Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News
Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

Magaalada Jigjiga, oo nabad galya daradu ku soo badanayso, iyo Cabdi Iley, oo dhibaatooyin hor lihi ku bilawdeen

Radio Jigjiga (Jigjiga) Nabad galyadii, iyo xasiloonidii ayaa magaalada Jigjiga si weyn u sii xumaanaysa, goobihii ganacsiga ayaa inta badan la xidhaa casar gaaban, dhinac kasta oo laga fiiriyo, ayaa aad ku arkaysaa, in nabadii faraha ka sii baxayso.Jigjiga
Dadweynihii magaalada ayaa isla dhexmaraya, in nabad galyada faraha ka sii baxaysa uu Cabdi Iley naftigiisu masuul ka yahay, waayo waxaa la rumaysan yahay in kadib markii bil ka hor, suuqa la soo galiyey, in Cabdi Iley dhabarka laga taabtay, uu isna ha'yadihii nabad galyada, u sheegay ineysan waxba nabada ka qabanin, isla markaana hadiiba loo baahdo, ay gacan ku siiyaan cid alla, cidii wax u dhimaysa xasiloonida.

Hadaba arintan nabad galyo darada ayaa lagu xidhiidhiyey, lalmashada, marwalba ku timaada Cabdi Iley, taasoo keentay inuu kalsooni daro, iyo shakiba ka qaado inuu isagu wali yahay, madaxweynaha deegaanka, iyo inkale,
Arintaa shaki nafsiga ah, ayaa keentay in horumarkii, iyo waxqabadkii deegaanku dhulka ka kici waayo sadexdii bilood ee la soo dhaafay. Inkasta oo isqabqabsigii, ay dawlada deegaanku caanka ku ahayd meesha ka baxday, oo Cabdi Iley, kaligii Jigjiga ka noqday atooraha meesha kala wada, hadana waxba kuma soo kordhin guud ahaan hanaanka nabadeed, iyo horumarineed.

Dhibaato hor leh, oo Cabdi Iley ku timid

Dhinaca kale, waxaa kaloo warku intaa ku darayaa, in qaraabadii, iyo eheladii Cabdi Iley, ay afarta dacal ee dunida u kala baxsadeen, dhacdadan cusubna, dhibaatooyin hor leh, ayey ku soo kordhisay isaga shaqsiyan, madaxweynanimada Cabdi Iley, oo dhawr jeer qar ka laalsamay, faro cididoodna uga baxsaday inuu khadka ka baxo.
Arintan, baa la rumaysan yahay, iney shaki weyn ku abuurtay dhinaca dawlada dhexe, taasoo looba arkay, inaan Cabdi Iley, la aamini karin, maadaama ay eheladiisii, iyo haweenkiisii dibadaha u kala baxsadeen,
Sidoo kale, waxaa shaki badan abuuray, boobka, iyo dhaca ay ku kacayaan, iyana saaxiibada Cabdi Iley, waxaana dadku sheegaan, in mashaariic horumarineed oo degmooyin kale, loogu tala galay markii hore, loo wareejiyey dhinaca degmadan cusub ee Marsin, degmadan ayaa ah meel aan wax hurumar ahi horey uga jirin, ayna tahay in wax walba sagxada laga soo bilaabo, balse waxay dad badani is weydiinayaan, wakhtigan hada ah deegaanku awoodeeda dhaqaale ma leeyahay fulinta arintan?.

-la soco wararka dambe-


 

 
radio on Facebook

beesha xasan Cismaan
Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar

video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.