
 Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.
| Ciidamada Liyuu Booliska oo laga yaabo in la kala diro
Radio Jigjiga (Jigjiga) war xogogaal ah oo aanu ka helnay ilo lagu kalsoonaan karo, ayaa sheegaya in laga yaabo in la kala diro maleeshiyada Booliiska ee sida gaarka ah u tababaran (Somali state militia).
 Ciidamada liyuu booliska ayaa baryahan dambe, ay cabashada laga cabanayaa aad u badnayd, inta badana markay xadgudubyo, iyo tacadiyo aad u badan dadweynaha deegaanka kula kacaan, ma jirto cid, ama shaqsi loo raaco tacadigaas ay shacabka kula kacaan. Hadaba dhibaatooyinka ay liyuugu shacabka ku hayaan, ayaa badanaaba loo nisbeeyaa madaxweynaha deegaanka Cabdi Iley, isagoo lagu eedeeyo inuu deegaanka u xukumo sidii nin kaabo qabiil ah, ama reer guuraa ah, taasoo ay dhacdo in hadba madaxda ay isaga siyaasada isku qabtaan uu beesha madaxaasi ka soo jeedo ciidamada liyuuga kor geeyo, halkaana xadgudubyo, iyo dilba lagula kaco beeshaas.
Arintani maahayn, wax dhaqan ahaan ay madaxdii Cabdi Iley ka horesay samayn jireen, ee waa shaqo naxariis daran oo Cabdi Iley la soo shir tagey, hadaba si arintan qaabka daran meesha looga saaro, ayaa lagu rajo qabaa in ciidanka liyuuga gabi ahaanba la kala diro, amaba ugu yaraan awoodooda si weyn loo dhimo.
Waxaa kaloo la sheegaa in bil ka hor, la doonayey in madaxweynaha xilka laga qaado, laakiin waxaa dhacday in layska dhawrayey in tiro badan oo liyuuga ka tirsani ay dhinaca kale u talaabaan, taasoo markii dambe la ogaaday in tiro xoog leh oo ka tirsan liyuuga uu Cabdi Iley ku gorgortamo, waana sababta keentay in marka hore Liyuuga meesha laga saaro, intaan madaxweynaha la caydhin, kadibna isaga naftigiisa sidii caadada ahayd dhabarka laga taabto.
Ugu dambeyn madaxweyne Cabdi Iley, ayaa lagu tilmaamaa iney soo af jarmatay shaqadii uu dawlada dhexe uga hayey deegaanka, balse waxaa la sheegaa inuusan Cabdi Iley ahayn nin shanqar la'aan libdhaya ee uu dagaal ka xigo in dhabarka laga taabto, taasoo keeni doonta in ciidamo badan oo liyuuga ka tirsan ay aabahood la dudaan, sidaana dagaal u dhexmaro iyaga, iyo ciidamada dawlada dhexe, dabadeedna inta liyuuga ka soo hadha ay onlf u gali doonaan.
| | 
 Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar
 Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
 |