Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News
Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

Maamulka Cabdi Iley oo dagaal culus ku haya taariikhdii magaalada Jigjiga, iyo magacyadii lagu yaqiiney

Radio Jigjiga (Jigjiga) January-07-2012, Maamulka uu hormoodka ka yahay madaxweyne Cabdi Iley, ayaa dagaal beelaysi ah kula jira taariikhdii, iyo wixii ay caanka ku ahayd magaalada Jigjiga, waxyaabaha lagu eedaynayo, ayaa waxaa ka mid ah, magacyo loo yaqaaney meelo dadweyne, sida Iskuulada.
Sida warku sheegayo waxaa la dumiyey dugsigii hoose-dhexe ee loogu magac daray ninkii helay magaalada Jigjiga ee la odhan jiray Garaad Wiiwaal, duminta dugsigan ayaa loogu marmasiyooday inuu dugsigu aad u yaraa, ama uusan ku filaan karin iney arday badani waxku barato, dabadeedna sidaas baa lagu dumiyey.
Bah bililiqo
Balse, war isma qariyee, waxaa laba todobaad markii la dumiyey kadib soo baxday, in xaqiiq ahaantii, aan dugsiga looba dumin sidii la sheegayey, laakiin loogu tala galay in siiyo, yaa kale, gabadh ay isla aabaha bililiqada (Cabdi Iley) qaraabo yihiin, arintani maahan, waxaanu iska soo qorney, amaba cid gaar ah ula jeedno ee waa arin dhacday, oo xaqiiq ah, qofka doonaya inuu xaqiiqsado, hala hadlo dadka jooga magaalada, hana soo xaqiiqsado!.

Dhacdadan, ayey hadaba dadweyne badan oo ka mid ah, shacabweynaha degan magaaladu aad ula yaabeen, xishood darada, iyo been waxku qaadka kooxda loo yaqaano bah bililiqo, sida nala soo gaadhsiiyey, dadka magaalada ayaa ku wada hadla iney kooxdani dagaal qaab daran, kula jiraan, beelihii deegaanka gaar ahaan, magacyadii xusuusta, iyo taariikhda dheer ku lahaa sida magaca Wiilwaal, iyo Axmed Guray, waxaa la sheegaa in nin ka mid ah koox bililiqo uu ku kaftamay, in magaca Axmed Guray, uusan Soomaaliba ahayn, ee uu ahaa Carab iwm. Balse markii dadkii la yaabay ayuu intuu isqabtay, yidhi "macnaha Xamar buu taalo ku lahaa" dabadeedna waxaa lagu yidhi "Sayidka aad ku digridaan miyuusan isna Xamar taalo ku lahayn?".

Si kastaba ha noqotee kooxdan oo iyagu khabiir ku ah, dhicida, iyo bililiqada, ayaa dagaalka ay kula jiraan taariikhdii deegaanka, la moodaa ineysan hada qarsanba, ee ay banaanka soo dhigeen.
Sidoo kale, ayey dadweyen aad u badani, markii ugu horeysay indhahooda ku arkeen, waalida bah bililiqo, taasoo keentay in loo aqoonsaday ineysan sharciga waafaqsaneyn in wixii dhul la bixiyey, ilaa, iyo intuu Cabdi Iley madaxweynaha deegaanka noqday, sidaa awgeedna ay si sharci daro ah ku dhisteen, ama ku dageen, ayna muhiim tahay, in sida ugu dhaqsaha badan looga soo celiyo hantidaas ay dhaceen, isla mrakaana dadkii lahaa dibada ka joogo.
Waxaa laysku raacay in si hoose oo sir ah, loo diiwaan galiyo, guryaha, iyo dhulka ay sida sharci darada ah, isku siiyeen bah wax walba boobe, si marka ugu horeysa ee fursad loo helo, talaabo looga qaado.
Arintan, oo laga codsanayo in qof walba uu kaalintiisa ka qaato, ilaalinta, dhawrida taariikhda, iyo hidaha deegaanka, gaar ahaan magaalada Jigjiga.

hees wadani ah




 

 
radio on Facebook

beesha xasan Cismaan
Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar

video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.