Madaxweyne Sh. Shariif oo ku fashilmay ka horimaadkiisi hawl galka dawlada kenya
Madaxweynaha dalka Somalia, Sh. Shariif, ayaa si weyn ugu fashilmay, hadaliisii uu warbaahinada caalamiga ah ka jeediyey, taasoo uu cambaareeyey, hawl galka ay dawlada Kenya, ka wado gobolada koonfureed ee dalkaas. Madaxweyne Shariif, ayaa u ekaa inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta Soomaaliya, taasoo ah, in hadii ciidamo shisheeye aan dalkaas la keenin, aysan marnaba nabad buuxda ka dhalaneyn.
Hadaba waxaa, wax lala yaabo noqotay, Sheekh Shariif, oo lawada ogyahay iney ciidamada darisku yihiin, kuwa u suura galiyey, inuu madaxweyna-nimada Soomaaliya sheegto, isla markaana uu nabad ku joogo magaalada Muqdisho, inuu hadana waji kale la yimaado.
Dadweynaha gobolada Jubooyinka, ayaa si weyn uga biyo diiday, hadalkii Shariif, ee uu ku cataatabay, inuu diidan yahay hawl galnada ciidamada Kenya, iyo gargaarka ay u fidiyeen, dawlad goboleedka Azania. Shacab weynahan oo aan u kala hadhin, madax, shacab, iyo hogaamiye dhaqameedyo, ayaa iyana dhinacooda ka cambaareeyey, hadalkaas Shariifku ku hadlay. dadweynahan ayaa isku soo bax ka dhigey, dhamaan magaalooyinka ay dawlad goboleedka Azania, gacanta ku hayso, sida magaalada xadka ku taala ee Dhoobley.
War aanu ka soo xiganey associated press (AP), ayaa lagu sheegay in; dawlada Maraykanka, iyo ururka midowga Yurub, ay si weyn u dhaliileen, hadalkaas madaxweynaha, sida warka lagu sheegayna, waxay sheegeen, iney garab taagan yihiin, go'aankii ay dawlada Kenya ku gashay, gudaha Soomaaliya.
Wali ma kala cada, waxa ku xambaaray, Sheekh Shariif, inuu doonista shacabka gobolada Jubooyinka ka hor yimaado. Dad badan, ayaa rumaysan in madaxweynaha hanjabaadi uga timid, dhinaca ururka al Shabaab, halka ay dad kale, sheegayaan, in madaxweynaha ay cabsi dhinaca siyaasada ahi la soo daristay, waayo waxaa suuragal ah, in hadii Shabaabka laga saaro gobolada Jubooyinka, uu markaas isaga naftigiisu noqon doono, madaxweyne magac u yaal ah. Balse sida xaqiiqdu tahay, sharaf, iyo magac ayey isaga u noqon, haday dadkaas shacabka ahi guuleystaan, waase haduu sidaa u arko.
Sheekh Shariif, oo inta badan aan taageeeri jirin, maamul goboleedyada ay Soomaalidu samaysato, ayuu misana maamulka Azania, walaac hor leh ku abuuray, sidoo kale waxaa suuragal ah, inuu madaxweyne Shariif, ku xidhan yahay, beelo Soomaaliyeed, oo aan ku faraxsanayn, maamulka ay beelaha soomaaliyeed ee wada dagaa kaga dhawaaqeen gobolada, labada Jubba, iyo Gedo. Maamulkan oo dhab ahaantii la odhan waa, maamulka ugu cadaalada, iyo sinaan wax kuwada qaybsiga ugu dhaw, inta Soomaalidu maamul goboleedyo samaysatay.
Si kastaba ha noqotee, wali madaxweyne Shariif, fursad siyaasadeed buu haystaa, inuu ka noqdo, hadalkiisii, iska hadalka, iyo macano darada ahaa. Haduusan madaxweyne Sheekh Shariif ka noqon, diidmadaas uu kala hor yimid, doonista ay shacabka goboladaasi, doonayaan iney aayahooda ka tashadaan, ha ogaado, inuu dhamaaday wakhtigii shacabka doonistiiisa laga hor iman jiray, ee uu bilawday wakhti cusub, oo codka shacabka la ixtiraamo. Ugu dambeyn; ninka madax ah ee aan ixtiraamin, ama ka dhago adayga, maqalka dadkiisa ha ogaado, in jidkii kaligii taliye Qadaafi, uu wali furan yahay.
|