Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News
Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

Lacagtii loogu talada galay guud ahaan horumarka deegaanka oo qasnada xafiiska maaliyada ee Jigjiga laga waayey

Radio Jigjiga (Jigjiga) 11-24-2011, War naga soo gaadhay xaga magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in lacagtii ay dhawaan bixisay dawlada dhexe, uguna talada gashay la dagaalanka abaaraha, iyo guud ahaan mashaariic kale oo horumarineed, laga waayey qasnada xafiiska maaliyada.
Lacagtan oo ahayd in ka badan 1 Bilyan oo bir, ayaa gabi ahaanba aan ku soo xaroonin, xafiiska maaliyada ee deegaanka.
Calanka deegaanka
Hadaba maqanaanshaha lacagtan, baa looga shaki qabaa, in sidii caadada ahayd horeyna u dhici jiray, la xaday, isla markaana laga yaabo in lagu shubay qasnado si gooni loo leeyahay.
Mahaan, markii ugu horeysay ee qasnada dawlada deegaanka laga waayey hanti, iyo lacago aad u fara badan.
Intuu Cabdi Iley, yimid xafiiska madaxweynaha deegaanka, ayaa waxaa dhacday, in xisaabtankii, iyo daba galkii lagu samayn jiray, meelaha ay hantida dawladu gasho, ama marto, gabi ahaanba la joojiyey, taasoo keentay, in madaxda sida weyn ugu dhaw, Cabdi Iley, iyo isaguba ay si fool xun ugu tagri falaan hantidii dawladu lahayd, sida lacagtan hada maqan oo kale.
Kooxdan uu Cabdi Iley hogaamiyo, baa deegaanka looga yaqaanaa magagacyo dhawr ah, sida Bah Bililiqo, Kooxda Xaqiran (outcast) Mooryaanta Deegaanka, iwm. Dadweynaha deegaanka, ayaa sheega in sababta magacyadan, dadka quman, aan looba quudhin in loogu yeedho, ayse kooxdani ku mutaysteen, sharaf la''aanta, iyo xishood darida ay ku caan baxeen, sida inta badan, dhacdana waa koox u dhaqanta ineysan, deegaanka Soomaalidaba ka imanin, ee meelo kale laga keenay.

Dhinaca kale, sida aanu ku hayno war aan wali sugnayn, Cabdi Iley, ayaa Addis Ababa dhexdeeda ku faanaya, inuu isagu ku guulaystay tartankii loogu jiray isaga, sidii kursiga looga tuuri lahaa, Sidoo kale, ayey dad kabtanka kooxda boobka deegaanka ka ag dhawi noo sheegeen, inuu Cabdi iley, bilaabay cartankii, iyo hanjabaadii uu kala hor jeeday dadkii ku kacsanaa.

Waxaa kaloo jirta inuu Cabdi Iley wanjalay (black listed) bogga Kilil5, isagoo Ethiopian Telecom, ugu sheekeeyey, iney bogaasi wado olole kacdoon dadweyne ah, kaasoo ka soo horjeeda dawlada Ethiopia.
Wali makala cada, in shirqoolkaas beenta ah, boggana (RJ) lagu daray, haduuse boggana kabtan Iley, ku daro, kuwuu black list-inka ku sameyey, sida dhabta mucaaradnimadii, iyo fashilankii uu horeyba sida dameetaha uga qayliyey, uunbuu isku sii badiyey, hawshuna si fiican bey u sii socon doontaa.

Ugu dambeyn, waxay dad kale noo soo sheegeen, in boggaga dawlada Ethiopia sida dhabta uga soo horjeeda ee ururka onlf leeyahay, iyaga aan haba yaraatee, waxba lagu samayn, xafiiska Ileyna si fiican looga soo galo, balse boggaga kabtanka ka soo horjeeda laga joojiyey dhamaan dalweynaha Ethiopia.
Lama garanyo sababta ay sidaasi ku dhacday, waxayse u badan tahay, in wixii Cabdi Iley, horeyba looga shakiga qabay, ee ahayd, inuu xidhiidh fiican la leeyahay, ururka onlf, uuna doonayo inuu beelaha aan beeshiisa ahayn, ka yeelo, ama ku daro ururka onlf, uu banaanka soo dhigey.

 

 
radio on Facebook

beesha xasan Cismaan
Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar

video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.