
 Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.
| Magaalada Jigjiga oo ay markale bililiqo tii ugu xumayd lagu bilaabay, iyo waxgaradkii beesha jidwaaq oo noqday...
Radio Jigjiga (Jigjiga) Magaalada Jigjiga, iyo dhulkii ku hareeraysnaa oo bililiqo, iyo boobkii ugu xumaa ee abad soo mara ku bilawday. Bililiqadii ugu xumayd ee abidkeed lagula kaco magaalada Jigjiga ayaa hada si waalan u socota, waxaa kaloo jira in waxgaradkii, iyo dadkii arintan ka hadli lahaa ee beesha Jidwaaq ay u kala baxeen kuwo cabsi, iyo fulaynimo darteed sariiraha hoos galay, kuwo Cabdi Iley tolkooda uga soo basaasa, iyo waa kuwa ugu xun ee loo yaqaano qurbajoogta oo shukad, iyo maro madow xidhay sidii dumarka, kuwan bahda dilani, waxaa yaab leh, in iyagoo Minneapolis jooga ay noo soo sheegaan iney Hindiya jogaan!. Waryaada Radio Jigjiga, Cabdi Iley ma laha, ee RJ waxaa leh, nin eebe bahdil ka koriyey.
 Horaa loo yidhi "wiil galbeed ku dhashay, waxaa dhaanta nirig gaaroodi ku dhalataye" beeshii dhamayd ee Jidwaaq, ayaa noqday kuwa lagaga maadeysto dadnimo xumada haysata majlisyada lagu kulmo ee deegaanka, gaar ahaan magaalada Jigjiga. Beeshan oo dhab ahaantii ah, tan kaliya ee kan dhexe u qaban lahayd ratiga qooqan, ee loo yaqaan Cabdi Iley. Cabdi Iley, baa la sheegaa inuu tolkii ugu faano siduu maata caano leh uga dhigey, reerkay beeshiisu cabsida weyn ka qabeen sanado badan, sidoo kale ayuu ugu hanjabaa beelaha kale ee aan Absamaha ahayn, inuu casharkuu u dhigey beesha jidwaaq oo kale u dhigi doono beeshii aan kabahiisa qaadin!.
Tusaale ahaan, ayaa waxaa dhacday todobaadkii tagey inuu dhalinyaro yar yar u diray degmada Raaso, iyo beesha Sheekhaash guud ahaan, taasoo lagula kacay bahdilkii ugu foosha xumaa, bahdilkan ayaa waxaa ka mid ahaa in beeshan waxgaradkeedii lagu amray iney sidii Quraanka oo kale u xafidaan dastuurka dalka Itoobiya, Jigjigase looga yaqaan "dastuurka Iley" waayo runtii dastuurkani kii dawlada dhexe maba ahan ee waa sharci ku sheeg uu kabtan Iley Jigjiga ku samaystay, kaasoo ay ka mid yihiin, in madaxweynaha deegaanku had, iyo jeer ka yimaado beesha Iley, in degmo walba oo deegaanka ka mid ah, ay beesha ninka waalani xukunto! iwm.
Hadaba aan u soo noqono ujeedada qoraalkee, halkan hoose ka akhri boobka, iyo bililiqada ka bilaabatay degmada Jigjiga, iyo magaaladaba.
 1; Dugsiga Wilwaal ee qadimiga ah ee kuyala wadnaha magalada Jigjiga, waxaa loo saxiixay nin ka mid ah qaraabada awrka qooqan, waxaana nagu maqaalo ah in dhawaan magaca Wiilwaal laga badali doono, tolow waa su'aale maxaa loo bixin doonaa? 2; Maxkamadii gobolka Jigjiga iyada oo lagu warejiyey ninkii ugu musuqa badna waa shirkada Rabaax ee Jigjiga ka hawl gasha 3;Waxaa ka mid ah dhinaca Seerbi oo ay qaraabadiisu xoog iskaga dageen 4;garoonkii hore ee diyaaradaha, horeyna uu jagadii wasiirnimada ugu waayey Cumar Xaaji, waa yaabe oo isna dhac, iyo boob cad looga qaaday beesha Yabaree! 5;Waxaa ka mid ah xafiiskii hore ee ganacsiga oo haweynayda Xawo Faruura boob ku dhisatay.
Ugu dambayn Radio jigjiga, ayaa markale fashilay beentii cabdi Iley uu dunida u sheegayey, taasoo isagoo Addis ku xaniban, isla markaana maxbuus ah, uu misana sheegto inuu caro Ogaadeen booqasho ku marayo.
| | 
 Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar
 Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
 |