Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News
Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland oo arin lala yaabey ka codsadey dalka Yemen

Radio Jigjiga (Garoowe) January-10-2012, Madaxweynaha dawlad goboleedka Soomaaliya ee Puntland, Cabdiraxmaan Faroole, ayaa arin si weyn loola yaabey ka codsaday dalka Yemen , arintan ayey dadkii ka war helay ku noqotay wax lala yaabo.
Cabdiraxmaan Faroole, ayaa dalka yemen ka codsadey iney u soo diraan dawlad goboleedka Puntland ee uu isagu xukumo ciidamo, iyo qalab milatry.
Yemen
Sida lagu sheegey warqad uu madaxweyne Faroole u qoray madaxweynaha isaguba meel qaada la'a ee Cali Cabdalla Saalax, madaxweyne faroole ayaa ku yidhi "warqada in qabiiladii Soomaalidu ay kala baxeen isla markaana, uu qabiil kasta soo kaxaystay dawlad uu si gooni ah ula jiro, sidaa darteed uu isaguna dalka Yemen ka codsanayo in ciidamo, iyo qalab milatary loo soo diro, si uga hortago khatar maamulkiisa ku soo socota".
Warqadan ayaa waxaa kaloo warku sheegayaa in si gaar ah looga hadlay shirka beelaha Sool, Sanaag, iyo Cayn uga socda magaalada Taleex, taasoo lagu sheegay in dawlada Itoobiya, ay shirkan wadato, isla markaana uusan madaxweyne Faroole ku faraxsaneyn siduu shirku u socdo.

Waxaa kaloo qoraalada Faroole ka mid ahaa, in beelaha Irirku (Hawiye, iyo Dir) ay wataan dawlada Jabuuti, halka lagu sheegey in beesha Ogaadeena si gaar ah u wadato dawlada Kenya, sidaa darteedna uu dawlad goboleedka Puntland ka baqayo iney taageero la'aan soo baxdo.
Waxaa kaloo ka mid ahaa qoraalada uu madaxweyne Faroole u gudbiyey dawlada Yemen, in maamulka Somaliland-na ku talo jiro inuu ciidamo ka socda dalka Jabuuti ku marti qaado iney yimaadaan qaybaha waqooyi ee Somaliland.

Sidoo kale, ayaa warqadan lagu sheegey in beesha Daarood, dooneyso iney dawlada Yemen ciidamo u soo dirto, si baa la yidhi loo dhawro xidhiidhkii ka dhexayn jirey, deegaanka Puntland, iyo dalka yemen. Sida hadaba ay naso gaadhsiiyeen dadka arintan la socda, dad badan oo ka soo jeeda maamul goboleedka Puntland ayaa ku tilmaamay ujeedo siyaasadeed oo gooni u ah madaxweyne faroole, oo aysan la qabin shacbi weynaha reer Puntland.

Dhinaca kale, waxaa aad looga xumaaday, kadib markii uu isla madaxweyne Faroole, amar ku siiyey ciidamada nabadgalyada ee Puntland, in Soomaalida ka soo jeeda gobolada Koonfureed ee Soomaaliya, laga saaro, ama laga mastaafuriyo maamul goboleedka Puntland, arintan ayaa loo arkay iney tahay naxiis daro lagula kacayo shacabka Soomaaliyeed ee dagaalada, iyo dhibaatooyinka dabiiciga ah waxyeeladu ka soo gaadhay,  kuwaas oo aan wakhtigan hada ah haysanin meel ay nabadgalyo buuxda ka helaan, hadii lagu qasbo in lagu celiyo gobolada Koonfureed ee Soomaaliya, maadaama laga wada dharagsan yahay waxa ka taagaan, koonfurta dalkaasi, oo caasimada Muqdishona ugu horeyso.
Waxaana haboonaan lahayd, in shacabkaas la geeyo meel kale oo ay nabadgalyo ku helaan, amaba loo daayo meesha ay hada ku nool yihiin ee Puntland.



 
 

 
radio on Facebook

beesha xasan Cismaan
Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar

video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.