada madaxda.
Misgistu, iyo Cabdi Iley
Hadaba deegaanka Soomaalida, ayey dadweynuhu inta badan dhibaatooyin ku qabeen madaxdii soo xukuntay, taniyo markii dhidibada loo taagay.
Markii uu talada deegaanka qabtay, madaxweynaha hada, Cabdi Mxamuud Cumar, ayaa si weyn loo soo dhaweyey, aadna loo taageeray, balse nasiib daro, Cabdi Iley, ma noqon sidii ay dad badani moodayeen, amaba ka filayeen, dadweynaha ayaa isaga ka filayey, inuu ka wanaagsanaan doono madaxdii isaga ka horeysay, madaxdaas oo dadka badankoodu aysan la dhacsaneyn sidey wax u wadaan.

Laakiin markiiba waxaa soo baxay, daldaloolo waaweyn oo lagu arkay, siduu wax u xukumayo madaxweyne Cabdi Iley, dadweynihii sacabka, iyo damaashaadka ku soo dhaweeyeyna waxay is tuseen, iney khalad weyn galeen, ka dib markii ay caleemo saareen, nin haba yaraatee aan u qalmin, inuu madaxweyne noqdo, waayo, markiiba waxaa dhacday in madaxweyne Cabdi Iley, uu beelihii deegaanka kala saarid, iyo cadaalad daro kula kaco, kaba sii darane, waxaa isla meeshaa laga arkay, siduusan maamul, iyo xukun wanaagsan diyaarba ugu ahayn, aqoon daridiisa, xaga maamulka ah darteed.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar, oo halkii laga sugayey, inuu dhibaatooyinka deegaanka wax ka qabto, bilaabay inuu loolan la galo aqoonyahanadii

Madaxweyne Cabdi Iley, ayaa markiiba halkuu ka faaiideysan lahaa, wuxuu bilaabay inuu dagaal, iyo khliaaf kala horyimaado, madaxdii dawlada la waday, kuwaas oo isaga ka tacliin badnaa, kana hawlkar sanaa.
Sida lagu eedeeyo, wuxuu madaxweynuhu ku guul daraystay, inuu bal xataa wakhti yar siiyo, siduu ula shaqeyn lahaa dhalinyaradii wax barashada lahayd, hawlaha dawlada deegaankana, laf dhabarka u ahaa, kuwaas oo uu u arkay, iney xukunkiisa dulaan ku yihiin, arintan ka fiirsasho la'aanta ah waa dhaqan xun, oo lagu yaqaan hogaamiyaha aan isku kalsoonayn, misana jecel inuu wax walba kaligii xukumo, kaligiisna laga amar qaato, waana sababta ninka masuulka ah ee dabeecadaas ku dhaqma loogu yeedo kaligii taliye (dictator).

Baadhis lagu sameyey, kaligood taliyaal badan, ayaa lagu ogaaday, iney dhab ahaan qabaan, xanuun xaga maskaxda ah,(mental illness) xanuunkaasina waa kan aakhirka u horseeda dhibaatooyinka ku yimaada kaligood taliyaasha, bal fiiriya, sida ay arinta kaligiis taliyuhu ku dhamaato, waxay ku dhamaataa halaag, iyo in si fool xun nolosha kaligii taliyuhu ku dambeyso meel xun.
Benito Mussolini
Dhinaca deegaanka, gaar ahaan magaalada Jigjiga, ayey dadka badankoodu isku raaceen, in madaxweyne Cabdi Iley, iyo kaligiis taliyihii Itoobiya soo xukumi jiray ee Mengistu Haile Mariam, ay yihiin labada nin ee deegaanka loogu necbaansho badan yahay, waayo labadan nin ayaa ka mideysnaa dhanka cabudhinta, iyo wax yeelida shacabka ay xukumaan, Mingistu wuxuu ahaa nin si gooni ah, dagaal kula jira aqoon yahanada, iyo bulshada inta garashada leh, Cabdi Ileyna, waa nin isna arintan ku caan baxay, Mingistu wuxuu colaytan kula jiray hogaamiye dhaqameedyada, Cabdi Ileyna, haduuba heli karo nin Garaad, Ugaas, ama Suldaan ah qofna kama reebeen.
Cabdi Iley, maahan, hoagaamiyihii ugu horeyey ee dadka deegaanku dagaal, iyo colaad ay kala hor yimaadaan.

Magaalada jigjiga ayaa sharciga magaaleynta waxaa la siiyey sanadkii 1925kii, hadaba kadib markii uu dalweynaha Itoobiya ay qabsatay dawladii fajiistada ahayd ee Talyaaniga (Italy's fascist government) uuna hogaaminayey kaligii taliye Benito Mussolini, ayaa waxaa jirtay in uu Talyaanigu watay nin Soomaali ah oo la odhan jiray, "Cumar Samatar".
Cumar Samatar, wuxuu ahaa abaanduulihii ugu dambeeyey ee boqortooyadii Majeertenia, laakiin markuu Talyaanigu boqortooyadaa la wareegay sanadkii 1927kii, jabkii Sayidka ka dib, ayuu Talyaanigu Cumar Samatar ku qasbay, inuu ciidankiisa ku soo biiriyo, ama sidii Sayidka la yeelo, markaas, wuu yeelay, kadibna markuu Talyaanigu Itoobiya ku soo duulay, Cumar Samatar, wuxuu ahaa ninkii Taalyaaniga u qabtay, dhulkeena gaar ahaan, dhulalka Ciid, Godey, Dhagaxbuur, iyo Jigjiga.
Markii dambena waxaa gudoomiye gobol looga dhigay, Jigjiga.

Hadaba Cumar Samatar, ayey dadka reer Jigjiga, dagaal kala horyimaadeen, taasoo ay ugu wacnayd Cumar Samatar, oo ugaadhsi ku bilaabay, qoysas la reer ahaa Sayid Maxamed, oo markaa deganaa deegaanka Boodhlay, ee u dhaxeeya Jigjiga, iyo Qabri Bayax, waana halka ay Majeerteen, iyo Suldaan Camanje iska galeen, aakhirkiina Cumar Samatar, wuxuu ku dhintay, buurta Kaara Mardha, walina halkaas buu ku aasan yahay.
Ilaa laga soo gaadho sanadkii 1960kii daaraha ugu badan ee magaalada Jigjiga waxaa iska lahaa Cumar Samatar, iyo dadkiisa, ganacsatada ugu waaweyn ee Majeerteen, sida odayga la odhan jiray "Uun laaye" iyo kuwo kale, dhamaantood waxay ganacsiga ka bilaabeen magaalada Jigjiga, laakiin xornimadii Soomaaliya, ka dib ayey dalkoodii dib ugu noqdeen.

Ugu dambeyn, waxaa yaab leh, in labadan nin ee Mingistu, iyo Cabdi Iley, ay ka mideysan yihiin tacliin darada, waayo midkoodna xataa hoose dhexe wax barasho ah ma soo marin!. 



Gabaygii Camanje




 

  
Jigjiga FM
Warbaahintii dawlada deegaanku lahayd ee magaalada Jigjiga oo lagu soo waramo inuu madaxweyne Cabdi Iley u adeegsanayo danihiisa gaarka ah

Wakhtiga U Dhiman Cabdi Iley

Waraaqaha Dadweynaha

Misgistu, iyo Cabdi Iley
Maxaad kala socotaa, labada nin ee deegaanka Soomaalida, soo xukumay, misana loogu necbaanshaha badan yahay?


Radio Jigjiga (Jigjiga) 7-29-2011, Dadweynaha ku nool deegaanka Soomaalida, gaar ahaan, kuwooda degan caasimada Jigjiga, ayaa isku wada raacay, in intii madax, iyo masuuliyiin ka soo noqotay dhulkeena loogu necbaansho badnaa laba nin. Warkii oo Dhan
taalada Sayidka
W
aa maxay sababta guriga shirarka ee magaalada Jigjiga loogu magac daray Sayid Maxamed Cabdulle Xasan?


Radio Jigjiga (Jigjiga) 8-5-2011, Waxaa maalmihii la soo dhaafay ay dood weyni ka taagneyd sababta aqalka shirarka ee magaalada Jigjiga loogu magac daray Sayidka. Warkii oo Dhan
 
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2000-2011 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.