Radio Jigjiga Home     Ogeysiis
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News

Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

WDr. Axmed Sheekhareysigii uu warsidaha afdheer.com la yeeshay madaxii hore ee xafiiska deegaanka u qaabilsan cilmi baadhista, mudane Dr. Axmed Sheekh, oo loo arkay inuu iftiin ku shiday guud ahaan sida ay dawlada deegaanku u shaqayso
SFree Pressaxaafada xorta ahi saaxiib joogto ah ma leh

al)
Doorashadii Cabdi IleySanad guuradii Koowaad ee madaxweyne-nimada Cabdi Maxamuud Cumar, maxaa khaldamay, maxaase la qabtay (faalo)

 

Madaxweyne Cabdi Iley, oo reer jigjiga  kula kacay waaladii ugu xumayd



Radio Jigjiga (Xaafada 1aad, Jigjiga) 19-6-2011, Madaxdii, iyo saraakiishii maamulka u haysay dhamaan xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Jigjiga, ayuun baa hal mar isbadal aan horey loo shaacin shalay cirka uga soo dhacay.
magaalad-jigjiga
Magaalada Jigjiga oo sida dhabta ah u qalanta in loo sameeyo ugu yaraan shan degmo, hase yeeshee dadka xogogaalka ahi ku sheegaan, in madaxweyne Cabdi Iley hortaagnaa shantii sano ee la soo dhaafay, inkasta oo uusan Cabdi Iley, hal sano wixii ka horeeyey madaxweyne deegaanka ka ahayn, misana waxaa lagu sheegaa inuu amar weyn ku lahaa fulinta, hawlaha dawlada (de facto president) waayo, ninkii Cabdulaahi lugbuur ahaa, intuu talada deegaanka hayey, ayaa isaga lagu sheegaa inuu Cabdi Iley ka hoos guuri jirey, inta badana maamulka isagu hayey, ugu dambayna markuu Daaud xilka qabtay Cabdi Iley, halkii buu ka sii waday, ka hoos guuridii, ilaa markii dambe uu Daauud dhabarka ka taabto, taasina aakhirkii uu sidaa ku noqday maamulaha guud ee deegaanka.

Laakiin horaa loo yidhi Soomaalidu nimaysan aqoon bey soo dhawow tidhaahdaaye, beelaha deegaanku dhamaantood gacmo furan bey ku soo dhaweeyeen Cabdi Iley, markuu madaxweynaha deegaanka noqday, reer jigjigana waxayba ahaayeen kuwa ugu daran soo dhaweyntiisa, malaha reer Jigjiga wadkoodii burburin, lahaa bay soo dhaweysteen!.

Aynu u soo noqono dhinaca warka, magaalada Jigjiga oo ka kooban 10 xaafadood,  ayaa sagaal ka mid ah la badalay, xaafada soo hadhayna masuulkii xukumayey, lama badalin, walina makala cada sababta masuulkan looga reebay kuwii la midka ahaa, isbadalkan cusub ayaa, waxyar uun ka dambeyey, isku shaandhayntii lagu sameyey degmooyinka, isku shaandhayntaas oo buuq badan, iyo sawaxan ka dhashay, dad waxgaradka deegaanka ka tirsana ku tilmaamen, arin ujeedeeyin gaar ah laga, lahaa. (Akhri Maqaalka aanu ka qornay)
Dhinac kasta marka laga fiiriyo arimahan uu madaxweynuhu kula kacayo beelaha deegaanka, ayaa lagu sheegay, arin nin waalan oo kali ahi uu sameyn karo, ee aysan ahayn wax ka suura gala nin masuuliyad madaxweynenimo sheeganaya,, isku soo wada duube malaha madaxweyne Cabdi Iley wuxuu u baahan in maskaxda laga baadho (psychological evulation) si loo baadho inuu wax xukumi karo, iyo inkale, sababtoo ah nin qumani sidan oo kale uma gabood falo, ee waxbuu iskula hadhaa.

Hadaba isbadalkan madaxweyne Cabdi Iley kula kacay degmada, ama magalada Jigjiga, ayaanba sida dhabta ah la odhan karin isbadal, waayo ragii u dhashay deegaanka Jigjiga, haba yaraatee meel loo magacaabay ma jirto, markaa haduu waxani isbadal yahay, maxaa masuuliyiintan meeshoodii ay horey u joogeen laga badalay, loo geyn waayey  xaafadaha magaalooyin kale, ee ragan cusub laga keenay, arintani waa amar ku taaglayn, iyo iska kay celi hadaad xoog leedahay, wax kale maku sheegi kartaan, tolow waa yaabe, maxaa xigi doona? ka guura magaalada Jigjiga iska dheh!.
Sow arintani maahan waxaanu ka hadlaynay, hadaan nahay bahda saadaasha arimaha deegaanka looga dambeeyo, ama Radio Jigjiga, (bal aad u fiiriya cartoon-kan)
Waxaanu mudo soo qoraynay run ma tahay? mise waa been abuur?.

Sawirada (Radio Jigjiga, cartoons) maahan kuwo qosol, iyo maad loogu tala galay, dadka qaarba sidaa ha u arkaane, laakiin waa sawiro ka turjumaya xaqiiqda, iyo waxa maanta ka taagan deegaankeena).

Ugu dambayn, masuuliyiintan cusub ee xaafadaha Jigjiga loo magacaabay iney xukumaan, ayaa waa yaabe, waxay ka soo jeedaan beesha madaxweynaha, xubnaha kalena waxaa loogu tala galay, in xabada, iyo colaada Jidwaaq ka soo socota laysaga dhigo, dhinaca kale Garaad Maxamuud Garaad Dool, ayey dad badan oo ka mid ah dadkuu Garaadka u yahay, ku cambaareeyeen, inuusan ka hadlin, kana damqanin boobka dhaqaale, iyo dhuleed ee lagu hayo beesha Jidwaaq.
Xubnahan beesha Garaadka ka tirsan ayaa ugu baaqaya Garaad Maxamuud, inuu arintan waxka qabto, ama uu si cad u sheego, inuusan waxba ka qaban karin ee ay dadku fasax u yihiin, iney sameeyaan wax alla waxay sharaftoodii kula soo noqon karaan.


  

Hashii garawo
R
adio Jigjiga oo ugu danbeyn soo helay xogta, iyo shaqsiga ka danbeeyey in hasha lagu daro calanka xisbiga, iyo calanka dawlada deegaanka


Radio Jigjiga (Jigjiga)  8-8-2011, Radio Jigjiga oo ugu danbeyn soo helay xogta, iyo shaqsiga ka danbeeyey in hasha lagu daro calanka xisbiga ee deegaan. Warkii oo Dhan
Wakhtiga U Dhiman Cabdi Iley

Waraaqaha Dadweynaha
Sadexdan madaxweyne
A
wood qaybsiga madaxweyne Cabdi Iley, iyo sadexda madaxweyne ku xigeeno oo la shaaciyey


Radio Jigjiga (Jigjiga) Awood qaybsiga, iyo wada maamulka hayadaha dawlada ee madaxweynaha, iyo sadexda madaxweyne ku xigeeno, ayaa markii ugu horeysay la shaciyey. Warkii oo Dhan
 
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2000-2011 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.