
 Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.
| Madaxweynihii deegaanka oo dhibaatooyin hor lihi ku yimaadeen, isla markaana dhinaca Addis Ababa looga yeedhay
Radio Jigjiga (Addis Ababa) January-03-2012, Madaxweynihii deegaanka Cabdi Iley, ayey markale, dhibaatooyin badani ku yimaadeen, isagoo la sheegayo in si degdeg ah xaga Addis, looga yeedhay. Warkan oo si degdeg ah, nooga soo gaadhay dhinaca magaalada Jigjiga, ayaa sheegaya in markale, madaxweyne Cabdi Iley, lagu soo eedeeyey musuq-maasuq, iyo lacago badan oo khasnadii dawlada deegaanka laga waayey, lacagtan oo la sheegayo iney tahay, mid aad u badan, ayaa laga waayey dhamaan khasnadihii dawlada deegaanka, gaar ahaan khasnada xafiiska wasaarada maaliyada, lacagtan ayaa iskugu jirtay, mid uu soo xareeyey xafiiska dakhliga, ama canshuuraha, sidoo kale, waxaa kaloo maqan hanti badan oo dawlada federal-ku ugu tala gashay hawlaha horumarka, siiba barnaamijyada caafimaadka, iyo talaalka caruurta.
 Sida lala wada socdo, Cabdi Iley, ayey qiimeyn aad u culusi ku socotay, sadexdii bilood ee la soo dhaafay, taasoo keentay in had, iyo jeer looga yeedho xaga magaalada Addis Ababa, balse wali ma kala cada, in socodkiisan uu hada ugu kicitimay dhinaca Addis, ay qayb ka tahay eedaymahan cusub ee ku wajahan lacagtan laga la'yahay khasnadaha dawlada deegaanka. Dad badan oo ku kala nool, dibada, iyo gudaha ayaa si weyn u rumaysan inuu Cabdi Iley baxsad yahay, maadaama sida laysla dhex marayo ay xaasaskiisii, iyo qaarabadiisii aadka ugu dhawaa, dibadaha u kala baxsadeen, siiba dhinaca wadamada Maraykanka, iyo Jarmalka.
Sida lagu soo qoray bogga Kilil5, warbixin aad qiimo badan u leh, isla markaana xogogaal ah , ayaa lagu sheegey in madaxweynaha looga raadinayo guri uu iibsado, magaalooyin ka mid ah, magaalooyinka waaweyn ee dalkan Maraykanka, arintan ayaa runtii waji gabax, iyo fashilaad ku ah Cabdi Iley, oo baryahanba shaki weyn looga qabay inuu hantidii deegaanka dhac, iyo boob kula kacay, isagoo walibana qaraabadisii u fasaxay iney hantidii dadweynaha ee deegaanka sidey doonaan u dhacaan, amaba ugu tagri falaan. Si kastaba ha noqotee, maalmo ka hor ayuun bey ahayd, markii isla madaxweynaha lagu xidhiiyey nin qurba jooga deegaanka ka mid ah, oo hotel ka dhisanaya magaalada Jigjiga, balse isla nin xogogaal ahi uu soo fashilay, isagoo sheegeyba in Hotelka uu sida dhabta ah dhisanayo isla madaxweyne Cabdi Iley naftiisa, isagoo magaca ninkaas qurba joogaha ah si musuq-maasuqa u adeegsanaya. Arintan oo buuq, iyo muran weyn ay ka dhalatay, ayaa fadeexayn kale ku noqotay Cabdi Iley.
Ugu dambeyn, hadii sida la sheegayo ee ah, in madaxweynaha xaga Addis Abaa looga yeedhay, isagoo lagu eedynayo arimahan cusub ee dhinaca musuq-maasuqa ah, waxaan shaki ku jirin, iney tahay dhibaato hor leh, oo ku timid, maamul ahaan, iyo shaqsi ahaanba. Dhinaca kale, falaadhihii badnaa ee uu Cabdi Iley kor u tuurayey, ayey u badan tahay iney mid ka mid ahi isaga dhabarka kaga dhacdo.
-la soco wararka dambe-
| | 
 Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar
 Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
 |