
 Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.
| Magaalada Jigjiga, iyo nawaaxigeeda oo biyo la'aan aad u darani la soo daristay
Radio Jigjiga (Jigjiga) January-05-2012, Mgaalada caasimada ah ee Jigjiga, iyo deegaanka ka agdhow, ayaa ay biyo la;aan, iyo haraad aad u baahsan, oo aysan gobolada kale ee deegaanku la qabin ay la soo darsay. Biyo la'aantan oo si ba'an u saameysay meeliba meeshay dhinaca magaalada Jigjiga ka sii xigto, ayaa shacab weyne aad i tiro badan dhibaato ku haysa. Magaalada oo ay tirada dadka degan, iyo adeegyada ay dawlada deegaanku bixiso, farqi weyni ku kala dhex jiro, taasoo markii ugu horeysay, dabaqado kala sareeya (cast system) ay magaalada ka dhalatay, markii ugu horeysay, ilaa, iyo inta la xusuusto.
 Arintan biyo la'aanta ayey dad badan oo ka mid ah shacabka degan magaaladu ku eedaynayaan dawlada deegaanka, waayo bey leeyihiin dawlada deegaanka oo hada qalabka, iyo riigaga ceelasha qoda aad u haysta, ayey hase yeeshee aysan dawlada, iyo madaxduba wax masuul ah iska saarin dhibaatada biyo la'aanta ee magaalada ka jirta.
Dad kale ayaa ku sheekaysta in dawlada deegaanku awood u leedahay in si fiican biyaha looga haqab tiro shacabka magaalada, iyo gobolada kaleba, balse ay arintan ka dambeyso siyaasad uu madaxweynaha deegaanka maftiisu wato taasoo ah, ciqaabid uu ku ciqaabayo dadweynaha gobolka Jigjiga, iyo gobolada kaleba, maadaama uu ku sheego dad aan isaga si weyn ugu nacamleyn!. Sidoo kale, ayaa isla madaxweynaha lagu eedeeyaa inuu labadii bilood ee la soo dhaafay siyaasadiisii qaybi oo xukunka ahayd uu sii laban laabay, taasoo uu iska dhigayo sidii nin daacad u ah gobolada ay beesha Ogaadeenku degan yihiin, daacadnimadaana uu ku muujiyo, inuu ceelal badan si qabiileysi ah, iyo ayaa i amaana uu ku qodo, balse nasiib daro uu ilaabay inuu magaaladuu isaguba ku noolaa, ka hagrado inuu xataa hal ceel u qodo. Dhinaca kale, waxaa isla madaxweynaha lagu eedeeyaa inuu doonayo inuu kasbasho, iyo is jeclaysiin been abuur ah, misana aan isaga qalbiga kaga jirin, uu ka dhex wado beelahaas Ogaadeenka u badan, maadaama uu iyaga horey godobo uga galay, kaba sii darane uu godobahaas uga baxayo, godob kale oo uu beelo kale ka galo, taasoo ah inuu xaqoodii ku dhiig baxo, amaba qaab magdhow ah u bixiyo.
Waxaan shaki ku jirin, in eexashada uu madaxweynuhu wado, ay tahay cadaalad daro, caqli xumo, iyo masuuliyad daro tii ugu weynayd. Sida lala wada socdo marka Cabdi Iley ay ka calaacalaan beelo, aan ahayn beeshiisa ahayn, waxba kama soo qaado, inta badana wuxuuba u arkaa, ama ku faanaa ineyba isaga darajo u tahay, cadaalad darada uu kula kaco beelaha kale, iyo inuu magac ku helayo, haraad ku dilida dad shacab masaakiin ah oo aan wax dambi ah cidna ka gelin, ee waxa kaliya ee oonka loogu dilay ay tahay oo qudha "ila beel maahan", gobolka Shiniile ayaa ka mid ah gobolada baahida biyo la'aantu ka jirto, waxaa kaloo biyo la'aani ka jirtaa deegaanada Wardheer, iyo Afdheer.
| | 
 Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar
 Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
 |