
 Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.
Bilawgii kacdoonka lagala horjeedo Cabdi Iley, iyo siduu ku bilawday (this is a must read article)
| Lacagta cusub ee ay dawlada Somaliland soo daabacatay oo khatar dhaqaale, ku haysa ganacsiga deegaanka Soomaalida
Radio Jigjiga (Jigjiga) January-19-2012, Iyada oo ay horeba lacagta laga leeyahay Somaliland ay shacabka deegaanka dhibaatooyin dhaqaale ku haysay, ayey hadana lacagtan cusub ee maamulkaasi soo daabacday ay dhibaatooyin hor leh ku soo kordhiyeen, dhibaatooyinkaas oo ay ugu weyn tahay in lacagta Somaliland, sharci darada ay deegaanka ka tahay ka sokow, ay dadka xoolo dhaqatada ah ku tahay sidii qaab dhicid ah oo kale, sidoo kalena waxay lacagtan cusubi wadataa sicir barar aad u badan. Sida lala socdo lacagta Somaliland maahan lacag caalami ah, ama lagama isticmaali karo, meelaha ka baxsan dhulka ay dawladaasi ka taliso, sidaa awgeed sharciga ma waafaqsana in laga isticmaalo degmooyinka, ama magalooyinka uu ka kooban yahay ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
 Balse sida uu gudoomiyaha Bankiga dhexe ee Somaliland Cabdi Diiriye Cabdi, u sheegay wareysi uu siiyey idaacada VOA-da, in lacagta maamulkiisa wakhtigan hada ah, aad looga isticmaali Kilika Shanaad, ayaa waxaa jira ganacsato ka soo jeeda deegaanka Soomaalida oo si sharci daro ah, xoolo dhaqatada deegaanka, marka ay xoolahooda keenaan sayladaha ku yaalaa degmooyinka ku yaala xadka deegaanku la leeyahay Somaliland, in ganacsigaa xolaha lagu kala iibsado lacagta Somaliland, Hadaba ganacsigan xoolaha ee la isticmaalayo lacagta Somaliland ayaa wata laba arimood oo dadka xoolahooda iska iibinaya, kana soo jeeda dhinaca deegaanka aysan la soconin, amaba fahamsaneyn, dhibaatda ay keeni karaan, kuwaas oo kala ah:
 1: in marka hore ku isticmaalka deegaanka dhexdiisa ay lacagtani tahay sharci daro, taasoo xoolahooda ay iska iibinayaan, aysan helayn qiime u dhigma lacag ahaan, waayo markay lacagta Somaliland dib ugula soo noqdaan dhinaca deegaanka, waxba kuma iibsan karaan, markaa waa iney sariftaan kana dhigaan lacagta Itoobiya, dabadeedna isku sarifkaas lacagaha waxaa ku lumaya lacago badan, halkaana khasaaro weyn ayaa ka soo gaadhaya dadkii xoolahooda iska gadayey, waayo waxaa suuragal ah, in dhawr neef lacagtoodii ay meesha ka baxdo, isku badalkaas lacagaha awgeed.
2: arinta kale ayaa ah, haduu qofkii xoolahiisa ku soo badashay lacagta Somaliland uu damco inuu, lacagtaas kayd ahaan u dhigto, in ay khasaare kale u keeni karto, waayo qiimaha sarifka lacagta Somaliland oo aan ahayn mi xasilan (unstable monetary rate exchange) amaba waxaa dhici karta, in hadii lacagtii la badalo, ama ay dawlada Somaliland si kale meesha uga baxdo, uu qofkii deegaanka ku haystay noqonayo oo kale sidii qof waraaqo aan macno lahayn jeebka ku haysta.
Sidoo kale, lacagta Somaliland malaha kayd lacageed oo meel u yaala, isla markaana xaqiijinaya ineysan qiimaha lacagatani hoos u dhicin, taas macnaheedu waxaa weeye, in qiimaha lacagta ee wax lagu kala gataa uusan labadii todobaadba meel isku mid ah joogin. Markaa maadaama ay dadka deeganka ee wax iska iibiniya ay badanaa wataan hanti maguurto ah, sida xoolo, saraca beeraha iwm, ku badashada ay lacagta Somaliland ku badashaan waxay u ekaaneysaa sidii iyagoo hal dhinac hanti badan u wareejinaya, maadaama aysan lacagtani dhinaca deegaanka sinaba uga socon karin.
 Si kastaba ha noqotee, waxaa loo baahan yahay in dawlada deegaanku ay fiiro gaar ah u yeelato oo si weyn ula socoto, ganacsatada deegaanka ku haya xaalufinta dhaqaale, iyo hanti wareejinta, waayo lacagta dal dibada uga imaaneysa hadaan si culus loo xakameyn, iyana khatarteeda bey leedahay. Waxaa kaloo jirta, iney jiraan ganacsato reer Somaliland ah oo intey lacagtooda deegaanka keenaan xoolo nool sida Geel, Lo' ama Adhi, ku iibsadaan, dabadeedna markay Somaliland dib ugu noqonayaan USA, Dollar, ku sii badasha, arintana inkasta oo aysan dadweynaha badankoodu wada fahamsaneyn, waxaa la odhan karaa waa khatarta ugu weyn ee dhaqaalaha deegaanka, iyo guud ahaanba Itoobiyaba, ku socota.
Ugu dambeyn waa in xafiiska dakhliga, ama canshuur ururinta deegaanku arimahan aad ula socdo, ishana lagu hayo deegaanada xadka ku yaala, iyo ganacsiyada ka socda.
Halkan hoose ka dhageyso wareysiga gudoomiyaha Bankiga dhexe ee Somaliland
| | 
 Shaqsiga sida dhabta ah u leh, ama dhisanaya Hotel Plaza ee magaalada Jigjiga, oo su'aalo, iyo shaki weyni ka yimid
 Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
 |