Kud ka guur, oo qanjo u guur, waa isbadalka lagu sameyey madaxdii dawlada deegaanka
Waxaa la soo bandhigey, isbadalkii mudada dheer la sugayey, ee isku shaandheynta, madaxda maamusha hayadaha, iyo wasaardaha kala duwan ee ay ka kooban tahay dawlada deegaanku. Sidii caadada u ahayd rug cadaaga siyaasada deegaanka, inta badana loo yaqaan "Radio Jigjiga" waxaanu idiin soo bandhgeynaa xogta runta ah.
Sida dhabtu tahay, arintan isbadal maamul laguma sheegi karo, waayo budhcadii hore, ayuun baa shaati cusub loo xidhay, halka madaxdii daacada ahayd, khadka laga saaray. Aynu ugu hor marinee, waxaa durbaba bahdil xumi ku dhacay, labadii madaxweyne ku xigeen ee Adan Faarax, iyo Suldaan Wali, waxayna u egtahay, in daaqadii laga tuuri lahaa loo dhaweyey, arintan oo faahfaahsan halkan ka akhri. Sidoo kale, waxaa la dalacsiiyey gacan yarayaashii kabtan Iley, waa kuwa xoolaha dadweynaha u dhaca sida ninka lagu magacaabo "Xabiib Muxumed Yuusuf" oo loo caleemo saaray, inuu Sumalka idaha ku jira u soo dhaco, canshuuraha miisaaniyada aadka u weyn soo xareeya, sida canshuurta qaadka wadamada deriska loo qaado, isagoo loo dhiibay Xafiiska Dakhliga (canshuuraha) halka meeshuu Xabiib horey u joogey loo dhiibay, gacan yare kale oo kamid ah, bahbililiqo. Arinta kale, ayaa waxay tahay, xafiiskii maaliyada oo dhamaan laga xayuubiyey lacagihii, iyo miisaaniyadii uu xafiiskani caanka ku ahaa maamulkiisa, oo xafiis inta laga dhex dhisay, ka dibna loo dhiibay nin beesha Cabdi Iley ka tirsan, halka uu Axmed Deeq, loo dhiibay oo kaliya furayaasha xafiiska ee albaabka hore, lana socda qandarasyada, iyo dhamaan maaliyadii waxaa la hoos geeyey xafiiska dakhliga oo uu maamulo Xabiib, oo reer ahaan Cabdi Iley aad ugu dhaw.
Cabdulaahi Itoobiya oo bahdilkii ugu xumaa, Cabdi Iley ku sameyey
C/Laahi Itoobiya oo horey ugu magacawnaa gudoomiye ku xigeenka xafiiska nabadgalyada, ayaa magac u yaal hada looga dhigey, xafiiskan, waayo sida dhabtu tahay, waxaa xafiiska nabadgalyada, iyo cadaalada si buuxda u maamuli doona, taliyihii hore, ee ciidamada xabsiyada, ama Asluubta, waa ninka la yidhaahdo "Cabdi Bade Cismaan" Cabdi Bade, waa nin lagu tilmaamo raga siraha culus ka haya Cabdi Iley, waxaa kaloo la sheegaa in xilka hada ka hor looga qaaday, ka dib markuu soo xidhi waayey DR. Axmed Sheekh, waayo waxaa ka soo gaadhay ciidamada dawlada dhexe, sidaasaana xilkii looga qaaday, dhinaca kale, Cabdi Bade, ayaa markaan laga dhigey la taliyaha madaxweynaha ee arimaha nabadgalyada, taasoo macneedu yahay inuu C/Laahi Itoobiya, uu warbaxinta siin doono, amarkana ka qaadan doono Cabdi Bade, halkuu u madax banaanaan lahaa xafiiska nabadgalyada, Cabdi Bade, oo isna la reer ah Cabdi Iley, ayaa noqonaya ninka labaad ee dawlada ugu awooda badan.
Ugu dambeyn; dad badan oo ka tirsan dadweynaha deegaanka ayaa ku sheegay, in isku shaandhaynta cusub, aysan waxba ku soo kordhin doonin hawlihii horumarka, ama nabadgalayada ee deegaanka, balse ay tahay oo kaliya dardar cusub oo la galiyey dhacii, iyo bililiqadii horeyba ugu socotay dhaqaalaha deegaanka.
Radio Jigjiga (Jigjiga) 8-5-2011, Waxaa maalmihii la soo dhaafay ay dood weyni ka taagneyd sababta aqalka shirarka ee magaalada Jigjiga loogu magac daray Sayidka. Warkii oo Dhan