Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News
Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

Madaxweynihii hore ee deegaanka C/Laahi Xasan Maxamed oo Dawlada dhexe ka codsaday in dib loo baadho qarixii maalinta Ginbood

Radio Jigjiga (Jigjiga)  Madaxweynihii hore ee deegaanka C/Laahi Xasan (Lugbuur) ayaa warqad dacwo ah u gudbiyey dawlada Federalka Itboobiya, warqadan dacwada ah, ayaa ku saabsanayd, qaraxii hada ka hor isaga magaalada Jigjiga lagula beegtay, qaraxan ayaa dhacay, maalin loo dabaal dagayey maalinta la yidhaahdo Ginbood.
C/Laahi xasanCabdi Iley
Hadaba qaraxan ayaa lagu tilmaamaa in ujeedada loo riday ay ahayd, in lagu khaarijiyo madaxweynihii hore ee deegaanka C/Laahi Xasan.
Qoraalkan dacwada ah ayuu C/Laahi Xasan ku sheegay inuu hada si dhab ah u rumaysan yahay, inuu qaraxaas ku lug lahaa, amaba uu isagu si buuxda uga dambeeyey madaxweynaha wakhtigan talada deegaanka haya, Cabdi Maxamuud Cumar.
Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa wakhtigaas qaraxaa isku da'yga dilka ahi dhacay, balse dhisoobay (failed assignation attempt)  ahaa gudoomiyaha ha'yada awooda badan ee hogaanka nabad galayada ee deegaanka.

Inkasta oo aanaan helin arintan oo faahfaahsan, hadana sida warku nagu soo gaadhay, Cabdi Iley, ayaa baryahan dambe colaad u hayey madaxweynihii hore ee C/Laahi Xasan, sida lawada ogsoon yahayna waxaa jirta in bogga CakaaraNews lagu soo qoray, in nin ganacsatada deegaanka ka tirsan, iyo Lugbuur ay colaadi xumi dhex taalo, sida dhabtu tahayse, waxay ahayd caga juglayn, iyo hanjabaad uu Cabdi Iley khadka Internetka ee CakaaraNews u soo marinayey C/Laahi Xasan, ujeedaduna ahayd inuusan ka hadal wixii dhacay maalintii Ginbood. 

Baadhis suxufinimo oo ku saabsan qaraxa, iyo cadaymo muhiim ah (journalism investigation, and evidence about that event) 

Aynu dib ugu noqono, warqadii dacwada ahayd ee C/Laahi Xasan u qoray dawlada dhexe, ayaa waxaa ka mid ahaa, waxyaabaha cadaymaha ah, ee uu u cuskanayey in isku da'ygaas dhicisoobay, kuna tacaluqa Cabdi Iley, ay ka mid tahay, in goobtii xaflada dabaal dagu ka socday, ee qaraxuna ka dhacay, ay labada masuul ee wakhtigaas dawlada ugu sareyey ay is garab fadhiyeen, iyadoo gudoomiyaha hogaanka nabad galyada ee wakhtigaas waa Cabdi Ileye, uu markaas C/laahi Xasan garab fadhiyey, isagoo dhinaca midigta ah ka fadhiyey.
Radio Jigjiga investigation
Qaraxa wuu la socday Cabdi Iley, isla markaana wuu ka warqabay inuu dhacayo!

Waxay xafladii, iyo dabaal dagii socdaba waxaa dhacday, in laba ilaa sadex daqiiqo ka hor intuusan qaraxu dhicin, Cabdi Iley telefoon loo soo diray, ka dibna uu sidaa madaxweyne  C/Laahi xasan uga cudur daartay, in xaga magaalada Dhagaxbuur laga soo wacay, ayna tahay arin nabad galyada ku saabsan, sidaasna uu goobtii C/Laahi Xasan fadhieye uga tagay.

Waase yaabe waxaa dhacday in mudo sadex daqiiqo gudaheed, kicidiisii ka dib, ay goobtu xafladu ka socotay, isku badashay xaruun dagaal, waxaa qarax bambaano ah lala beegsaday C/Laahi Xasan, intuu qaraxu socdayna waxaa iyana jirta in goobta ay xabado badani ka dhaceen, dad badana waxayba rumaysan yihiin, in nin ka mid ah ilaalada markaas ilaalinaysan Cabdi Iley uu isagu xabadaha riday.
Si kastaba ha noqotee, C/laahi Xasan halkaas laguma dilin, ee wuu ka badbaaday, laakiin waxaa yaableh, in ninkaas markaa ilaalada cabdi Iley ka tirsanaa ee lagu tuhmayey inuu rasaasta ku furay C/laahi Xasan, iyana waa yaabe, magaalada jigjiga lagu dilay, isagoo la sheegay inuu baabuur ka dhacay!.

Sidii caadada ahaydna waxaa qaraxaas lagu eedeyey ururka onlf, bal halkan ka akhri qoraalka cadaymaha ah, misana muujinaya siduu Cabdi Iley ugu shaqeysto ururka onlf, naftigooda, iyo sida hada ka hor Jigjiga looga qabtay nin wata walxaha qarxa, dadweynahana loo sheegay inuu damacsanaa inuu magaalada Jigjiga qarax ka geysto, balse markii dambe, uu Cabdi Iley ninkii kaxaystay, isla markaana, mar dambe la xaqiijiyey, inuu ninkaasi hada ku nool yahay deegaanka beesha Cabdi Iley degto.

Sidoo kale ayaa waxaa dhacday in todoba qof, oo intooda badan aan magacyadooda dadka loo sheegin la soo qabtay, laguna soo eedeeyey iney qaraxaas geysteen.
Sida CakaaraNews lagu soo qorayna, (hadii CakaaraNews laga saaro halkan ka akhri) maxkamada deegaanka ayaa dadkaas dambigii ku heshay, isla markaana dil ku xukuntay, lana socda dalka Itoobiya sharci ahaan malaha ciqaabta dilka ah (death penalty) laakiin dadkaas xukunkoodu dhac, haday dambigaas galeen, iyo hadii kaleba, dhinaca kale maxkamadii wax cadaymo ah oo ku saabsan dambiga dadkaasi galeen haba yaraatee lama keenin, ee waxaa la sheegaa in Cabdi Iley, uu isagu si gaar ah amar ugu bixiyey go'aan ka gaadhida dhibanayaashaas.

Ugu dambayn arintan wali waa la baadhi karaa, waana la cadayn karaa, waayo shirkada telefoonada gacanta ee deegaanka, dawlada deegaanku ma xukunto ee waxaa iska leh shirkada telefoonada ee dawlada dhexe (Ethiopian telecom) inta badana shirkadani waxay haysaa rikoodhka telefoonada laysku diro ee dhamaan dalka Itoobiya, markaa waxaa la soo saari karaa shaqsiga uu Cabdi Iley sheegtay inuu magaalada Dhagaxbuur ka soo wacay, wakhtiga qaraxu dhacayey iyo sidey wax u jiraanba.















 

 
radio on Facebook

beesha xasan Cismaan
Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar

video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.