
 Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.
| Maxaa keenay safarka degdega ah ee uu Cabdi Iley ku tagey degmooyinka gobolka Dhagaxbuur?
Radio Jigjiga (Jigjiga) Safararka aan horey loo sii shaacin ee uu madaxweynaha deegaanku ku tagey degmooyinka gobolka Dhagaxbuur ee ay degaan jilibada reer Isaaq ayaa shaki, iyo hadal hayn badan keenay. Waxyaabaha ugu waaweyn ee magaalada Jigjiga laysla dhexmarayo ayaa waxaa ka mid ah in wada hadalada la shaaciyey ee u dhaxeeya dawlada Itoobiya, iyo ururka onlf, ay walaac, iyo niyad-jab weyn u keentay madaxweynaha deegaanka, iyo taageerayaashiisa ku sugan gudaha Itoobiya gaar ahaan, magaalada Jigjiga.
Hadaba si aanu arintan wax uga ogaano baanu la xidhiiidhney dad siyaasiin ah aadna ula u socda arimaha deegaanka, waxyaabaha ay noo sheegeen siyaasiyiintan ayaa waxaa ka mid ah, in madaxweynaha deegaanka Cabdi Iley, uu aad uga xumaaday kadib markii uu ka war helay in wada hadalaasi jiraan, balse isaga si naxariis daro ah looga qariyey Arintan ayaa keentay, inuu aragagaxo, dabadeedna uu safar degdeg ah ku tago degmooyinka ay degaan, beelaha uu horay aanada weyn uga galay ee reer Dhagaxbuur. Waxyaabaha nala soo gaadhsiiyey ayaa waxaa ka mid ah; inuusan safirkiisu wax shaqo ah, haba yaraatee ku lahayn, ka shaqeynta nabad galyada, ama horumarka deegaanka, balse uu degmooyinkaas u tagey inuu iska soo laaluusho beelahaas, isla markaana ka dhaadhiciyo ineysan wax nabad la yidhaahdo qaadanin.
 Sidoo kale ayaa nala soo gaadhsiiyey inuu isku dayayo siduu lacag badan oo laaluusha u gaadhsiin lahaa dablay hubaysan kana tirsan ururka onlf, oo ku sugan deegaanadaas, si hadii ay suuragsho ay uga hor yimaadaan madaxda sare ee olnf, waa macnaha hadiiba heshiis nabadgalyo ahi dhaco, taasoo isaga Cabdi Iley ah u suuragalin karta, inuu xukunka deegaanka sii joogo.
Lumidii uu wasiirnimada lumiyey C/raxmaan Guray oo lagu xidhiidhiyey cabsi uu Cabdi Iley ka qabay isla Guray
C/raxmaan Guray oo ka mid ahaa labada wasiir ee qawmiyada Soomaalida Itboobiya u matala dawlada dhexe, ayaa la rumaysan yahay, in ilaa, iyo maalintii Guray loo magacaabay xilkaas uu Cabdi Iley, il libaax iskaga dhawrayey, sababo dhawr ah darteed, kuwaas oo ay ka mid tahay, xidhiidh aad u sokeeya oo C/raxmaan Guray, iyo C/fataax Sheekh la lahaayeen ra'iisul wasaaraha dawlada Itoobiya Melse Zenawi, siiba waxaa jirtay in Melse Zenawi dhawr goobood ku amaanay C/raxamaan Guray, arintan ayaa walaac, iyo nasasho la'aan u keentay, taasoo wuxuu daba guraba uu Cabdi Iley aakhirkii ku guulaystay, inuu C/raxmaan Guray, Jigjiga ku soo celiyo, kana dhigo nin la hayste ah oo uusan cabsi dambe uga qabin in kursiga looga qaado.
Waxaa kaloo jirta, in la sheego in, dhawr jeer Melse Zenawi lagula taliyey inuu shaqsi u dhashay beesha reer Isaaq u dhiibo xilka madaxweynaha deegaanka, si arintaasi wax uga qabato taageerada ay beeshani u hayn jirtay ururka onlf, balse inta badan uu Cabdi Iley sheegan jiray, maadaama uu isaguba ka yimid degmada Dhagaxbuur, aan loo baahnayn shaqsi kale, laakiin taniyo intuu C/raxmaan Guray soo galay masraxa siyaasada deegaanka, uu had, iyo jeer walaac siyaasadeed ku hayey Cabdi Iley.
Ugu dambeyn waxaa iska cad, in safarka Cabdi Iley, uu ku tagey degmooyinka gobolka Dhagaxbuur, uu ka mid noqon doono, dhibaato ka mid ah, waxyaabaha laga yaabo in xukunka deegaanka looga qaado, sababtoo ah, daacad darada uu ku kacay darteed, taasuu uu markale, dantiisa gaar ahaaneed, ee ah xukun jacaylka, ka hor marinayo dantii guud ee shacabka, iyo in dalka deegaanka Soomaalidu helo nabad galyo buuxda, Cabdi Iley waa carqalada ugu weyn ee hor tagaan, in deegaanka ka dhalato nabad waarta, iyo horumar la helo.
Akhri: Xadhiga Suldaan Fawsi Maxamed Cali Cabdi, iyo Ibrahim Xaad, oo lagu xidhiidhiyey cuqdad gooni oo Cabdi Iley u qabo beelaha reer Dhagaxbuur
Wararka RJ, maahan kuwo la yareysan karo, xasuuusta oo kaliya, sidaanu uga hadli jirney, DR. Suldaan Wali, & sidey ku dhamaatay!
(Happy New Year)
-fashilaadiinaa kobteedii, haka sii socota, intii nala soo shaqeysana sanadkii 2011kii, wey mahadsan yihiin, lana socda saaxiibadanada waanu xafidnaa, oo aad u dhawraa-!
| | 
 Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar
 Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
 |