Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News
Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

Maamul goboleedka Puntland oo halis ugu jira inuu burburo

Radio Jigjiga (Bosaaso) Maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa qarka u saaran inuu burburo, maamulkan ayaa ay dhawrkii bilood ee la soo dhaafay, ay hadheeyeen dilal qorshaysan, dagaalo beeleed, iyo musuq-maasuqa oo si weyn u baahay.
Ilaa, iyo intuu madaxweynaha ka noqday Cabdiraxmaan Faroole, ayey rabshado, iyo dhibaatooyin dhaqaale la soo darseen maamulkan.
PuntlandFaroole
Cabdiraxmaan Faroole, ayaa isaga si gaar ah loogu eedeeyaa, inuu lug weyn ku leeyahay, dhibaatooyinka ka sii daraya maalinba, maalinta ka dambeysa. Sidoo kale, ayaa isla isaga lagu tilmaamaa inuu yahay nin eexashada, iyo qabiilaysiga aan waxba ka qabin, inta badana waxaa lagu eedeeyaa inuu dhiiri galiyo xatooyada, iyo in dad gaar ah, si gooni ah loogu naas nuujiyo hantida Puntland.

Hadaba sadexdii bilood ee la soo dhaafay, ayaa ay dilka, dhaca, iyo dagaalada u dhaxeeya beelaha wada daga maamulka Puntland uu sii kordhayey.
Waxaa la tilmaamaa, in dilalka loo geysto aqoonyahanada, iyo cuqaashu uu marayo meeshii ugu darayd.
Dhawr maalmood ka hor ayuun bey ahayd, markii la dilay nin aqoonyahan ahaa, misana qiime weyn ku lahaa bulshada dhexdeeda. dilkii DR. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan, ayaa noqday dil aad looga wada xumaaday, walina ma jirto cid loo soo qabtay dilkaas naxdinta leh, sidoo kalena ma kala cada sababta keentay dilka marxuumkaas aqoonyahanka ahaa, iyo ujeedada laga lahaaba.

Si kastaba ha noqotee, dadweyne badan oo ka tirsan qurba joogta reer Puntland, ayaa ugu baaqaya inuu Cabdiraxmaan faroole si dhakhso ah isku casilo,maadaama uu si weyn ugu guul daraystay inuu wax ka qabto nabad galyada ka sii xumaanaysa, iyo daagalad u dhaxeeya beelaha walaalaha ah ee reer Puntland, taasoo hadiin aan si dhakhso ah waxba looga qaban keeni karta, in maamul goboleedka Puntland uu si fudud u kala furfuran doono, amaba u burburi doono.


 

 
radio on Facebook

beesha xasan Cismaan
Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar

video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.