Nimaan qooq dilin, Maroodi ma dilo, kabtan Iley, oo cartankii, iyo cabaadkii ka dhamaaday
Radio Jigjiga (Jigjiga) Horaa loo yidhi "nin daad qaaday, xumbo cuskay" ka dib markii in mudo ah lala daba socday tooshka lix qaadka ah, ayuu abaanduulihii baranbarada, iyo mugdi ku noolka Jigjiga, isagoo sidii gofone naaxay u eg dibada isa soo dhigey.
 Tooshka lix qaadka ah ee Radio Jigjiga (alla ha noo daayee) ayaa Cabdi Iley, lagaga soo ifshay, agagaarka qabuuraha Sheekh Cali Guure, ee magaalada caasimada jigjiga, ka dibna ina Iley baranbaro, wuxuu galay, godadkii dhurwaayada ee buurta Kaaramardha, laakiin, nasiib daro lagama daba hadhin, ee tooshkii laga daba bul sii, ilaa uu u cararay deegaanka Xaadow.
Iyana laga daba shid, ilaa ugu dambeyn, uu magaalada Addis Ababa is yidhaahdo bal inyar, tooshka kaga dhuumo, balse dhagar qabe, dhulkaa u dhaq-dhaqaaqee, Addisna, looga hadhi waa, si kastaba ha noqotee, tooshka lix qaadka ah, oo saaca bil, saaca, dhagaxyada looga badalo, ayaa ugu dambeyn doofaar ilka dheere, si fiican loogu shidey, anfiriirkii tooshka, ayuu wax cabaad, iyo cartan loo kala garan waayey, misana u dhawaaqay sidii lo' libaax ku galay ceelkii Dhurwaale, ama dergadihii Qoraameed, mar qudha la dhawaaqay "war Cabdi Iidoor, tooshka iga daa, ina Fiqi Muusana waan ahaye!" nasiib daro, iyana tooshku wax buu ifiyaaye, ma hadlo, Fiqi Muusase kuu Cakaara-ceeb badan ku caayey, miyuusan ahayn!.
Waa igu balan, inaan sida gufidii beeraha Dhigriiley, ama Hora Khaliifo, xididka kuu saaro, hadaanan sidaa yeelin, Sheekh-Dhaa, layguma wanqalin, beerihii reer Axmed Cimi Xuseena, xaqoodu ha i qabto.
I arkaay, i qariyaay, buu ku dambeeyaa
Cabdi Iley, oo wuxuu horey u ahaaba, ay dadweyne badan, oo deegaanka ka tirsani, si weyn u soo dhaweeyeen, kolkii loo magacaabay jagada madaxweynaha deegaanka, ayaa halkuu horumar, nabad, iyo dib u dhiska deegaanka, ka shaqeyn lahaa, ka bixi waayey, inuu shacabka danta yar ee deegaanka, bahdil, iyo af xumo kula kaco. Wuxuu bilaabay, inuu hanjabaad, iyo caga jugleyn ugu goodiyo, cid alla, cidii war wax hagaaji, ama umada Ilaahay ku hoos dhigey wanaaji, tidhaahda, wuxuu waxba kama jiraan ka soo qaaday, aqoonyahanadii, iyo wax garadkii deegaanka, wuxuu ismooday in isaga cirka laga soo diray (a divine leader) wuxuu Cabdi Iley, iloobey wuxuu horay u ahaan jiray, iyo siduu ku soo koray, taasoo ah inuusan ahayn, amaba ka soo jeedin qoys reer Boqor oo kale ah.
Wuxuu u qaatay, inuuba isagu deegaanka, iyo dadka ku nool leeyahay. Jigjiga waa meel taariikh dheer lehe, malaha waxaa lagu yidhi "waxaad tahay adigu, Boqorkii dhulkan sanado badan ka hor xukumi jiray ee Boqor Wiil Waal" wixii lagu yidhi, isaga, iyo wuxuu is moodayba, xaqiiqdii jidkii qumanaa ka habow, oo walibana si qumaati ah u dhinac mar.
Waxaa dhacday in loogu yeedho, magacyo runtii u baahan, in ninka madaxda ahi uu mutaysto, ama shaqeysto si loogu yeedho, sida khayr qabe, aabihii deegaanka, wanaagsane iwm. Kaba sii darane, waxaa jirtay in koox wadaado ah, misana aad u caqli, iyo xeelad badani ugu yeedhaan Cumar Binu Khataab, iyo Amirul Mu'miniin, bal ka warama, nin fayoobi, heerkaa waalida ah ma isla gaadhaa. Markuu USA, noogu yimid, buu qoraagani ku yidhi "Cabdi Iley, Cumar Binu Khataab, adigu ma tihid, ee waxaad tahay madaxweynihii deegaanka, ee nin yahow, cagaha dhulka la hel, oo masuuliyada weyn ee lagu saaray, sidaad uga soo bixi lahayd, flawgeed gal" inkasta oo uu maqlay, hadana nasiib daro, taladaas qiimaha lahayd, kamay dhadhicin.
Si kastaba ha noqotee, Cabdi Iley, wuxuu noqday dameer malab la saaray, xilkiisii inuu ka soo baxo, iskaba dhaafe, wuxuu bilaabay qooq, iyo faan been ah.
Nimaan qooq dilin, maroodi ma dilo
Cabdi Iley, wuxuu kibirkii, iyo isla weynidii u geysay, ragii, isaga markii horeba, kabaha ka weyn u sahlay inuu gashado, taasoo ugu dambeyn keentay, inuu faras magaalaha Addis Ababa kula lagdamo, ragaas, isaga ka numbarka weyn. Dhibtaas uu hadaba, shaqsiyan isku keenayna, waa taas, maanta, uu dhaxalkeedii gacmaha ku hasto. Ugu dambeyn, maanta wuxuu Cabdi Iley, nasiib ku leeyahay, hadaan lafahiisa loo xidhin, deegaan dambe, oo uu xukumo iskaba reebe, markale, hadaan talo siiyo, waxaan ku odhan lahaa "jidkii qadaafi, wali wuu furan yahay, ee nin yahow ha marin, hadaadse martid, wixii ku hela, eedeeda adiga ayuun baa iska leh.
|