Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News
Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

Madaxweyne ku xigeenka deegaanka ahna madaxa xafiiska beeraha DR. Suldaan Wali, oo laga yaabo in shaqada laga eryo

Radio Jigjiga (Jigjiga) Madaxweyne ku xigeenka deegaanka ahna madaxa xafiiska beeraha DR. Suldaan Wali, ayaa laysla dhexmarayaa magaalada Jigjiga, in dhawaan dhabarka laga taaban doono.DR. Suldaan
Sida aanu ka soo xiganay dad aad ugu dhuun daloola siyaasada deegaanka oo magaalada Jigjiga ku sugan; ayaa sheegaya, in wasiirka beeraha, isla markaana ka mid ah, sadexda madaxweyne ku xigeen ee dawlada deegaanka laga yaabo in laga qaado dhamaan xilalka uu ka hayo dawlada deegaanka, waxa qiimaynta loogu yeedhay ee uu wado Cabdi Iley, balse sida runta ah, lagu tilmaamay, caga juglayn hor leh oo ku socota madaxda deegaanka, ayey u egtahay in meesha ay ku socoto, seefta, iyo falaadha sida weyn loo sii shaaciyey uu yahay Dr. Wali.

DR. Suldaan Wali oo ka mid ah raga faro ku tiriska ah, misana tacliinta sare leh ee wakhtigan hada ah ku jira dawlada deegaanka, buu Cabdi Iley ulo booc-booc ah ugu tukubayaa.
 
Dhinaca kale, akhbaar cusub oo aanu ka helnay xaga dawlada deegaanka, baa ku waramaya in, Cabdi Iley eedaymo hor leh ka soo gaadheen, fashilaadii lagula kacay safarkii safiirka, arintan ayaa laga yaabaa in markale, isaga Addis looga yeedho.
Sidoo kale, baa loo malaynayaa in waxba kala jecli la'aanta, iyo qar iska sii xoorida xad dhaafka ah ee maalmahan ku soo korodhay Cabdi Iley, ay lug weyn ku leedahay arintii safirka.

Hadaba iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay qiimayni ku socotay, madax xafiisyeedyo dhawr ah, ayaa hase yeesheee culayska ugu weyn la saaray xafiiska beeraha ee uu maamulo DR. Wali.
Xafiiska beeraha oo labadii sano ee ugu dambaysayba uu wax qabadkiisu aad u liitay, ayaase DR. Wali noqday sagaaradii tuuryada la kulantay.

Ma kala cada in Suldaan Wali, markii xafiiskan loo magagacaabayba ay ahayd qayb ka mid ah in isaga lagu wanjalo, waayo intuu xafiiskan joogeyba waa wakhti aad u kooban, oo aan haba yaraatee, madax xafiiseed lagu qiimayn karin, iskaba daa in xilka laga qaadee. Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in natiijada qiimayntan, la soo ban dhigo.


 

 
radio on Facebook

beesha xasan Cismaan
Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar

video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.