Madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamoud Cabaas, falastiin ayaa doonaysa in Jerusalem ay noqoto magaalo madaxdooda
Kumanyaal Falastiiniyiin ayaa ku qabanaya dibad bax Daanta Galbeed si ay u taageeraan codsashada Falastiiniyiinta ay kaga doonayso Qaramada Midoobay inay ku noqoto waddan.
Iskuuladii iyo xafiisyadii dowladda ayaa la xiray si ay dadka u soo baxaan.
Magaalada Ramalah oo ah xarunta dowladda falastiiniyiinta, ayaa dibad baxa laga dhigay si dabaaldeg ah.
Madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamamoud Cabas, ayaa warqada codsashada aqoonsiga Falastiin u gudbin doona Qaramada Midoobay Jimcaha.
Source; BBC Somali - War - Dibad baxyo lagu taageerayo Falastiin






