
 Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.
Bilawgii kacdoonka lagala horjeedo Cabdi Iley, iyo siduu ku bilawday (this is a must read article)
| Madaxweynaha deegaanka oo ka codsadey iney beelaha deegaanka ee isaga, iyo maamulkiisa uu khilaafka darani ka dhex aloosnaa wada heshiiyaan
Radio Jigjiga (Jigjiga) January-28-2012, War deg deg ah oo maanta naga soo gaadhay xaga magaalada Jigjiga ayaa ku waramaya in madaxweynaha deegaanka Cabdi Iley uu ka codsadey beelahii ay khilaafka, iyo muranku ka dhex taagnaa intuu madaxweynaha ahaa bal iney wada heshiiyaan, oo nabadi ka dhex dhalato. Cabdi Iley, oo ilaa, iyo bishii la soo dhaafay u muuqday sidii nin shacabka deegaanka maqlaya, ama ugu yaraan ixtiraamaya fikirkooda, ayaa isbadalo siyaasadeed, horumar dhinaca biyo galinta ah, iyo xilka qaadid madax badan oo aan deegaanka laga jeclayn ka waday ismaamulka dhexdiisa, madaxdan ayaa waxaa ka mid ahaa ninkii sida weyn loo dhibsadey ee Cabdi Bade.
 Balse haday dhab tahay warkan lasoo sheegayo ee ah inuu markii ugu horeysay isku arkay inuu isagu yahay nin dadkiisa ka mid ah, dhaloshana la wadaaga, oo aan xaga Addis oo kaliya laga soo magacaabin, ayaa la odhan karaa waa talaabo geesimo, iyo ugu yaraan arin dhaxalgal ah, waxaa kaloo iyana meesha ku jirta, ineysan arintani xagiisa ka ahayn oo kaliya sideed bilo kale kursiga Jigjiga ku sii fadhidaa, waayo haduu khiyaamo, ama dano gaar ah ka damacsan yahay, waxaa suuragal ah, ineysan haba yaraatee wax maco ah ku fadhiyi doonin. Hadaba sida warku nagu soo gaadhay, Cabdi Iley ayaa ugu soo horeysiiyey shacab weynaha reer Jigjiga beelaha uu damacsan yahay iney wada heshiiyaan, siiba jilibada beesha Jidwaaq Absame. Sida la sheegayo wuxuu ergo u dirsadey madax dhaqameed, iyo cuqaal badan oo ka tirsan beesha Abaskuul, arintan ayaa dhacady intuusan bilaabin safarkii uu ugu kicitimay dhinaca Addis Ababa maalmo ka hor, inkasta oo aysan kala cadayn inuu soo noqday, iyo inkale, hadana sida lagu soo qoray boggiisa Cakaaranews, ayaa lagu sheegay inuu magaalada dib ugu soo noqday, inkasta oo inta badan aan wax shacabka farxad galiya lagu soo qorin bogiisa, ayaase qoraalkii ugu dambeyey ee boggaas lagu soo qorey uu u ekaa, qoraal ugu yaraan maslaxad doon ah, balse ma aysan faahfaahin, maslaaxada uu deegaanka ka damacsan yahay inuu ka rido, deegaankeena o sida lawada ogyahay dhibaatooyin badani ka jireen in mudo ahba.
Sidey reer Qabri Bayax u arkaan maslaxad doonka madaxweynaha
Hadaba qoraal gaar ah oo ay noo soo direen dad ka soo jeeda deegaanka Qabri Bayax, ayaa marka hore, soo dhaweeyey nabad donida Cabdi Iley, inkasta oo ay taxadar ka muujiyeen, hadana waxay ku tilmaameen in haday xagiisa run ka tahay ay noqon karto talaabo wanaagsan, balse qoraalkooda oo aanu dib u habeyn ku samayney, ayey u egtahay, in shuruudo la hor dhigey wada hadal, iyo taageero buuxda oo beelaha Jidwaaq siiyaan maamulkiisa.
Shuruudaha ay nasoo gaadhsiiyeen ayaa waxaa ka mid ah:
 1: In marka ugu horeysa dawlada deegaanka, iyo madaxweynuhuba raali galin ka buuxda ka bixiyaan, sidii sharaf dhaca, iyo dhaqan meel uga dhacana ahayd ee lagula kacay Suldaanka beeshu aadka u taageersan tahay ee Suldaan C/Raxmaan Suldaan Bade. 2: Inuu madaxweynuhu xilka ka qaado gudoomiyaha hogaanka nabadgalyada ee deegaanka C/Laahi Yusuf Weerar, kadibna sida laga yeelayo loo daayo beesha uu ka soo jeedo ee Abaskuul, iyadoo gabagabada C/Laahi Itoobiyana lagu qabanayo magaalada Qabri Bayax, arintan oo la mid ah sidii ay reer Wardheer ka yeeleen Cabdi Bade. Intaas kadib ayey qoraalkooda ku sheegeen, in lawada hadli karo, wanaagna dhex mari karo, madaxweynaha maamulkiisa, iyo beelaha reer Qabri Bayax.
Dhinaca kale, ayaa laga codsanayaa in beelaha kalena soo bandhigaan haday jiraan shuruudo ay ku xidhayaan la heshiinta madaxweynaha siiba beelaha Yabaree, Bartire, Gadabuursi, Sheekhaash, Sacad Muuse, Wayteen Absame, Akisho, iyo kuwo kale, oo dhamaantood ka tirsan beelaha nabada jecel ee sida walaalnimada ah u wada dega gobolka dadka badan ee Jigjiga.
Dadweynaha nabada jecel, fikirkiina, arintan ku tacaluqa, waa muhiim, ee fadlan soo dhiibta, sidaad u aragtaan. halkan riix
| | 
 Shaqsiga sida dhabta ah u leh, ama dhisanaya Hotel Plaza ee magaalada Jigjiga, oo su'aalo, iyo shaki weyni ka yimid
 Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
 |