Radio Jigjiga (Jigjiga) War aanu ka helnay xafiiska af hayeenka baarlamaanka deeganka Soomaalida, ayaa lagu sheegay in warqad xidhan la soo gaadhsiiyey, xafiiska af hayeenka, baarlamaanka deegaanka mudane Maxamed Rashiid Isaaq, warqadan ayaa sida warku sheegayo, laga soo qoray xafiiska ra'iisul wasaare Malese Zenawi, taasoo lagu cadeeyey in si official ah, ay dawlada dhexe kalsoonidii ay ku qabtay, madaxweynaha hada xukuma deegaanka Soomaalida, lagala noqday. Warqadan oo aan naloo sheegin wakhtiga dhabta ah, ee xafiiska af hayeenka la soo gaadhsiiyey, ayaase sheegaysa, in dawlada dhexe ay labadii bilood ee la soo dhaafayba si weyn u dhaliilsaneyd waxqabadka madaxweyne Cabdi Iley, dhaliilahaas lagu soo eedeeyey ayaa, waxaa ka mid ah, in madaxweynuhu ku guul daraystay, gabi ahaanba hawlihii nabada, iyo xasiloonida deegaanka, taasoo keentay, in nabada galyo daradu cirka isku sii shareerto.
Sidoo kale ayaa madaxweynaha lagu eedeyey in isaga, iyo shaqsiyaad ka tirsan maamulkiisa ay ku kaceen, musuqmaasuqii ugu xumaa ee ka dhaca deegaanka Soomaalida, taniyo intii dhidibada loo taagay, waxaa kaloo lagu eedeeyey maamukiisa in si aan qiyaas lahayn loo dhaco hantida dadweynaha, iyo u qaraabo-kiil lagu sheegay, in madaxweynaha, iyo dadka qaraabadiisa ahi, ay wax walba u maamushaan, sidii barkad biyo ah, oo madaxweynuhu iskii u leeyahay, arin kale balse aan dacwadan ka dhanka ah madaxweynaha lagu soo darin, laakiin jirta, ayaa waxay tahay in uu dhulal badan oo dad shacab ahi lahaa ku qaybiyey qaab sharciga ka horjeeda, oo qabiilaysi ah.
Sidoo kale, ayaa madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar, lagu dhaliilay inuu gabi ahaanba deegaanka ka joojiyey, hawlihii horumarka, hawlahaas oo intuusan isagu madaxweyne noqon, si habsami ah u socday.
Dadka badankiisa, ayaa magaalada jigjiga isla dhexmaraya, in laga yaabo in madaxweynaha la xidho, ka dib marka xilka laga qaado. Dawlada dhexe ee dalka Itoobiya, ayaanba iyadu si toos ah xilka uga qaadin masuulka kililkiisa hadba ugu sareeya, laakiin waxaa inta badan dhacda, in shaqsigaa masuulka ah, hadba raga ku daba jira ee gobolkiisa (Kililkisa) ka tirsan loo daaro nalka cagaaran, taasoo macnaheedu yahay, in hadba sida ay isku afgartaan, madaxda sare ee Kililkaasi, aysan dawlada dhexe haba yaraatee wax ka hor imaad ah sameyn doonin (no objection status).
Ka hor imaad la'aantaa dawlada dhexe, aysan ka hor imanin, sida laga yeelayo, ayuu ugu dambeyn masuulkaasi xilkiisii ku waayaa, marmarna hadii dambiyadiisu badnaayeen, waxay u badan tahay, in xabsiga la dhigo.
Radio Jigjiga (Jigjiga) 8-5-2011, Waxaa maalmihii la soo dhaafay ay dood weyni ka taagneyd sababta aqalka shirarka ee magaalada Jigjiga loogu magac daray Sayidka. Warkii oo Dhan