Maxaa ka jira wararka sheegaya in ururka ONLF, dabley ka socota magaalada Jigjiga soo gashay
Warar aad loogu kalsoonaan karo, soona gaadhay warsidahan Radio Jigjiga, ayaa sheegaya in garabka nabada diidey ee ururka onlf, ay dabley si qarsoodi u soo galiyeen caasimada dawlada deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Jigjiga.
Inta badan ayaa dadka kala socda wararka deegaanka, warsidahan Radio Jigjiga, ay uga barteen warar, sal, iyo raad leh. Hadaba warkan oo na soo gaadhay dhawr maalmood ka hor, ayaanu aad uga caga jiidaynay soo tabintiisa, waayo wax dadka badankiisa ku weyn weeye, dhicida arintan, balse markaanu sii daba galnay, baanu ugu yaraan xaqiiqsaney in wax ka jiraan. Warka ayaa intaa ku daraya in laga yaabo, iney garabka nabada diidey raadinayaan, sidey aargoosi uga geysan lahaayeen, hawlgalkii ciidamada Liyuu Boolisku ku soo furteen labadii wariye ee Swedish-ka ahaa, todobaad ka hor. Dadka qaarna waxayba ku sheegeen, inuu garabkani doonayo iney muujiyaan inaan wax garab ahi, haba yaraatee ka bixin ee ay wali yihiin urur xoog leh.
Sidey tahayba waxaa hada iska cad in ururka onlf, ay baryahan dambe hawlgaladoodu aad u badan yahay sababta ugu wacanba, waxaase jira arimo dhawr ah oo la odhan karo, wey ku tacaluqaan dardartan cusub ee ururkani la yimid, waxyaabahaa waxaa ka mid ah, dadka aan markii hore lagu sheegi karin shacabka xidhiidhka hoose la wadaaga ururkan, oo colaadii ay u qabeen ka yaraatay, dadkani waa beelaha aan beesha Ogaadeen ku abtirsanin. Dadkan oo deegaan ahaan aad uga durugsan deegaanada ay caadi ahaan ururkani ka hawlgali jireen, ayaa hase ahaatee xidhiidhka qalooca ee ay wakhtiga hada ah la leeyihiin madaxweynaha deegaanka sabab looga dhigaa ineysan sidii hore u danayn la colaytanka onlf.
Tusaale ahaan waxaa la sheegaa in hadii ay arkaan, amaba la kulmaan xubno ka tirsan ururkan, aysan wax warbixin ah ka sheegin, amaa wax dagaal ah kala hortagin, halkay waayadii hore u arki jireen urur iyaga la col ah.
Hadaba haday arintan ay xubnahan, ama dablayda onlf magaalada gudaheeda soo galeen dhab tahay, xagaldaaco xulus ayaa ku dhacday qorshihii nabada ee madaxweynuhu waday, madaxweyanha oo isagu kusoo caanbaxay inuu onlf kula dagaalamo koonfurta deegaanka Soomaalida, ama sida loo yaqaan Ogadeeniya, ayey hadase suuragal tahay, in afaafka gurigiisa xabadu ugu timaado, waa sida ay reer Jigjiga ku sheekaystaane, iyagoo intaa raaciya, haday dhacdo arintani, ayeysan madaxweynaha, iyo kooxdiisa Jigjiga joogta laga daafici doonin wixii dhib ah ee ku yimaada. Ugu dambeyn madaxweyne Cabdi Iley, oo isagu ku faani jirey inuu garabka nabada ogol ee onlf yahay, ayey hase yeeshee dadka reer Jigjiga, iyo reer Shiniile u arkeenba inuu isagu uga daran yahay garabka uu dadweynahan ku cabsdi galin jirey, taasoo keentay, iney dadkani isla dhexmaraan hadalka ah, maxaan laba nin oo walaalo ah, midna u caayi, midna u amaani. iyo war malaha ninku (madaxweynaha) isagaaba garabka xun ee onlf ah.
Radio Jigjiga (Jigjiga) 8-5-2011, Waxaa maalmihii la soo dhaafay ay dood weyni ka taagneyd sababta aqalka shirarka ee magaalada Jigjiga loogu magac daray Sayidka. Warkii oo Dhan