Radio Jigjiga Home     Ogeysiis
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News

Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

WDr. Axmed Sheekhareysigii uu warsidaha afdheer.com la yeeshay madaxii hore ee xafiiska deegaanka u qaabilsan cilmi baadhista, mudane Dr. Axmed Sheekh, oo loo arkay inuu iftiin ku shiday guud ahaan sida ay dawlada deegaanku u shaqayso
SFree Pressaxaafada xorta ahi saaxiib joogto ah ma leh

al)
Doorashadii Cabdi IleySanad guuradii Koowaad ee madaxweyne-nimada Cabdi Maxamuud Cumar, maxaa khaldamay, maxaase la qabtay (faalo)

Maamul xumada, oo lagu tilmaamo, waxa ugu weyn ee sababa macaluusha

Abaaraha, iyo macaluuul aad u xun, ayaa markale la soo darsay, dalalka geeska Afrika siiba, Ethiopia, iyo Soomaaliya.
Waxaa aduunku si weyn u xasuustaa abaartii dalka Itoobiya ka dhacday sanadkii 1984kii, abaartaas, roob, iyo biyo  la'aan inta badan, ma sababin, ee waxa ugu weyn ee loo aaneeyo waxay ahayd, maamul xumadii dawladii Mingistu.

Markale, ayey hadaba abaarihii dib ugu soo noqdeen geeska, laakiin arinta kale ee lala yaaban yahay, ayaa waxay tahay, in abaartu ka jirto wadamada Soomaalidu dagto, wadamadan, ay Soomaalidu degto ee Itoobiya, Kenya, iyo Soomaaliya, ayaa dhamaantood ka mideysan, ineysan lahayn, maamul fiican, oo hadii arin degdeg ahi, la soo daristo, aan waligeed horey loogu diyaar garoobin.

Inkasta oo deegaanka Soomaalida ay ka jirto, hayada ka hortaga abaaraha, iyo masiibooyinka, hadana hayadani maahan, mid wax weyn ka tarta, dhibaatooyinka taagan.
Waxyaabaha loo aaneeyo, waxqabad la'aanta hayadan, ayaa waxaa ka mid ah, xafiiska oo aan loo sameyn, miisaaniyad ku filan, khibrad la'aan haysata dadka maamula, meelaha abaaruhu sida weyn uga jiraan, oo nabad galyo daro ka jirto, iyo tan ugu daran oo ah, maamul xumada guud ahaan ka jirta deegaanka.

Dhibaato kale oo iyana la sheego,  iney keentay kaalamada ay inta badan keenaan, hayadaha samafalka, ama gargaarka dhinaca raashinka ah keena, ayaa waxay tahay, in dadweynihii iskaga filaan jiray, dhanka beeraha, iyo wax soo saarku, ay gabi ahaanba noqdeen, kuwo ku tiirsan raashinka, iyo kaalmada laga keeno dibada.
Intaan, hayadaha gargaarka raashinku imanin qaarada Afrika, sida runta ah, waligeed taariikhda laguma sheegin, macaluul baahsan oo dhacday, halkan waxaa laga garan karaa, waxa dad badani ku doodaan, taasoo ah, in abaaraha, intooda badan ay ka bilawdaan, wararka sida weyn loo buunbuuniyo ee ku saabsan abaaraha, taasoo dadkii halkay waxka beeran lahaayeen, ay bilaan iney ka dhr sugaan, iskuna haleeyaan, kaalmooyinkaas loo balan qaaday.

Laakiin haday, dadweynaha wax beerta, ama xoolaha dhaqda, ay dawladahoodu ku guubaabin lahaayeen, sidey waxa yar ee ay haystaan, ugu adeegsan lahaayeen siday uga maarmi lahaayeen, ineysan waxba dibada ka sugin, waxaa dhici lahayd, in dhibaatada abaaraha, iyo macaluusha la xakameyn lahaa.


 

  
Jigjiga FM
Warbaahintii dawlada deegaanku lahayd ee magaalada Jigjiga oo lagu soo waramo inuu madaxweyne Cabdi Iley u adeegsanayo danihiisa gaarka ah

Wakhtiga U Dhiman Cabdi Iley

Waraaqaha Dadweynaha

Misgistu, iyo Cabdi Iley
Maxaad kala socotaa, labada nin ee deegaanka Soomaalida, soo xukumay, misana loogu necbaanshaha badan yahay?


Radio Jigjiga (Jigjiga) 7-29-2011, Dadweynaha ku nool deegaanka Soomaalida, gaar ahaan, kuwooda degan caasimada Jigjiga, ayaa isku wada raacay, in intii madax, iyo masuuliyiin ka soo noqotay dhulkeena loogu necbaansho badnaa laba nin. Warkii oo Dhan
taalada Sayidka
W
aa maxay sababta guriga shirarka ee magaalada Jigjiga loogu magac daray Sayid Maxamed Cabdulle Xasan?


Radio Jigjiga (Jigjiga) 8-5-2011, Waxaa maalmihii la soo dhaafay ay dood weyni ka taagneyd sababta aqalka shirarka ee magaalada Jigjiga loogu magac daray Sayidka. Warkii oo Dhan
 
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2000-2011 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.